wariye-hyane.jpgBorama-(Lug)-Sideedaba marka laga hadlayao komishanka doorashooyinka ee dal leeyahay ,waxa macnaheedu yahay dad kala saari kara umad isku qabsan karta wax sharciga dal leeyahay bannanayn iyo wax u bannanaynayo.


Waxa kale oo komishanka noocan ah  dalalka hore uga maray  dimuqraadiyaddu u doortaan dad leh sifo kala duwan  ha ahaato xag aqooneed, xag caqliga, xagga dhaqaalaha, xagga diinta iyo caqiidada iyo xagga waddaninimada iyadoo lagu talo geleyo in ragga mansabkaasi uu qaranka iyo shacbiguba u dhiibtaani noqon karo mid ka fogaan kara siyaasad , xisbi, koox, weji caabud, saaxiibtinimo, abtinnimo, seeddinimo,  xilkii sidaasi saamayn ku yeeshaan.

Soomaaliland waa dalka mid ah dalalka dimuqradiyadda  jidkeedii haya,horena usoo galay doorashooyin  degaan iyo kuwa madaxweynenimoba, balse weli anu caalamku ictiraafin.

Haddaba markad eegto doorashooyinkii  soomaaliland soo martay sannadihii tegey,diiwangelinta haatan lagu gudojiro, iyo dabaylaha siyaasadeed ee dlka kusoo foolleh wakhtiga doorashooyinka ayaa la isweydiin karayaa in komishanka haatan  xilka loo magacaabay gudan karo waajibaadkii kaga habboonaa, iyo inay yihiinn kuwa laga cawdi bilaysto belaayada ay kala dhex dhigaan reer soomaalilandna la hadal hayn doono  sannadaha soo socda.

Haddii an dib u eegno taaiikhdii iyo shaqooyinkii  ay dalka kasoo qabteen komishankii hore ee doorashooyinka soomaaliland  ee uu madax ka ahaa Cadami, iyo waxay kaga duwanaan karaan  komishanka haatan ee uu madaxa ka yahay Kaba weyne, ayaan soo qaadan karraa dhawr arimood;

Waa tan koowaade waxan komishankii hore ee doorashooyinka soomaaliland ku qiimayn karnaa aqoontooda iyo waayo aragnimadii ay ku lahaayeen bulshada dhexdeeda intii an loo magacaabin xilkaasi, iyagoo ahaa rag an siyaasiyiin ahayn; isla markaana an katirsanayn xisbiyo.

Waxay xubno ka tirsani ahaayeen rag aanay ku dheehnaayn aragti qabyaaladeed, isla markaana aad odhan karaysay in hawshii doorashooyinka ee ay dalka kasoo qabteen ku dhammaysteen  si nabadgelyo. Waxay doonaanna sameeyey maadaama hawshaasi doorashooyinku bilow innoo ahaayeenna qof kastoo reer Soomaaliland ahi u raalli ka ahaa sax iyo qalad waxay sameeyaan ama soo saaraana yahay lamataabtaan.

Komishankii cadami waxa kale oo u caan ku ahaa go’aan qaadashada iyo talooyinka sida deggen ay u wada gaadhi jireen mana jirin khilaaf bulshada dhexdooda ah oo bulshada reer soomaaliland soo gaadhay, haddii uu jirayna waxay ku dhammaysan jireen si hoose oo aan qaylo iyo buuq toona lahayn.

Inkastoo  ay komishankaa hore ku jireen ama ka mid ahaayeen rag an sidaa loogu jeclayn hawlaha doorashooyinkaasi, waxa xumaantoodaa qarinayey rag odayaala oo kaalin  xoog ku lahaa jiritaanka komishamkaasi ilaa  intii uu si fiican uga dabbaaalanayey natiijadii muranka badan lahaa  oo uu komishankaasi  Rayaale kursiga ugu dhibaay. 

Komishankii Cadami, waxay ka kobnaayeen dad ka soo jeeday gobollo kala duwan ,degaanno kala duwan  iyagoo metelaayey dad ku kala nool duruufo kala duwan  oo ku kala nool gobollo  astaamo kala duwan leh, balse  kama muuqan gobolaysi  iyo beelaysi.

Inkastoo ay ku jireen rag xukuumadda u xaglinayey, isla markaana ay ka mid ahaayeen rag aan xaq iyo baadilka kala garanayn, waxaadse moodaysay inay ahaayeen rag xishoon jiray oo u badnaa kuwa aamusan.

Hase yeeshee markaan wax yar ka sheegno muqaalka komishanka haatan dalka la doonayo inuu ku hoggaamiyo dimuqraadiyad, ictiaaf iyo doorashooyin  xor oo xalaal ah, ayaa qof kasta oo la socda xaaladda komishankaasi  isweydiin karaa ma yihiin kuwa dalkan gaadhsiin kara doorashooyin  xor oo xalaal ah, dimuqraadiyad iyo nabadgelyo?

Markaad u dhabbo gasho xubnaha komishanka   Soomaaliland u qaabilsan doorashooyinka iyo diiwaangelinta, waxay siyaasiyiin badan oo reer soomaaliland durba ogaadeen inaysan la mid hayn komishankaa hore marka laga eego xagga waayo aragnimada, aqoonta siyaasadd iyo daacadnimadooda dalkan ay kaga saari lahaayeen horumar la’aanta iyo hoos u dhaca nolosha ijimaaciga ah.

Hadii aan wax yar ka eegno sifooyinka kala duwan ee ragga maanta dalka mustaqbalkiisa loo dhiibay leeyihiin ayaan waxan soo qaadan karnaa qodobadan:

Wa tan koowaade maadaama dadweynaha reer soomaaliland u tababarteen    sifaha laga doonayo komishan doorasho, waxa markiiba uu arkayaan inaysan komishankani  ahayn kuwa  xilgudashadoodu  noqon doonto mid aakhirataanka dalka u keeni karta isbeddel siyaasadeed  oo ku dhisan nabadgelyo iyo dimuqraadiyad.

Waa tan labaade komishankan ayaa waxa sidiisaba laga arkaa inuu yahay mid uu magacaabay hoggaamiyaha dalku, isla markaana toddobada xubnood  ee uu ka koobanyahay shan ka mid ahi yihiin xukuumadda, halka laba ka mid ahna loo arko inay yihiin kuwa xisbiyada mucaaradku keeneen, balse mid ka mid ahi anu xitaa daacad u ahayn xisbigiisa.

Waa tan saddexaade komishankan ayaa waxay u egyihiin kuwa an  qaarkood  dalkaba aqoon u lahayn, xukuumadda soomaaliland si’ay ku timina aan waxba kala socon oo debedda laga keenay, sidaa darteedna garanaya uun Daahir Rayale oo debedda uga yeedhay.

Waa kale oo komishankan kabaweyne durba lagu bartay sida ay u fashilanyihiin khilaafyada dhexdiisa ah iyadoo raggii aqoonta lahaa ee komishankan hore loogu magacaabay qaarkood markii ay dhaliileen waajib gudashadooda debedda laga dhigay, oo weliba la xidhay.

Waa tan afraade waa niman dhaqaale ahaan liitay, shaqo ay ku xoogsadaanna  debedaha ama dalka  ka waayey, sidaa darteedna ay  shaqaale u yihiin ciddii shaqadan siisay.

Waa tan afraade komishankan Kabaweyne wuxu durba ku fashilmay hawlaha diiwaangelinta  oo tirooyinkii, qaabkii, iyo dhaqaalihii laagu fulinayeyba ay siyaalo kala duwan u maamulsheen, iyagoo durba komishanka diiwangelinta ee uu Ismaaciil Muuse masuulka ka yahay durba hadallo isburinaya ku kala sheegeen tirooyinka diiwangelinta  ee gobolada dalka qaarkood sida Awdal oo kale.

Waa tan shanaade komishankan aan durba laga dareemi karayn dacadnimo iyo dhexdhexaadnimo  uu ku kala badbadin karaan axsaabta mucaaradka iyo xisiga Dawladda marka la gaadho doorashooyinka soo socda

Waa tan lixaade komishankan Kabaweyne, ayaa lagu xantaa inuu xidhiidh hoose la leeyahay xukuumadda kaasoo ku salaysan gacalnimo, xisbinimno, beelaysi, gobolaysi iyo  siyaabo kale, sida darteedna  aan looga fadhiyin in doorasho kastoo dhacda aanay kasoo bixi karin wax qanciya laba dhinac ee ku loolamaya  hoggaanka dalka.

Si kastaba ha ahaatee axsaabta siyaasadda ayey u taallaa aaminka iyo aamin la’aanta ay komishankaasi ku aaminayaan mustaqbalka dalkan madaama  aanu lahayn sifihii looga bartay inay yeeshaan  komishanada noocan oo kala ahi, sidaa darteedna ay wanaagsanaan lahayd in axsaabta ku loolamaysa siyaasadda dalku komishan dhexdhexaad ah debedda kasoo kireystaan, ama kala yimaaddaan dalalka debedda, haddii kale ay dhici doonto wakhti  toddoba qof oo an taariikh la yaqaan dalkan ku lahayn aasaaskiisii iyo halgankiisii lumiyaan  mustaqbalkiisa, nabadgelyadiisa iyo qarannimadiisaba lumiyaan, fawdo siyaasadeedna u horseedaan, iyaguna debedeha  iskaga baxaan.

Wariye:-
Maxamed Cumar Sh.(Hyane)
Lughayanews-Borama