Caaqil tiradoodu ka badan tahay 10 xubnood oo ka soo jeeda Beelaha H/Cafaan[samaroon] ayaa shalay magaalada Boorama ka soo saaray bayaan ay ku soo bandhigeen tabashooyin cadaalad daro oo ay sheegeen inuu beeshooda ku hayo maamulka g/Awdal.

Qoraalkan ka soo baxay cuqaasha H/cafaan oo ka koobnaa laba bog waxa kale oo ay ku sheegeen in maamulka G/awdal uu si sharci daro ah ula wareegay dhamaan shaqadii iyo awoodihii hayadaha kale ee dawlada,shir ay arintaa ka yeesheen 25/12/08-na ay ku lafo gureen dhacdooyinka iyo xad gudub yada ay ka tirsanayaan maamulka gobolka bayaankooda oo dhamaystirana waxa uu u qornaa sidan”dhibaatadaas oo inta badan ka timaada haysashada/muranka beeraha ku hareeraysan magaalada Boorama,taas oo xalinteeda ay lahaayeen dawlada hoose iyo hayadaha garsoorka,hase yeeshee gudoomiyaha maamulka G/awdal wuxuu si toos ah uga maroorsaday shaqadoodii dhamaan  hayadaha dawlada sida maxkamada gobolka,qaybta Booliska,D/hooes iwm, isaga oo ku xad gudbaya sharciga iyo qawaaniinta hayadahaas kor ku xusan.

Wuxuu iska indhotiray gudoomiyuhu xilkii uu u hayay qaranka iyo umada waxaanu doortay qabiil iyo dangaar ah arimahaas oo ay ka mid yihiin isku dhacyada uu ka abuuray beeraha sida.

1-Beerta C/laahi Soomane.
2-Veerta Ilma Axmed Dhidar
3-Beerta Khadra Daahir Galde
4-Beerta Ilma Aw Khurbad.
5-Beerta Ilma C/laahi Cige
6- Beerta Aw Xasan Magan.

Iyadoo ay jirtay in caaqilada iyo suldaanka beeshu cabashooyinkaas gaadhsiiyeen wasiirka arimaha gudaha iyo madaxweynaha,hadana ilaa hada wali arimahaa faraha ayuu kula jiraa isaga oo isticmaalaya qoraalo iyo amaro is khilaafsan u ekaysiiyay oday beeleed,iyada oo la filayay in gobolkan Awdal oo ah ka uu ka soo jeedo madaxweynaha somaliland in uu tusaale cadaaladeed u noqdo gobolada kale, ayuu hadana gudoomiyaha gobolku hawlihii diyaargarowga komishanka doorashada ee gobolka saami qaybsigii beelaha waxa uu u sad buriyay beesha uu ka soo jeedo oo uu matalayay.

Hadaba markii aan aragnay arimahaas kor ku xusan waxa aan go,aansanay anagoo ah beesha H/Cafaan laga bilaabo maanta in aanaan la shaqayn doonin gudoomiyaha gobolka Awdal ilaa inta  arimahaas wax laga qabanayo,faragalinta uu ku hayo deegaanada aan kor ku sheegnay wixii ka yimaadana isaga ayaa qaadi doona.

Cuqaasha Beelaha H/Cafaan.
1-Chief Caaqil Ismaaciil Axmed Geelle.
2-Caaqil C/laahi Diiriye Samatar.
3-Caaqil Dugsiiye Cumar Gadiid.
4-Caaqil Ibraahin Geeddi Muuse.
5-Caaqil Nuur Cali Caateeye
6-Caaqil Axmed Hufane Waabari.
7-Caaqil Ismaaciiil Xasan Cawaale.
8-Caaqil Cabdi Cawaale Geele.
9-Caaqil Maxamed Cilmi Shardi
10-Caaqil Cabdi Muxunmed Faarax
11-Caaqil Cilmi Faarax Wacays
12-Caaqil Ismaaciil Jaamac Geele
13- Caaqil Mahad Aw Jaamac