Baydhabo-(Lug)-Madaxweynihii Somalia C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa maanta ka hor-sheegay mudanayaasha Baarlamaanka inuu iscasilay, isagoo hadal kooban ka jeediyay fadhigii maanta.
Yuusuf, wuxuu sheegay inuu xilka ka tagay, isagoo warqadiisii iscasilaada si toos ah ugu wareejiyay guddoomiyaha baarlamaanka Sheekh Aadan Madoobe oo garabkiisa taagnaa.
Hadalkiisuna waxa uu udhacay sedan:
“Sidii aan horay idin kaga balan qaaday, markaad i dooranayseen, howshii waan wadi waayay, idinka ayaana idiin soo celiyay, maadaama aan saas idinka balanqaaday” ayuu yiri C/llaahi Yuusuf oo hadal kooban jeediyay.C/llaahi Yuusuf, wuxuu sheegay in go’aanka uu isku casilay uu ahaa mid uu isagu gaaray, kadib markii uu la tashtay mudanayaal ka tirsan baarlamaanka iyo la taliyeyaashiisa .
“Waxaana rajeynayaa in xukuumadu ay sii shaqayso, anigana waxaan diyaar u ahay inaan la shaqeeyo qof walba oo aad doorataan, waadna mahadsan tihiin” ayuu u sheegay mudanayaashii kulanka soo xaadiray.
Mudane C/llaahi Yuusuf oo sheegay inay diyaarad u tagaan tahay garoonka Baydhabo ayaa dhoofay, iyadoo aan la garanayn halka uu rasmi ahaan aaday, balse wararka qaarkood ay sheegayaan inuu aaday u ambabaxay Puntland oo uu kasoo jeedo.
Amaanka Magaalada Baydhabo ayaa waxaa si weyn u adkeeyay ciidamo isugu jira Somali iyo Ethiopian, iyadoo xarunta baarlamaanka ee ADC ay ciidamadu isku gadaameen intii ay iscasilaadu socotay, waxaana sii sagootiyay Madaxweynaha mudanayaal ka tirsan baarlamaanka.
Yuusuf ayaa xilka hayay 4-sanadood, tan iyo markii lagu soo doortay dalka Kenya, halkaasoo uu ka dhacay shir socday laba sano oo ay ka qaybgaleen qaybo badan oo katirsan buslsha waynta somaliyeed mana qaban waxa lataabankaro tan iyo maalinti ay usooguureen magaalada baydhabo ee xarunta u ah dawlada fadaraalka ee kumeelgaadhka ah ee Somalia.
Hamza Mohmoud Abbas
Sanca-yemen


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Madaxweynihii Soomaaliya C/Laahi Yuusuf Oo Iscasilay "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback