Baydhabo-(Lug)- Madaxweynaha dawladda Somalia Col. Cabdillaahi Yuusuf Axmed oo hore sida laga soo xigtay xildhibaanno ku dhowdhow oo warbaahinta u sheegay inuu maalinta Sabtida iscasilayo,
ayaa waxa hadda soo baxaya warar mugdi gelinaya iscasilaadda madaxweynaha, waxana madaxweynuhu dib u dhigay khudbaddiisii la filayey inuu shalay ka horjeediyo baarlamaanka, isagoo qabsaday maalinta Axadda maanta.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Sheekh Aadan Madoobe, ayaa xildhibaannada golihiisa isugu yeedhay fadhi aan caadi ahayn maalinta Axadda, isagoo ku wargeliyey mudanayaasha in aanay ka habsaamin kulankaas oo uu ku tilmaamay mid muhiim ah oo madaxweynuhu khubad ka jeedin doono.
Wararka kala duwan ayaa ka soo baxaya mowqifka saxda ah ee madaxweynuhu ka taagan tahay iscasilaadda la hadal hayo, waxayna ilo lagu kalsoon yahay tibaaxeen in Cabdillaahi Yuusuf ku dhawaaqayo inuu aqoonsan yahay xukuumadda Nuur-cadde iyo go’aankii baarlamaanku dhowaan gaadhay ee lagu ansaxiyey xukuumadda, wixii hadda ka dambeeyana meesha ka bixi doonto khilaaf soo kala dhexgala isaga iyo Ra’iisal-wasaaraha.
Dedaal ay sameeyeen dawladaha saaxiib la ah Cabdillaahi Yuusuf oo ka mid yihiin Suudaan, Liibiya, iyo Uganda ayaa midho-dhal noqon waayey, markii madaxda dalalkaasi u soo jeediyeen IGAD iyo Maraykanka in loo daayo Cabdillaahi Yuusuf inuu xilkiisa dhammeysto ilaa bisha September 2009.
Dad ku dhowdhow Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa sheegay in kulankii degdegga ahaa ee ay Jimcihii yeesheen guddoomiyaha baarlamaanka iyo Madaxweynuhu kaga wada xaajoodeen arrimo badan, iyadoo la tilmaamay in Madaxweynauhu guddoomiyaha baarlamaanka u gudbiyay warqad aan la ogeyn waxa ku qoran, balse loo maleynayo inay u egtahay iscasilaadda uu ka hor akhriyi doono baarlamaanka labada casho ee soo socda.
“Wuxuu odhan doonaa anigu nabaddii waan qaatay, waanan la shaqaynayaa dawladda Nuur-cadde madaxda ka yahay, anigana madaxweynenimo ayaan oday idin kugu ahaanayaa.” Sidaa waxa yidhi mid ka mid ah mudanayaasha Baarlamanka Somalia.
Cabdillaahi Yuusuf ayaa hadii go’aankiisa iscasilaadda ku dhawaaqo xilka madaxtinimo si ku-meel-gaadh ah waxa ugu wareegaya muddo 30 casho gudahooda guddoomiyaha baarlamaanka Sheekh Aadan Madoobe oo laga doonayo muddadaas gudaheeda ah inuu ku soo diyaariyo ninkii noqon lahaa madaxweynaha dalka siduu dhigayo dastuurka dawladda Somalia.
Aaden Madoobe, ayaa la xaqiijiyey inuu damacsan yahay in haddii Cabdillaahi Yuusuf iscasilo uu ka dalban doono baarlamaanka in waqtigan uu yahay sii haye Madaxweyne oo 30 casho ah looga dhigo muddo lix bilood si uu dalka ammaan iyo deganaansho ugu soo dabbaalo, laakiin lama oga in baarlamaanku arrintaas aqbali doono.
Geesta kale, Wasiir-ku-xigeenkii dib-u-heshiisiinta dawladda Somalia Marxuum Ismaaciil Xasan Timir, ayaa xalay kooxo hubaysan toogasho ku dileen gudaha magaalada Baydhabo.
Allaah ha u naxariistee wasiir-ku-xigeenka la khaarajiyey, ayaa waqtiga la dilay waxa uu ku sugnaa hoteel ku yaal badhtamaha Baydhabo, kadib markii kooxo hubaysan oo aan la aqoonsan toogteen.
Marxuum Timir ayaa ka mid ahaa wasiirrada xukuumadda cusub ee dhowaan Nuur-cadde soo dhisay, isla markaana Baarlamanku ansixiyey, mana jirto ilaa hadda cid sheegatay masuuliyadda dilkaas.
Jewiga Baydhabo ayaa xalay ahayd mid aad u kacsan, iyadoo guud ahaan daafaha magaalada laga maqlayey rasaas ay ridayaan ciidammada Somalia, waxana dadweynaha soo foodsaartay cabsi weyn oo la xidhiidha xaaladda ammaan-darro iyo siyaasadeed ee ka aloosan halkaas.
Magaalada Baydhabo oo xarun u ah Baarlamanka Somalia, ayaa waxa maalmihii ugu dambeeyay ku soo kordhayey falalka ammaan-darrida oo ay ugu horreeyaan dilalka qorshaysan ee lagula kacayo masuuliyiinta dawladda Somalia iyo saraakiisha, waxana intaa dheer qaraxyo si joogto ah loola beegsado goobo cayiman, isla markaana waxyeello ka soo gaadho dadka rayidka ah.
Jamhuuriya Online


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Wararkii Ugu Dambeeyey Ee Hadal-Haynta Is-Casilaadda Cabdillaahi Yuusuf Iyo Dilalka Qorshaysan Ee Lala Beegsanayo Masuuliyiinta Dowladda "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback