Madaxweyne Yusuf oo xilka iska-casiley maaanta 29 Dec,2008 ayaa waxaa uu ka soo dagay garoonka diyaarada Conoco ee ku yaal duleedka magaalada Garowe.
Garoonka diyaaradaha Conoco ayaa waxaa kusoo dhoweeyey Madaxweynaha xilka ka tagey Cadde Muse, ku xigeenkiisa iyo xubno kale oo ka tirsan murashaxiin Puntland.
Waftiga Madaxweynaha ayaa waxaa si-weyn ugu soo dhoweeyey magaalada Garowe dadweyne farabadan kuwasoo ay ka muuqatey xamaasad ku aadan qaabka Cabdulahi Yusuf ugu soo dagay xilka uu iska casiley.
Cabdulahi Yusuf oo galay Madaxtooyada Puntland ayaa waxaa uu albaabka hore kula hadley dadweynihii ku soo dhoweeyey Garowe isaga oo halkaas ka jeediyey hadal gaaban.
‘Waad salaamantihiin dhamaantiin lix sano kahor ayaan idinka tagey, howl ayaan aadey, howshiina waa ii soo dhamaatey maantana idinka ayaan idinka mid ahay.”
Madaxweynihii Somalia C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa maanta ka hor-sheegay mudanayaasha Baarlamaanka inuu iscasilay, isagoo hadal kooban ka jeediyay fadhigii maanta.
Yuusuf, wuxuu sheegay inuu xilka ka tagay, isagoo warqadiisii iscasilaada si toos ah ugu wareejiyay guddoomiyaha baarlamaanka Sheekh Aadan Madoobe oo garabkiisa taagnaa.
“Sidii aan horay idin kaga balan qaaday, markaad i dooranayseen, howshii waan wadi waayay, idinka ayaana idiin soo celiyay, maadaama aan saas idinka balanqaaday” ayuu yiri C/llaahi Yuusuf oo hadal kooban jeediyay.
C/llaahi Yuusuf, wuxuu sheegay in go’aanka uu isku casilay uu ahaa mid uu isagu gaaray, kadib markii uu la tashtay mudanayaal ka tirsan baarlamaanka iyo la taliyeyaashiisa.
Garowe online



Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Cabdilaahi Yuusuf Oo Si Weyn Loogu Soo Dhoweeyey Garowe "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback