Hawsha Diiwaangelinta Doorashooyinka Somaliland ayaa maanta markii ugu horraysay si rasmiya uga bilaabantay deegaanada fogfog ee bariga Sanaag ee dhaca xuddaada ay iska galaan Puntland iyo Somaliland,

 sida uu xaqiijiyey Jaamac Iswiidhan oo ka mid ah Komishanka Doorashooyinka Somaliland.

Degmada Dhahar oo ah degmada ugu shishaysa, kulaalaysana xadka ayay hawsha diiwaangelintu ka socotaa iyada oo aanay jirin wax rabshado ah oo ka dhacay, taas bedelkeeda waxaad arkaysaa dadka oo safaf dhaadheer ugu jira diiwaangelinta doorashooyinka iyo goobaha loo asteeyey, dhinaca kale waxaa iyana goobtan ku sugan ciidamada qaranka somaliland iyo ciidamada ammaanka ee sugaya amniga.

Wufuud ballaadhan oo deegannada bariga Gobolka Sanaag ku sugan gaar ahaan Deegaanada hoos yimaadda Dhahar ayaa waxaa hormuud u ah Wasiirka Cayaaraha Somaliland iyo xubno ka socda komishanka.

Sanaag.org