Maamulka  cusub ee degmada boon ayaa ah  midkii ugu danbeeyay gobolo iyo degmooyin badan oo u mahadxwayne Rayaale  magacaabay,

Degaanka Boon oo ah degan aad ubalaadhan ayaa ah mid dayacan oo ay dawladu danba kagalin marka laga reebo marka ay jiraan arimo laxiriira doorasho oo ay masuuliyiinda dowladu yimaadiin balana uqaadan in ay wax uqaban doonaan lase arag waxqabadkaa, hadaba waxay ku soo beegantay magacaabistan  maamulka cusub wakhti loodiyaar galoobayo  doorashado lagu soo dooranayo madaxwayne cusub.

Xisbi xaakimka talada dalka haya ayaa  kaarta mooda markastaa in  maamul iyo degmo lamagacaabo  cod lagu helaayo,  bulshada reer somaliland ayaa ah bulsho ay ka dhamaatay  samirkii iyo dulqaadkii markii  intaa oo balamood loo qaaday waxna loo qaban ayaa u muuqda kuwo aan  degmo  iyo gobolo loo magacaabo aan lagaga heli doonin cod.

Hadaba degmada Boon waxay ka kooban tahay 12 beelood ama degaan marka laga reebo degaan ka balaadhan ee ay helayso hadii ay  buuxiso shuruudaha degmonimo ee looga fadhiyo ayaa kala ah. Ceelbaxay, Dacarbuludh, Ashicado, Boon, Abase one,Abase two, Xaliimaale, Gargooray, Calidiin, Qorijab, Caramdow, Weeraar.

Gudoomiyaha cusub ee deogmada Boon ayaa ah nin qunyar socoda  ixtiraana kamudan dad badan oo reer Boon ah, horena u ahan jiray  haydh yuulaha tuulada Boon ayaa ah mid ay awoodiiso ku kooban tahay  tuulada Boon marka aan  eegno deegaankaa aan soo sheegnay oo ah mid   beel kastaaba leedahay odayaal  iyo aqli utaliya maadaama loo magacaabay maamulkan in uu wax u soo kordhiyo xisbiga talada  hayee Udub,

Hadaba  su,aasha meesha  taalaayi waxa weeyi maamulkan cusub ee  degmada  Boon loo magacaabay ma noqon doonaa mid u Midho Dhaliya  xisbiga Ubub oo codad badan  usoo  hooya??

Waxaan maqalkaygan ku soo gabo gabayn lahaa  bulshada reer boon oo lagu yaqaan waxwada  qabsi iyo isjacayl yaan  laga dhigin dad is neceb oo  ayaga haloo daayo cida  hogaanka uqaban lahayd  degmada in ay iska doortaan.

wabilaahi towfiiq

Cumar Maxamuud Qayaad (Cumar Xadaari)
 H. Somaliland
xadaari_1@yahoo.com