11.JPGQaahira-(Lug)-Ku dhawaad Arday gaadhaysa 430 qof ayaa ka qalinjabiyay kulliyadda beeraha ee Jaamacada Qaahira, Ardaydaasi qalinjabisay ayaa waxaa Ajaanib ka ahaa 7 Arday oo u kala dhashay, Mid reer Djibouti ah , Labo Eritrea ah , Mid Sudan ah iyo Laba Falastiin u dhashay iyo Mid Mali u dashay.

21.JPG 

Xafladan oo ka dhacday Tiyaatarka Wayn ee Jaamacada Qaahira,   maalintii Sabtidii abaaro 2 duhurnimo ayaa waxaa ugu horeyntii Ardaydii Saf saf la galiyay iyagoo usii jeeda Tayaatarka wayn ee Qalijabinta  dabadeed waxa ardayda hor kacayay Kooxo Boombooy garaacayay , waxa halkaasi ka bilaabmay in la guddo galo Khudbadihii Munaasiabadan Qalinjabinta ah.

31.JPG 

Waxa ugu horeyntii halkaasi ka hadlay Dean-ka Kulliyada Beeraha ee Jaamacada Qaahira halkaasi oo uu ardaydii ugu  hambalyeeyey una rajeeiyay Mustaqbal wanaagsan, waxa kale oo halkaasi ka hadlay Doctors faro badan.

41.JPG 

Waxaa kale oo halkaasi ka hadlay Hal arday oo Masri ah matalayay ardayda qalinjabinaysay oo ka hadlay halka uu gaadhsiisan yahay dareenkooda maanta oo ay qalinjabinayaan , waxa kale oo halkaasi ka hadashay Gabadh ka mid ah Ardaydii ka baxday Jaamacada Qaahira gaar ahaan kulliyadan Beeraha oo hada Haysata Idaacada iyo Television ka wadankan Masar.

51.jpg 

Halka Arday ee reer Djibouti ayaa oo magaciisa la yidhaahdo Xasan Jaamac Xaddi oo noqon doona Ardaydii ugu horeeyey ee ka qalinjabiya Jaamacada Qaahira gaar ahaan kuliyada Beeraha kaasi oo waxa ku bartay Luuqada English-ka oo lagu dabaqayo nidaam cusub ee waafaqsan Habka Jaamacada Maraykanka wax loo barto ee Credit Hours-ka  , isagoo saaxiibadiisii ka horeeyey ay ku qaateen Luqada Carabiga.

6.jpg

Iyadoo ay jiraan Arday reer Djibouti ama Somali ah oo hada wax ku barta qaabkan lana rajaynayo inay Sanadaha soo socda ka qalinjabin doonaan, Hadana Ardaygan Xasan Jaamac Xaddi waxa uu aad uga dhex muuqday activity ardayda ee Jaamacada wax loogu qabanayo wakhtigan uu dhiganayay waxana uu taasi ku mutaystay Shahaado gaar ah oo isaga la gudoonsiiyay.

8.jpg

Tayaatarka ay ka dhacaysay Qalinjabinta ayaa ahaa mid xusuus mudan, kaasi oo Fanaanka caanka ka ah dhulka Masaarida ee CAADIR IMAAN wakhtigii uu jaamacada dhigan jiray lagu fahmay Talent-kiisa ama Kartida uu u leeyahay inuu dad ka hor hadli karo ama jili karo ka dib khudbado uu halkaasi ka jeedin jiray wakhtigii Ardayga ahaa.

91.JPG

Tayaatarkan oo qaada ku dhawaad dad gaadhaya 450 qof ayaa dadkii soo raacay Ardayda qalinjabinaysa iyo Ardaydii ay waayeen meel ay kala fadhiistaan taasi oo dadkii la fadhiisiyay Tiyaatarka kale oo ku yaala isla Jaamacadda dhexdeeda taasi oo lagu xidhay Tiyaatarkaasi Screen wayn oo ay dadku ka daawanayaan qaabka ay uga socoto Qalinjabinta Tiyaatarka kale, taasi oo marka Ardaygu qaadanayo Shahaadada looga Sacabaynayay Labada Tayaatarba.

 

Lughayanews
Qaahira-Egypt