Gabdhaha Soomalidu Ay U Baylahoobeen Kalsooni Daro Iyo Aaminid La’aan Kaga Timid Dhinaca Raga Soomaaliyeed ”.

Akhriste hadaan dib yar ugu noqono qormadii 1aad waxaynu kaga hadalnay qodabo badan oo khuseeya Somalida iyo waxayaabaha ay kala kulmaan Holland hase ahaate qormadeena labaad waxaan maanta diirada saari doonaa haduu Rabi idmo qodabo badan oo xiise leh.
 
Aragtida laga qabo somaalida Holland waa arina aad u baxad weyn marka loo fiirsho kala duwanaasha ka jira qaab nololeedka Soomaalida marka laga tago kale duwanaanshahaas aan suu sheeganay ayaan isku dayay in aan la sheekaysto dad badan oo waddanka Muddo joogay waxay ii shegeen. in Somalida loo arko Qaxooti nolol doon ah.

Badanaana waxay ku qancan yihiin in ay helaan Guri yar iyo lacag yar waxayna u socdaan Koox - koox Kamana muuqato sobobihii ay u soo dhoofeen waxaanad moodaa ayay yidhaahdeen inay u yimaadeen Nasasho inkastoo ay jiraaan dad faro ku tirsi ah oo bulshada ka dhex muuqda hadan waxaan ka badan kuwa kale.

Soomalidu ilaa iyo inta ay ka qaadanayso Passporka weyn European Passport ee ay Soomalidu u taqaan Basaboorka guduudan (Casa) qofka qoxootiga looma ogola inuu tago meeshii ka soo cararay ee uu dhibaatada ka sheegtay,Laakiin Soomalidu dheg uma dhigaan waxayna sii maraan wadamada dariska ah sida Kenya, Djibouti iyo Ethiopia waxaana loogu yeedhaa Qoxootigii dalxiiska ahaa.

Ummad waliba markii ay qaxdo ama guurto waxay deegaamada ay u hayaameen geeyaan dhaqanadooda iyo waxayaabo dhaxalgal ah oo ay leeyihiin ama ay dadka kaga duwan yihiin .

Somaalidu maxay ku soo kordhisay Holland ?
Waa  labo oo aad u muhiima runtiina la ii sheegay ,
 
1 ) Salaada : salaada lagu tukanayo shaqooyinka sida ay shegeen dadyowga Islaamka ah ee naga soo horeeyey sida Turkey iyo Moroccan ( Turkida iyo Morookaanta ) ma jirin in qof wakhtiga salaado joogto shaqada ku dhexe tukado Somaalida ko hor waxayna noo tahay faa’iido Somaalida aan ka dhaxalnay waxayna na tuseen waxyaabo aan ku muujinayno jiraanta iyo caqiida Islaamka sida uu sheegay Barsouqi oo ka soo jeeda Morocco oon la sheekaystay.
 
2) Haween Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkan Holland waxuu ii sheegay van tigle oo waxbadan ku dhexjirey Hay’daha qoxootiga ee Holland in Gabdhaha Somaalida ee haysta Kaadhadhka sawirada leh, sida kuwa sharciga, kaadhka qiimo dhaafka ah ee lagu raaco gaadiidka dawdeynaha uu ku dhejinsayahay Sawir Xijaaban ,Halka Qoomiyadaha kalena badankoodu Kaadhadhkoodu ku yaryihiin sawiro xijaaban  , tusaale dadka Bosnianku marka ay joogaan wadankooda Dugsiyada iyo Shaqada kuma xijabtaan.

meelaha qaarkoodna kaadhadhka sidan oo kalle ah looma ogola xijaab, markaa waxaan odhan karnaa Bosniyiinta joogta Holland ayuu yidhi way ay qabatimeen in kaadhadhka aan lagu dhajin Sawir Xijaaban , iskastoo ay jiraan Haween u badan qawmiyada Turki ay xijaabanayihiin laakiin waxaan ka hadlayna waa Holland

Somaalida iyo Guurka

Somaalida guurku wuu ku adagyahay hase yeeshee waxaa u fudud furitaanka Somaalida Lab iyo dhedig waxay ka siman yihiin guurka oo marka ay wadanka yimadaan waxay sameeyaastaan duco yar ama faataxo gaaban, qaarkoodna waxay sameeyaan Aroosyo iyo xaflado aad u balaadhan oo farxadeed.hadana inta badan dhismaha qoyska waxaa la daalaa dhaca haweenka ,Raga Soomaaliyeed  waxaa badanaa lagu eedeeyaa inay mas’uul ka yihiin burburka Qoyska.

Guurka Shisheeyaha Raga iyo Gabdhaha Soomaalida waa ay ku kala duwan yihiin tasaale .

Raga soomaliyeed badankoodu waxay guursadaan Gabdhahooga Somaaliyeed  98% ,Gabdhaha Soomaliyeedna 3% waxay guursadaan jinsiyadaha kale. Hadii aan barbar dhigno Qoomiyadaha Carabta Ragoodu waxay guursadaan Jinsiyadaha kalle 60% ,Halka Qoomiyada carabtu dumarkoodun ay guursadan Jinsogooda carbeed 90%, dhinaca kalle markad fiiriso dadyowga aan xaqirno ee afrikaanka ah ragoodu waxay guursadaan Haweenka Cadaanka si aya ugu qaataan sharci, halka Dumarkooduna ay guursadaan jinsigooda. waxaana kuu cad in raga Soomaalidu Guurkoodu uu ku yar yahay guurka Haweenka Cadaanka ah iyo dadyowga aan ugu yeedhno Shisheeyaha oo iyaguna guursada Haweenka Somaalida.

Laakiin ma arkaysid inta badan  Nin Somaaliya oo ku nool Holland oo qaba Haweenay Madow, waxaana la ii sheegay inay Haweenka Africanka ahi Raga Somaalida ah ay iskala weyn yihiin ooy u arkaan rag cabiidsada Haweenka. ragooduna ay gabdhaheena guursadaan ..markii aan isku dayey inaan ogaadan waxaa la ii sheegay in “Gabdhaha Soomalidu ay u baylahoobeen kalsooni daro iyo aaminid la’aan kaga timid dhinaca Raga Soomaaliyeed”.

Somaalidu maxay kaga Duwan yihiin dadyowga kalle ee Europe jooga?
 
Somalidu waxyaabaha kale ee ay bulshada kaga duwan yihiin waxaa ka mid ah inagoo soo koobayna:-

1-Qofka Soomaliga ah ee qaba ajanabi aakhirka wuxuu ku noqdaa guurkii  jinsigiisa

2-Soomaalidu ma aha dad u carbisan shaqooyinka ad-adag

3-Soomaalidu malaha waxa loo yaqaano kaydka nolosha, noloshooduna waxay ku salaysantahay nolol maalmeed

4-Soomalida Holland iskuma xidhna hadana hoosta ayay iskaga wada xidhanyihiin, waxayna iska kaashadaan hadii uu qof ku dhinto Holland,  qofka waxaa lagu duugaa Xabaalaha Islaamka waxaana la bixiyaa lacag, hadii qofku uuna lahayn ehelo ama qaraabo ama uu yahay bilaa caymis waxaa bixisa dawlada laakiin Somaalidu iyagaa Qaata maydkooda oo duugta lacagtana iska ururiya.

5-Soomalidu ma laha mana yaqaaniin tuugo saqajaanka ah oo marka la joogo goobaha laga tukaansado  ku kaca faro-dheeri iyo jeeb siib iyo iwm ah, halka Qowmiyadaha kale jeeb-siibku uu aad iyo aad ugu badan tahay .waxa kale oo Somalida lugu amaana dhinaca nabad galyada
 
Waxa kale oo aad dareemaysaa in bulshada Soomaaliyeed dadka ku dhex leh mansabka ama karaamada Somaalidu qofka Boqorka ah , Madaxweynaha. wasiirada. xildhibaanada, maalqabeenada iwm. waxay u arkaan qof caadiya halka Ummadaha kallena ay siiyaan tixgalin wayn, taasna waxaan ogaaday inay xaqiiqo ay tahay marka loo fiiryo dhibaatada somaaliya ka jirta .
 
Waxaan arkay Soomaali badan oo joogta wadanka sanooyin badan, markaad la sheegaysatana waxay u kala baxaan labo qaybood oo kala duwan oo kale ah .
 
Qof ku niyad jabinaya oo wax walba oo aad dhihi karto kala xaajood in uu dhanka xun ka fiirsho (Negative Side-ka) dabadeedna kugu rido walwal iyo walbahaar hadii aad la sii sheekaystana waxaad qarka u saaran tahay inay kugu dhaco niyad jab .

Qof kugu dhiiri galinaya inaad gadaal fiirin ood xajisato Caqiidada iyo salaanka Nolosha oo waxa walba oo aad kala kulantid nolosha qurbaha aad si fudud ku xaliso waayo aragan oo kale inta badan waxuu kugula dardaarmayaa in mar walba saldhig kuu ahaato diintada islaamka ah iyo dhaqankaaga Soomaaliyeed mar aan waydiiyay Xasan oo ah wiil Soomaaliyeed oo dalkan daga mudo ku dhaw 20 sano hadii uu qofku gadaal fiirsho waxa ku dhacaya waxa uu ii sheegay in uu ku biiri doono kuwa ka dhacay salaanka nolosha aakhirkana laga baafiyo BBCda .

Somaalida waxaa loo haystaa dad Qoxootiya oo caydha, qiimo sidaas u weyna kama laha Wadamada Europe. inkastoo ay jiraan Jiilalka Cusub oo ka baxaya Jaamacadaha hadana wali dhaqankoodu waa Somaali, Somalina waa reer guura oo kalba  qaarad ayay u guuran sidaasna waxaa yidhi Cabdirisaaq oo wiil turjumbaana ah oo in badan ku soo dhex jiray ariramaha bulshada .

Guntii Iyo Gunaanadkii Qoraalka Dhibaatooyinka Iyo Daruufaha Adag Ee Ka Jira Qurbaha Waxaa Laga Badbaadi Karaa Dhawr Qodab Oo Kale Ah .
 
A) In aad ku Sugnaato tawxiidka, caqiidada iyo diinta saalaxa ah .
B) In aad leedahay aqoon buuxda iyo dhaqaale xoogan .
C) In aad raadiso ama aad haysato warbixin buuxda kalana sheekaysato dadkii kaa sii horeeyay si ay kuugu noqoto waayo aragnimo waxa ay la kulmeen .

Iintaas waxaa inuugu dhamaaday qoraalkii ahaa soomaalida Holland iyo argtidooda iyo argtida laga qabo ….

Qalinkii:-
Sakariye Carab Cadan (Suxuf)
Lughayanews- Netherlands