Madaxwayne Rayale oo aan calan xagiisa danbe ka muuqan ayaa la kulmay dhiigyo cabka wayn ee Meles. Sida sawirku sheegayo ictiraafka Somaliland kama muuqato in wayaanuhu uu niyad u hayo Rayalena doorasho badan ma’alaha oo in la’isla sawiro ayey dani ugu jirtaa.
Mustaqbalka Somaliland ayaad moodaa in uu dhinac u janjeedho. Xamaasadaha ka dhashay tirokobta ayaa dad badan oo reer Somaliland ah tiiraanyo ku reebay. Sida akhristayaashu ay in badan sheegeen shacabka Somaliland wali diyaar uma aha ictiraaf daacad ah in ay raadiyaan oo ay dhamaantood iska joojiyaan khaakhuulka ay galinayaan jiritaanka dalka.
Sida wararku sheegayaan shacab u dhashay Awdal ayaa ka qayb galay doorashadii Hargeysa (waqooyi galbeed) iyo Burco (Togdheer) oo soo qaatay dhawr kaadh oo lagu codayn karo taasina waxay muujinaysaa halka ay shacabka ka taagan tahay tiro been abuurka ku dhisani.
Dadka qurbaha ka tegaa waxay inta badan arkaan masaajido badan oo la dhiso iyo dad badan oo masaajidadaa camiraya hadana daacadnimadu kama muuqato umada afsoomaliga ku hadasha camalka ay samaynayaan markay maasijidka kasoo baxaan.
Hadaba waxa is waydiin leh tirokoobtu ma waxay noqotay jareekaan dawarsatadii uu Singub sheegayey.
Taandhada ku doodada Jareekaan dawarsatada” Singub.
Mar uu ka hadlaayey sida soomaalida soo qaxady ee dalkoodii soo gubay ay ugu dagaalamaan xeryaha xaqootiga iyagoo isku haysta jeraakanada saliidu ka dhamaatay iyo taandhooyinka ay qaramada midoobay keeneen.
Markaa tiradan beenta ah reer Waqooyi Galbeed iyo Reer Togdheer ay lasoo shir tageen hadaba ma taandhooyin ayaa lagu qaybsanayaa? Mise qadiyad qotodheer ayaa loo socdaa sida dal iyo horumar caruurteenu ay ku faanaan
Waa Maxay Qadiyada aan ugu jehelahay inaan difaaco reer Awdal ahaan?
Qadiyada aan ugu jecelahay inaan difaaco waa in Awdal ay qaadato hogaanka oo ay iska tuurto heeryada qadiyada Somaliland ay huwisay.
Abwaan iyo itaal laawaba dadka bariga Somaliland waxay ku fanaan dilkii shacabka reer Somaliland oo qof kasta oo muhiim is bidaa wuxuu sheegtaa inuu dilkaa shacabka Somaliland uu kasoo qayb galay. Sida Gaariye oo markuu Xassan Sheekh Muumin dhintay alla ha’u naxariistee Norway isku caleemo saaray - Gariye oo BBC-sida afsoomaliga ka sheegay inuu duurka ku jiray oo uu ka qayb galay dilkii loo gaystay shacabka Somaliland.
Kala fogaanshaha shacab waynaha ku dhaqan Somaliland iyo hanka ay kala hiigsanayaan ayaa sobobaysa in Somaliland mustaqbalka dhow ay noqon doonto mid digadeeda cunta.
Maxaa keenay in qof kasta oo aqoon yahan ah oo ka yimid galbeedka Somaliland inuu kasoo horjeesto Somaliland marka laga reebo 20 % - oo imika taageera Somaliland?
Maxaa keenay in qof kasta oo bariga Somaliland ka yimid inuu taageero taariikhdii madoobayd ee shacabka Somaliland soo maray iyo dagaalkii SNM ay ku qaaday shacabka aan ahayn beesha dhexe marka laga reebo 20 % ka xishooda dagaalkaa sokeeye foolxumadiisa?
Waxa soo raaca kuwo kale oo u dhashay Awdal sida Rayale oo dhabtii lagu tilmaami karo kuwa sobobay tiiraanyo kasta oo shacabka Awdal ay dareemaan. Kaliya bal ka fikir sobobta uu Rayale u iman karin gobolka Awdal! Qof soo waydiiya ma’la waayey oo ka mid ah kuwa caabuda?
Gabagabo: Dagaalka aan ugu jecelahay inaan dagaalamo waa in shacabka galbeedka Somaliland dhamaantood ay racaan qadiyad ay boodhka kaga tumayaan sharaftooda ay dhooqada ku jiiday gooni isku taaga Somaliland iyo siyaasiyiinta danaystayaasha ee Rayale uu ka kow yahay.
Somaliland waxay Somaliland noqon marka “Steerinka” ay qabtaan kuwo ka naxayaa; Somaliland ma’aha muraayadii ay lafaha dhexe iska daawanayeen.
Kuwayaga ka gaabsaday inay mucaaridaan ee markasta aan liqi karin waji xumada ka muuqata degaanka waxaan umada ku boorinaynaa in la’joojiyaa farta dhexda laga qaniinayo oo raga la’iska dhiciyo. Cabasho ma taageeraayo waxaan tageerayaa in sharafta reer Awdal ee Saylac ku abtirsada marnaba ayna dheeliyi karin.
Waxaan shakhsiyan tageeraa in dhamaan laga soo horjeesto waxkasta oo wax u dhimaya sharafta reer Awdal. Qalinkayga inta badan ka aamusnaa qadiyada sii dumaysa ee Somaliland waa diyaar markan.
Mukhtar Cige
saylicipress@gmail.com
Senior SayliciPress Editor
Lughaya Editorial Board Member



Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Waa Maxay Qadiyada aan ugu Jecelahay Inaan Difaaco? "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback