Geedi socodka dimuqraadiyadda iyo unkidda xeerarkeeda waxaa kaw ka ah helitaanka garsoor cadaalad ku dhisan oo ka sokow xeerarka dastuurka ah iyo ahmiyadda ashkhaasta siyaasiyiinta ah garwaaqsan si fiicana u fahansan xikmadda xaakimnimada iyo cadaaladdu
inay tahay wax aan sharaf lagaga doonayn shakhsi iyo mujtmac ee ah mid adiga if iyo aakhiraba xilkeedu ku yaallo.
ahmiyadda dimuqraadiyaddu waa helitaanka hannaan ku dhisan dhex dhexaadnimo iyo hawlkarnimo ku sifaysan dhawrsanaan afkaaga iyo adinkaagaba saamaysa dabcana taasi waxaa ay tahay midda dalalka isku tilmaama dunida ilbaxda ahi ay ku dhaafeen kuwa loogu yeedho dunida soo koraysa.
19-kii sannadood ee ugu danbeeyey ee lagu naaloonaayey madax banaanida Somaliland midda miisaanka u haysay waxay ahayd in marka qarafka iyo kabriidku isku dhawaadaanba la helo biyo lagu bakhtiin karo taasi macnaheedu waxay tahay garsoorka Somaliland inkasta oo uu soo kaca kufaba haddana midda sumcadda u yeeshay waxay tahay in qarranka Somaliland ay maanta dhaxalsiiso dawladnimada iyo ammaanka yaalla.
akhristow aan dulucda faallada u gudbo eh markii lagu dhawaaqay in qarranka Somaliland u xuubsiibanayo darajada dimuqraadiyada iyo hannaankeedaba waxaa kaw ka ahaa sidii loo soo xuli lahaa xubno ku sifaysan garsoor cadaalad ku dhisan oo hanan kara garniqida axsaabta siyaasadda ee u tartamaya xilalka qarranka.
7-dii xubnood ee koomiishankii hore ee doorashooyinka qarranka Somaliland waxaa lagu yagleelay naf la caarid iyo bisayl la’aan siyaasadeed iyadoo xukuumaddii tan haatan jirta ka horaysa ee uu hogaanka u hayey allaha weyni naxariistii janno fardawsa ha ka waraabiye ee Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal uu isku taf iyo tiiti tiray helitaanka 7 xubnood oo hanan kara xilka garsoorka dimuqraadiyadda qarranka.
7-xubnood ee koomiishankii hore ee qarranka iyadoo aanay hadda middida daabkeeda haynin haddana xalkii ay keeneen lama odhan karo waa lagu hodmay lamana odhan karo waa lagu hungoobay balse haddana guusha keliya ee ay keenen waxay tahay in la tijaabiyey hannaankii dimuqraadiyadda qarranka oo taabagashay, wixii tallo, tacab iyo tamar qarranku lahaaba waxaa la iskugu geeyey in todobadaasi xubnood hana-qaadan, balse taasi waxay midho beeshay markii Madaxweynaha Somaliland iyo xukuumadiisu ay garteen in todobadii xubnood aanay kal danbe wadi karin xilka isagoo goor aan habeena ahayn maalina ahayn albaabkii xarunta kaga dhajiyey quful weyn.
Muran iyo xafiiltan siyaasadeed ka dib waxaa hirgashay wacadkii Madaxweyne Rayaale ku maray in la hello todoba xubnood oo ugub ah oo xilka garsoorka dimuqraadiyadda qarranka higsada taasi waxay mad madaw badan gelisay sidii loo soo kala xulan lahaa waxaa inbadan la isku khilaafay xeerarkii dastuurka dalka oo aan ahayn mid qodobadiisu aanay yagleel badan ka bixin una badanyahiin weedha ku caanka ah “Xeerba qeexi doona”
Guntii iyo gebo gebadii ayaa waxay iskugu soo biyo shubatay in haddana nidaamkii loo soo xulanaayey xubnaha koomiishanku uu noqdo mid la mid ah tabtii loo soo xulay kuwii hore oo ahayd 3 xubnood oo Madaxweynaha ah, 2 xubnood oo guurtida ah iyo 2 xubnood oo xisbiyada mucaaridka ah.
Haddaba su’aasha taalla waxay tahay tijaabadii todobadii xubnood ee ugubka ahaa maxay dhashay, waxaan akhristow goob joog ka ahaa maalintii golaha wakiiladda Somaliland cod qaadka u samaynaayey todobada xubnood oo laba ka mid ah golahu hore u diiday, waxaa madashii loogu cod qaadayey iska soo xaadiriyey todobada nin oo shanta nin ee la ansixiyey aan anigu si gaar ah mid kastaba shakhsiyadiisa ula kulmay, dhammaantoodbana aan ka waraystay raggii ay iskugu dhawaayeen.
wallow aanan ka faaloon karin inta isbedeshay haddana dhammaantood aniga mid ayaa iiga soo baxday maxsuulka ay nimankaasi xanbaarsanayeen oo ahayd inay ka go’nayd fulinta wacad ay la soo galleen dadkii magacaabay, waxa iiga soo baxday inay ahaayeen niman aan fahamsanaynba macnaha xilka loo igmaday, waxaa iiga soo baxday niman markiiba kiishka u weel toshay dhaqaale jeebkooda ka soo galla, iyadoo shakigaasi igu geedamanyahay ayaa haddana akhristow tijaabadii koobaad ee xubnahani la geliyey waxaa ugu horaysay diiwaan gelinta codbixiyayaasha qarranka.
Markaynu runta ka hadalo diiwan gelinta 2.5 malyan ee qof ee reer Somaliland ma noqon karto tijaabo lagu qanco oo laga bixin karo qaadista masuuliyadda xubnahani haddana waxaa la odhan karaa waxaa markiiba ka muuqda xubnahani masuuliyad darro badan oo baahsan oo tusaale u noqon karta inay sababi karaan muran baahsan oo qarranku aanu itaal u hayn oo ay ka dhaliyaan doorashooyinka foodda dalka ku soo haya ee la filayo inay garsoorka u noqdaan.
Markaad taasiba ka timaad haddana waxaa ka darran haddalada aan meelna loo miidaan dayin ee xubnahani qaar ka mid ahi iskaga hadaaqayaan oo ceeb iyo gaf ku ah masiirka qaranimo iyo sharafta shacabka Somaliland, midda in laga yakh yakhsiyoodo ah ee u baahan raali gelinta waxay tahay in masuulkii u xil saarna todobada xubnood diiwangelintani uu ku dhawaaqo erayo cay iyo laf jab ku ah ummadda gobolka maroodi jeex isagoo ku yidhi “Haddii ay iska bixinayaan kharashka waanu sii wadayna diiwan gelinta dadka aan la diiwan gelin” Soomaalidu waxay ku maah maahda hadal tuurtuur kuma sama.
masuulku miyaanu ogayn xilku qaaday inuu yahay diiwan gelinta muwaadin kasta oo Somalilander ah, haddii taasi la waayana in cidda masuuliyad darrada dhabarka u ridanaysa ay tahay isaga, halkii laga filaayey in isagu uu raali gelin bixiyo oo uu yidhaahda heerkii koomiishanku waa ku filnaan waayey ee gobolkii Maroodi jeexow naga raali ahaada inuu isagii ummaddii aflagadeeyo.
Isku soo duubo dhammaanba xubnahani koomiishanka doorashooyinka xilkeeda haya ayaa ah qaar aanay ka muuqanin masuuliyadii loo igmaday, waxaana sii muuqata saan saan aan sahlanayn oo ay u horseedi karaan doorashooyinka dalka ku soo socda, waxaanay ka dhiganyahiin dhammaantood Dameertii geel-didiska khuruf-khuruftay kaga dartay
Mohamed Abdi Hassan (diridhaba)
diridhaba@gmail.com


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Faallo:Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland Waa Dameertu geel-didiska khuruf-khuruftay kaga dartay "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback