xaflad2.JPGShir Balaadhan oo ay isugu Yimaadeen Dhamaan Bulsho-waynta Reer Sanaag ee ku dhaqan Wadanka Ingiriiska ayaa Lagu Qabtay, Magaalada London,Shirkaas oo ay dadka ka soo qayb galay ka yimaadeen, Dhamaan Magaalooyinka waawayn Ee Carriga Ingiriiska,

Sida magaalooyinka: Cardif, Liverpool, Shefield,Bristol,Birmingham,,Waa wajiyo Kala baaday, Sanado aan kulmin,Halka dadka qaar ayba isugu danbaysay 1988 Iyo wixii ka horeeyey,Sidii Caadadu ahayd shirka ayaa lagu Furay Aaayadaha Quraaka Kariimka Iyo Wacdi Kooban oo uu soo jeediyay Sh. Maxud Shiikh Dalmar, Isagoo Sheekhu ku dheeraaday in ay muhiim tahay, in Dadka Dhulkii jooga wax la taro, lagana qayb qaato Horrumarinta, Iyo Acmaasha Khayriga ah, Lagana fogaado wax kasta oo tafaraaruq keenaya,
xaflad2.JPG
 
Waxa Codbaahiya lagu soo dhoweeyey Siciid Biixi Cadceed, Isagoo Si Guud uga hadlay Dhamaan Baahiya Gobolka ka jira Haday ahaan lahayd Waxbarasho, Caafimaad, Iyo Guud ahaan Arrimaha Bulshada, oo ka hooseeya dhamaan, Gobolada kale oo Dhan, isagoo si gaar ah farta ugu fiiqay Waxbarashada oo hada si aada looga dayrinayo, Waxaa hadalka lagu soo dhoweyey Cabdiraxman Axmed  Cawed , Muwaadinakan Oo ka soo kicitimay Magaalada Cardif oo Masaafo ahaan aad uga fog Magaalada London, Isagoo Sharaxaad ka bixiyay in hadii ay yihiin Bulshada Reer Sanaag ee Cardif ay Hawla badan ku jiraan Oo ku saabsan sidii Looga qayb qaadan laaha Horrumarka Gobolka Sanaag dhankasta oo ay ahaatoba, Guulo waawayn oo ay gadheen intii ay hawsha ku jireena uu sheegay Gaar aahan Reer Cardif, Reer London ayuu u soo jeediyay in aanay  ka caajisin Waxqabadka Dadaal  dheerna muujiyaan, Maadaama Jaaliyadaha kale ee ku Dhaqan London Goboladooda ay yihiin kuwa Gacan wayn ka gaysta, Hadalkaas oo dadkii Madasha fadhiyay aad ugu sacabiyeen, una soo dhoweeyeen.
 xaflad3.JPG
Waxaa Cod baahiyaha lagu soo Dhoweeyey Mudane Bashiir Aadan Bawkax, Oo sheegay in Gobolku u baahan yahay in Si guud loogu hawl galo, waxna laga wada qabto, Dhamaan Reer Sanaagna ay ku khasban yihiin inay tashadaan,Waxaa markale lagu soo dhowayey Mudane Cali Cumar oo sheegay  in Horrumarka Gobolka Gabi ahaanba laga seexday, loona baahan yahay in loo hawl galo,Mudane Aadan Maxed Cumar Bilaad oo ah Gudoomiye Ku Xigeenka UHS(Ururka Horrumarinta Sanaag) Ayaa lagu soo dhoweeyey Oo ka soo qayb galay Madasha Shirkaas,Canaan dheer  oo uuu soo jeediyay Dhamaan Reer Uk kadib, waxa uu sheegay Baahiya yaala aan laga aamusi karin, Nuur Cilmi oo ka mida Waxgaradka Reer Sanaag ee ku hawlan Horrumarinta ayaa Sheegay isaguna in uu soo dhowaynayo Dedaaladan oodhan Muhiimna ay tahay in Dhibaato kasta la xaliyo, iyadoo aad dareemaysay sida ay dadka uga sinaayeen Dareenka dhibaatada ku hayso, iyo wax qabadkeedaba.
xaflad4.JPG
Ugu danbayntii waxaa Hadalka soo gabagabeyey Maxud Axmed Liibaan Isagoo ku hadlayay Magaciisa Iyo Kan Shirkada Xawaalada Qaran, isagoo sheegay in Xawaalad ahan ay ka Qayb qaadanayaan , dhamaan Horrumarkasta oo laga Wado Gobolka Sanaag, Waxaana Gudi Ku meel gaadh ah oo diyaarisa Hawlaha iyo Ajandayaasa  Jaaliyada loo Doortay 11 Xubnood, kuwaas oo kala ahaa,
 
 1- Maxud Axmed Liibaan
2-Cabdi-Rashiid Maxed Ducaale Dhuux
3-Mustafe Saalax Xaaji Xassan
4-Bashiir Yuusuf Bawkax
5-Maxud Xaaji Xassan Axmed
6-Maxed Deeq Maxud Cali Bile
7-Jamaal Muuse Ismaaciil
8-Aamina  Xaaji Mire
9-Saynab Saxardiid
10-Saynab Cali Warsame
11-Sahra Axmed

 xaflad7.JPG
Gudigan ayaa waxay  Shir isugu iman doonaan dhowaan, waxaana lagu balamay in Shirar danbe la abaabuli doono, waxaana jiray Dhaqaale Madasha laga ururiyay,Isku soo wada duuboo Shirkan ayaa wuxu ku dhamaaday,Farxad badan oo ka muuqatay Wajiyada Kasoo Qabgalayaasha iyo Sidoo kale  Guul iyo Isafgarad.

Ahmed Adam
qurbac01@hotmail.com