Hawl-wadeenada Komishanka doorashooyinka Qaranka Somaliland ee fulinaya hawsha diiwaangelinta codbixiyayaasha ayaa saaka ku waabariistay degmada Dhahar iyo Hadaaftimo ee dhaca bariga Gobolka Sanaag,

 hawl-wadeenadani waxay saaka si toosa 6:00 subaxnimo uga bilaabeen hawshooda diiwaangelintooda iyadoo dadka deegaanadaasina safaf dhaadheer u soo galeen goobaha diiwaangelinta si ay u qaataan kaadhka cod bixinta doorashooyinka Somaliland iyo kan jinsiyadda.

Deegaanadan ay saaka ka bilaabantay waxay saddex casho ka dambeeyeen degmooyinka kale ee gobolka Sanaag ee ay hawshani 24-12-2008 ka bilaabantay, gebi ahaanba inta badan ee gobolka Sanaag ayay maanta ka socotaa diiwaangelinta Doorashooyinka Somaliland.

Guddoomiyaha Degmada Ceerigaabo Ismaaciil Xaaji Nuur oo daba socda waray baahisay shabakadda wararka ee Gobolka sanaag ee sanaag.org ayaa tibaaxay in ay ka gobol ahaan ku rajo weyn yihiin inay iska diiwaangeliyaan gobolkan dad kor u dhaafaya 200,000 oo qof, sidoo kale wuxuu Mudane Ismaaciil Xaaji Nuur sheegay in Gobolka Sanaag uu illaa hadda ku rajo weyn yahay inuu noqdo Gobolka Saddexaad ee ay dadkiisu isugu diiwaangelin badan yihiin Somaliland taas bedelkeeda wuxuu sheegay inay dhinaca dadka iska diiwaangeliyey gobolka Sanaag tiro ahaan ay hiigsanayaan dadkii iska diiwaangeliyey Gobolka Togdheer.

Dhinaca kale waxaa isna Shabakadda Sanaag.org la soo xidhiidhay Guddoomiyaha Guddida Horumarinta gobolka Sanaag mudane Cabdullaahi Axmed Daamur isagoo isna dhinaciisa shaaca ka qaaday in hawsha diiwaangelintu ay si wanaagsan uga socoto inta badan gobolka Sanaag, dadkuna ay maalinba maalinta ka dambaysa soo kordhayaan iyadoo safafka magaalooyinkuna ay la ceeryoomayaan dadweyne u diyaara qaadashada kaadhadhka jinsiyadda iyo codbixinta doorashooyinka foodda innagu soo haya, maraanu wax ka weydiinnay dadka ay filayaan inay iska diiwaangeliyaan gobolkan ayuu sheegay inay rajaynayaan inay gobolka Sanag iska diiwaangeliyaan dad kor u dhaafaya 220,000, qof “Waxaan rajaynaynaa in Gobolkan ay iska diiwaangeliyaan 220,000 oo qof, waxaanuna ku rajo weynahay haddaanu nahay reer Sanaag inaanu caddaynay maanta in gobolkani yahay gobolka baaxad ahaan ugu weyn Somaliland, dad ahaanna kaalinta saddexaad gelaya” ayuu yidhi Mudane Cabdullaahi Axmed Daamur Guddoomiyaha Guddida Horumarinta Gobolka Sanaag

Si kasta oo ay ahaatoba waxaa gobolka si xawliya uga socda hawsha diiwaangelinta, iyadoo ay ku sugan yihiin gobolka Sanaag masuuliyiin sarsare, Madaxweyne ku xigeenka Somaliland mudane Axmed Yuusuf Yaasin, Koox wasiiro ah, Madaxda Xisbiyada Mucaaradka, Xubno ka socda Guddida Doorashooyinka iyo Golayaasha Dalka.

 

Ismaaciil Xuseen Farjar
maamulka Shabakadda
www.sanaag.org
ismailhm@hotmail.com