Bisinka Allah ayaan cuskanay.Mahadna isagaa leh,waxan halan ku cadaynaynaa aragtida qurba jooga reer Awdal iyo Gabiley.
Waxanan halkan ku cadaynaynaa dhaliilaha ka soo baxay diiwaan galinta iyo tala soo jeedin waxa la gudboon dhamaan reer Awdal gudo iyo dibadba.
Waa mida kowaad ah waxan wax la qaadan karany noqotay hab maamulka gudiga diiwaan galinta iyo NGO (Inter peace) shirkadana ay ku ahaayeen maamulka hawshan.oo aqoonyahan,odey iyo siyaasiba reer Awdal ka qaylyeen inaan loogu hormarin diiwaan galinata,oo laga horeysiiyo goboladda kale,waayo wax waliba iyagaa u horeyey intii Somaliland jirtay sababtuna waxa weeyi ta keentay ka qaylinta oo ah horta Awdal meelku hubso ,kanayeel amaba loogeli sidii la rabo oo ah inaan marnaba tirada reer Awdal aanay dhaafin 100 kun,arintaasi reer Awdal ahaan siyaasi,muxaafid ,mucaarid,aqoonyahan,iyo cuqaalba aad ayay uga caroodeen kana qabteen shir jaaraaid diideena dhaleeceeyeena sida hawshu u socto,Ismaciilmar qudha waxba kama odhan .iyadoo qurba-joogta Reer Awdal iyo Gabileyna ay yeesheen Teleconference kana wada xaajoodeen aad uga xumaadeen kana biyadiideenhab socodka hawshaan.
Hadaba hawsha oo uu maamulay Ismaciil Muuse Nuur,oo ah nin Reer Awdal ah laakiin aan marnaba danayn amaba fiiriin xaqa muwaadinka uu leeyahay inuu is diiwaangeliyo iyo qabayaalada wiilasha yaryar ee la shaqaynaynay ee NGOga la socday ee ka soo jeeday Beelaha Isaaq oo iyagu mar waliba raba dhabar jabka Bah-Waynta Gadabuursi,oo haddii ay arin timaad mar waliba raba in ay cagta hoosteedada galiyaan kana soo qaadan Gadabuursi Secand-Class Citizen,arintaana aan hayno xaqiiqo badan,oo muaamaradyo badan iyi war bixino beensheeg ah ay ka gudbiyeen gobolka Awdal jiraan aanay xadna u yeelin xumaanta ,cid ka hadashana aanay jirin,laakiin aan hayno qoraaalo fara badan,oo ay ka mid yihiin Qoxootiyaddii Aw-bare ,dharwanaje iyo Biyokulul,sidii loola dhaqmay amaba loo celiyey,DRC iyo shaqaalaha ka shaqanayey iyo Cabdilahi Deriwal iyo Agaasimihiisii Guled,
Walaalow ogaalka Ismaciil Waa nin Gadabuursi ah oo Habar Cafaan ah,oo Reer Xaamud ah,isir ahaan reerka Reer Xaamud ma aha reer Somaliland dega laakiin waxa ay degaan yihiin Kililka-5aad ee Somalida Eithopia ,waa nin gacal la ah Reerka Isaaq waliba Habar Awal,waxa uu degan yahay dalka Sweden,waxa abti u ah Jaamac Muxumed Cilmi (aun) oo ahaa odayedii Gadabursi,Ismaciil Muuse (Kootoli) waa nin Isaaqa ka jecel Isaaqnimadooda sida kuwa kale oo badan oo Gadabuursi ay u jecel yihiin,Ismaciil waxa uu joogay Emirate waqtigii dagaaladii sokeeye waxa uu ahaa kuwa bixiya qadhaanka SNMta,ee ay aad ugu badan tahay Muxubada Isaaqu.Hadaba walaal anuu ma dhaleecaynayo ee waxa lagu yidhi wax ha laguu sheege maankaaga la kaasho.
U fiirso wax qabadka Ismaaciil diiwaan galintii Gobolka Hargaysa iyo Awdalteedi sida uu maamulay.
U fiirso waraysiyada Ismaaciil hada marka uu ka hadlayo diiwaan galinta Hargaysa iyo tii Awdal,waxad ka heli kartaa Web-sites xag jira ee reer Hargaysa.waxa xataa ismaciil soo gaadhay inuu yidhaa kuwa aan ahayn FAST-TYPISTKA waan bedelaya,Awdalna waxa la isdhaafshay 64 goobod afar gooboodna waa qafaashay.
U fiirso Hargaysa waxa iska diiwaan galiyay,maalin kaliya 114 kun oo qof,awdal oo dhan waxa tobon cisho isaga diiwaan galiyay 140 kun oo qof.
U fiirso sida Ismaciil hayiinka ugu yahay dadka uu arko FIRST-CLASS CITINEZS ee uu agabka diyaaradaha Kenya ugaga soo daabulayo Awdalna loo lahaa passwordkii Computerka ayaa Hargeysa ku maqan
64 goboodna laysu waydaarshay.computerkeedi iyo printskoodii.
U fiirso Ismaciil sida uu happy ugu yahay numberka Awdal ee hooseeya,iyo kuwii rabay oo circa maraya.Ismaciil idinka og halka aad maxkamad ku saaraysaan,
Hadaba hadaan waxa hareerana iyo gudaheena ka dhacaya sidan ku dawaano walaahi ma jirayno,oo walaal qabiilku naxariis ma leh,waad arkaysaan qabiil dawlad kugu noqda waxa markhaati inoo ah Djibouti .waad arkaysaan,maanta Gabilay rag baa xoog ku haysta kuma ayna qabsan wax kale waxa ku qabsadeen qolanimo,oo Gabilyay waa gobol Jibriil-Abokor,waxa ay xoog ku haystaan dhulkii Baho-Samaroon,walina waxa ay rabaan inay Dillana ku darsadaan sida ay Qadow iyo Madar u qateen.Bankii wajaalana looga dhigay Zona-Militry oo la dejiyay jabhad Reer qudha ka soo jeeda,dadkii lahaa loo yidhi qodasho daayoo xataa xoola idiin ma daqaayo. Waad arkaysaa goobaha codbixinta ee Gabilay waxa ka mid Idhanka –Jufaad,Ilma dado Satiile IWM,ogow anuu Isaaq ka dacwoon mayo,kuna dacwoon mayo,wiilkaayguna boqonta i goyn mayo.
Hadaba waxan Bah-waynta Gadabuursi u sheegaynaa ka jooga Djibouti,Somalia,Somaliland iyo Ethiopia walaal waad ku dul mantihiin,waxa idin dulmiyaana waa qabiil kula mid oo waliba Somali ah,oo wax uu ku dheer yahay jirin.hadabada waxan soo jeedinaynaa hawlgal iyo dhaqdhaqaaq cusub.
1-In la qaadaco doorasha iyo diiwaan galinta Somaliland.
2-Inaan Garab iyo gashaan waydiinsano waddama deriska .
3-Caalamka aan u sheegno dhibta Geeska ka haysta Ummada Gadabuursi.
4-Dhulalka xooga looga hayso Qabiilooyinka Gadabuursi ee degana Gabilay iyo Hargaysa loo soo celiyo shuruur la,aan.-Inaan iska qabano traitorka Gadabuursi sheeganaya ee wax yeelada uun inoola jooga ee aan lahayn paride-gadabuursi
5-Awood qaybsi saxa oo aan meel waliba oo aan degan nahay ka helo.
6-Iyo inaan ku dhawaaqno garabyo hubaysan iyo kuwo siyaasadeed,dhamaan caalamka oo dhan oo aan xaqeena soo dhacsano meel waliba oon deganahay.
7-Inaan adkayno midnimada Gadabuursi oo la rabo in xanuunka qabiilka kale ee Somalilada la ina soo geliyo.
Waa balan oo walaahi bilaahi ,Wabilaahi Tawfiiq.
Abdilahi Osman (xajiye)
Edmonton Alberta
awdalxaq@yahoo.com


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " ARAGTIGA QURBA JOOGA REER AWDAL & GABILEY "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback