Diiwaangalintu way ka duwan tahay tirokoob. Tirokoob waa marka la tiriyo shacabka oo dhan, yar iyo wayn sida ku dhigan xeerka qaramada midoobay oo tobonkii sanaba dalku waa in uu qoraa shacabka ku nool.
Hadaba diwaangalinta laga bilaabay Berbera ee lagu xijisiiyey Awdal ayaa markii ay maraysay Hargeysa ayey xisaabtii ka qaldantay sida ay dad badani sheegeen. Tiradu markay Burco sii maraysana way kasii dartay. Komishankan diwaan galintu waa farac ay gudida doorashada qaranku u caleemasareen diwaangalinta shacabka waxana la filayaa marka ay diwaangalintu dhamaato inay kala tegayaan.
Gudidan diwaangalinta waxa madax ka ahaa markii hore Xirsi Cali X. Xassan oo is casilay; Maxamed Ismaciil (Kabowayne) - na wuxuu kaliya ahaa xubin ka mid ah diwaan galinta. Markii Xirsi iska casilay jagadii gudida doorashada ka hayey ayuu Ismaaciil Muse Nuur qabtay hogaanka diwaangalinta. Halka Maxamed Ismaciil Kabowayne-nana uu u qabtay komishanka qaranka.
Sidoo kale waxa gudida ka mid ah:
Wasiir ku xigeenka wasaarada arimaha gudaha Axmed Janbiir Kahin
Agaasimaha guud ee wasaarada arimaha gudaha Maxamed Jamac Calow
Xuseen axmed Caydiid oo xisbiga Kulmiye ka socda
Cumar Jamac Farax oo Udub ka socda
iyo Axmed Muxumed Maxamuud (Buubaa) oo Ucid ka socda.
Hadaba hadaan marlabaad cadeeyo cida ay yihiin komishanadani - markii Xirsi jagada laga casiley ee gudoomiyihii doorashada qaran maxamed yusuf Axmed uu xilkii iska casiley arimo caafimaad darteed ayaa Waxa qabtay jagadiisa Maxamed Ismaciil Kabowayne halka Ismaciil Muuse Nuurna uu ka qabtay jagadii Xirsi laga casilay oo uu noqday hogaanka diwaangalinta doorashooyinka.
Shacabku way ku wareereen waxay kala yihiin gudida doorashooyinka qaranka iyo gudida diwaangalintu. Gudida diwaangalinta waxa gacantooda ku sameeyey gudida (komishanka doorashooyinka qaranka) lama garanayo sobobta ay iyagu u qaban waaayeen shaqada maadaama oo ayna imika socon doorasho.
Sobobta wareerka keentay in la’kala saari waayo dadka ay yihiin iyo shaqooyinka ay u kala xil saaran yihiin ayaa keentay inay soo saaraan natiijooyin lagu wareero.
Marka laga reebo Ismaaciil Muse Nuur - 7 -todobada xubnood waxay kasoo jeedaan jufo kaliya; hadaba waxay dadbadani aaminsan yihiin markay xubnaha gudidu noqdeen dad isku wada dan qabiil ah ayaa keentay in kalsoonidii ay umada Somaliland guud ahaan ku qabtay komishanku ay meesha ka baxdo?
Waxa kale oo shiki badan keenay sobobta gobolba shan maalmood loo siiyey. Wadanka shaqo kama jirto hadana “Man Power” miyaa loo waayey in degaan walba gooni loo tirokoobo. Mise sobob kale oo aynaan ogayn oo shacabku ogayn ayaa ka danbeysa sobobta sidii harimacadka kolba gobol gooni loo qoro si gooni loogu cuno?
Ma aqli ayaa loo waayey lagu fikiro in habkan loo wado diwaangalinta hab dhaama la keeno.
Halkay arintu ka qudhunsan tahay?
Dhabtii waa su’aal shacabku garan waayey. Sobobta Somaliland ay u noqotay saaxad ama garoon ciyaareed oo natiijadii soo baxda ay qaldan tahay. Waxa wararku sheegayaan in la samynaayo aalad dhexe oo soo saaraysa qofkii laba jeer is qoray. Maxaa markii hore looga fikiri waayey in “Database-ka” meel kaliya laga wada maamulo.
Wadamada hore u maray ayaa marka ay u baahdaan in qof aan warqado cadayn ah sidan ay rabaan inay cadeeyaan ayey waxay ku qaadataa mudo lix saacadood gaadhaysa. Somaliland oo ah wadan yar oo soo koraya ilaa goorma ayey ku qaadan inay rakibaan oo ay kala saaraan dadka dhawrka jeer is qoray.
Computer-ku waa aalad aan iskeed caqli u lahayn wixii la galiyo ayey soo tuurtaa hadii qofka galinaya warbixintu uu isagu ciladaysan yahay ayaa cilada ka saari ama caqli u noqon mishiinka.
Mushkulada shacabkan aadka u daalay ee la rajo gooyey haystaa waa masiibooyin isku tagey oo cusiriyad qabiil kobcinayso. Waa laga bogsiin kari waayey koonfurta mudo 17 sano ah; Somaliland-na way u hamuumaysaa xamaasada cudurka qabyaalada.
Elementary Arithmetic: Xisaabta hoose hadii aan diirada saarno inagoo ka duulayna natiijada diwaangalinta;
Hargeysa waxa kasoo baxay 417, 000 oo kun oo qof; Tiradan waa dadka ka wayn 16 jir oo kaliya (Eligible Voters); Waxaan og nahay in aqal walba oo Soomali ah inay in ka badan 6 caruur ahi ay ku nooshahay; hadaba hadii lix lagu dhufano tirada aan haysano waxaan helaynaa; 417,000*6=2,502,000; Hargeysa oo kali ahi waxay helaysaa laba milyan - shanboqol iyo laba kun; waa tiro ka badan 2.5 milyan.
Burco waxay heshay 317, 000 * 5 = 1,585,000 waa malyuun iyo badh tiro ka badan; marka la’isku daro waxay Burco iyo Hargeysa heleen shacab dhan 4,087,000; 4 milyan shacab ka badan.
Ogow! Tirada reer Somaliland ay aaminsanaayeen inay yihiin kama badnayn 3 milyan halkana Hargeysa ayaa noqotay 3 milyan tiro ku dhow!
iskugayntan iyo kala goyntani waa talaabo qofkastaa garan karo “even no-brainer can understand”
Borame waxa kasoo baxay 130,000 oo qof; 130,000*5 = 650,000 - waa tiro waafaqsan tiradii u codaysay doorashadii baarlamanka ee 2005-tii dalka ka dhacday.
Gobolka——————–Tirada Dadka Codeeyey
Awdal ————————–133, 777
WaqooyiGalbeed——————255,979
Togdheer————————-121,000
Saaxil —————————-52,695
Sanaag—————————89,823
Sool——————————20,756
Saaxil iyo Awdal natiijada gudidani soo saartay way is waafaqsan tahay marka loo eego tirada dadkii codeeyey sadex sano ka’hor - halka Hargeysa iyo Burco ay laba jibaar noqotay;
Xitaa hadii “Mass Production” sida ukun digaagadi kicisay dadka laga dhigo saddex sano gudahood shacab labajibaarma wali taariikhda laguma sheegin ayey dadku rumaysan yihiin.
Shacab badan ayey aduunku isku dhaafeen; Hadana doorashada Somaliland ee soosocota ma’aha mid shacabku uu “China” Shiinaha la tartamaayo.
Laf walba inay Shiinaha ka badato hadii ay doonto caqli ayaa loo baahan yahay.
17 sano ayey koonfurtu is cunaysay - 17 sano ayeyna Somaliland wali shacabkeeda qori karin oo ay hadda kadib samaynaysaa waxay ugu yeesheen “Server” soo qabanaya dadka laba codeeyey.
17 sano ayey shacabku sugayeen inay dimuqraadiyad helaan iyo madaxbanaani muctarif ah - hadana 17 sano kadib gobolka Awdal 61 goobood ayaa loo cayimay in la’iska qoro halka Sanaag 210 goobood loo cayimay.
Cadaalad iyo sinaan ayaa loo baahan yahay; Wixii qaldan waa wax qof kastaa arki karo oo uu garan karo. Somaliland ma’aha jabhado isku nasanaya oo sugaya marka loo baahdo in la’isku duulo. Shacabka Somaliland waa in ay aaminaan in horumarka lagu gaadho cadaalad iyo sinaan lagu ababiyo da’yarta soo koraysa.
Somaliland waa in ay noqotaa meel wax u kordhayaan aynase noqon meel wax ka dhacayaan. Hadii kale hadii xukunku isbadalo ama ay si kalaba siyaasada Somaliland isku badasho cidii la mucaaridi lahaa ayaan imika laga sii fikirin ee ha’lagu fikiro in qof kastaa naftiisa ka bilaabo oo uu kala saaro qiirada casru jaahilka iyo casabiyada la’iskugu gumaado hubka nimankii samaysatay ay iska dhigeen adiguna aad u heelantahay inaad isku qoor garaacdaan aanad hore iskugu qoor garaacdeen.
Wixii qaldan ha’la’is cafiyo ilaahbaan qaldamine - dulucduse waxay tahay nin walowba isku day inaad si cad u fikirto adigoo runta iyo alla ka cabsi ka dhinbiil qaadanaya.
Diirada Lughaya.com
lughayaweb@gmail.com


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Diirada Lughaya: Komishanka Diwaangalinta, Natiijada Ay Soo Saareen iyo Tirada Runta Ah Ee Shacabka "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback