Laascaano-(Lug)-Waxaa maanta lagu qabtay Degmada Kalabaydh xaflad si aad ah loo soo agaasimay kana so qayb galeen masuuliyiin ka socda maamulka Somaliland.

 iyadoo sidoo kalena ay ka qayb galeen shacab wayne aad u fara badan oo ka tagay magaalada Laascaanood iyo waliba shacabkii magaalada Kalabaydh.
 
Xafladan oo ay soo qaban qaabiyeen masuliyiinta Degmada Laascanood kuna casumeen masuliyiinta mamulka Somaliland ee heer Gole dhexe iyo heer Gobol iyo waliba Degmada Laascanood ayaa waxaa halkaasi tagay masuuliyiin kala gedisan oo ka kala socda laamaha maamulka Somaliland iyo waliba shacawayne aad ufara badan kuwaas oo si wayn uxiisaynayay xaflada wanqalka Degmada Kalbaydh.

Ugu horayn waxaa halkaasi ka hadlay oo aayado quraan ah ka akhriyay Sheekh C/salan Ciise Faarax oo kadib halkaasi kasoo jeediyay wacdi dadku si wayn ugu dhagtaageen iyadoo kadib microphone-kii lagu wareejiyay Gudoomiyaha Degmada Mahad Cali Samatar oo halkaasi dadka kasoo qayb galay xaflada si wayn uga mahad celiay kana soo jeediyay heerarka ay soo martay degmadu iyo waxyaalaha ay ku hanantay Degmada iyo sidoo kale bahiyaha ay u bahan tahay.

Sidoo kale C/qaadir Jaamac Saalax oo ah Gudoomiyaha wax barashada Degmada Kalybaydh ayaa si wayn uga hadlay baahiyaha aasaasiga ah ee ay u baahan tahay madaama ay tahay Degmo bilow ah iyadoo sidoo kale Cheif Caaqil C/kariim Axmed Sulaiman u halkaasi kasoo jeediyay hadalo u ugu mahad celinayo sida xafladan looga soo qayb galay masuliyiinta Degmadana ku dhiirinayay inay maamulkooda dhaqajiyan iyadoo dhanka Kalabaydh uu ugu danbayntii u hadlay Maxamed Daahir Sugaal o ah Gudoomiyaha urur dhalinyaro oo lagu magacaabo Kaylo.

Dhanka kale Caydiid Cabdi Xaydh oo ah xubin ka tirsan Golaha Gurtida ayaa sidoo kale hadalo dhiiri gelin iyo mahad celin ah halkaasi kasoo jeediyay isagoo Degmada si wayn ugu amaanay nabada taal,Taliyaha aaga Bari Maxamed Cabdi Dhancade ayaa sidoo kale halkasi kasoo jeediyay hadlo taariikh iyo isugu jirta mahad celin isagoo si wayn Degmada Kalabaydh ugaa mahad celiyay sida wayn ee xafladan u soo abaabuleen oo ah xafladii ugu waynayd ee ka dhacda Degmooyinka Gobolka Sool, Cabdi Muse oo ah Taliyaha qaybta Plice-ka ayaa sidoo kale halkaasi kasoo jeediyay hadalo uu si wayn ugaga mahad celinayo.

Axmed Cabdi Xabsade ayaa halkaasi waxa uu si wayn ugu dhiiri geliyay maamulka Degmada inay dhaqaajiyaan mamulkan ayna ogaadan inuusan maamulku ahayn mid joogto ah haddii ay kasoo bixi wayaana laga qaadi doono sidoo kale loo baahan yahay inay qof kasta oo ka tirsan Degmada Kalabaydh gadhsiiyaan taas isagoo sheegay in maamulka Somaliland uu yahay maamul dhaqaaqay dadkuna wax la qabsadaan haddii kale cidna aan loo joojinayn iyadoo ugu danbayntii uu halkaasi kusoo xidhay xaflada Gudoomiyaha Gobolka Sool Cali Maxamuud Axmed (Cali sandule) si wayna uga mahad celiyay xafladan isagoo xusay maadaama ay tahay Degmo cusub uu iyada iska diiwaan gelin doono doorasha.

Ahmed Abdulahi Binow
Isuduwaha Wasaarada Warfaafinta iyo Wacyigelinta JSL ee Gobolka Sool.