Garoowe-(Lug)-Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland Maxamuud Muuse Xersi (Gen. Cadde) ayaa shalay ka qeybgalay bandhig Faneed ku saabsanaa nabadda oo ay soo bandhigeen Fanaaniin maalmahan booqasho ku marayey gobolada Puntland,
kuwaasi oo isugu jiray Jabuutiyaan iyo Soomali, bandhig faneedkan oo ka dhacay xarunta Hey’adda PDRC ee magaalada Garoowe ayaa waxaa cinwaankeedu ahaa Ushii Nabaddaan sidnaa.
Gen. Cadde Muuse Xersi ayaa sheegay in guud ahaan Puntland ay tahay dhul nabadgelyo, aysana ka jirin wax dhibaato ah, isagoo ugu baaqay guud ahaan dadka Soomaaliyeed iyo reer Jabuuti in ay yimaadaan Puntland ayna arkaan xasiloonida ka jirto, wuxuuna ka codsaday Fanaaniinta in ay gaarsiiyaan waxyaabihii ay ku arkeen Puntland.
“Jabuuti door weyn ayey ka qaadatay horumarinta dhinaca fanka,gaar ahaan Madaxweynaha Jabuuti oo wax badan ku bixiyay horumarinta fanka mar kastana waxay soo dhoweyn jireen sidii ay Soomaaliya nabad u noqon laheyd” ayuu yiri Cadde Muuse Xersi oo u mahad celiyay Ismaaciil Cumar Geelle.
Kooxda Deegaan ee dalka Jabuuti oo uu horkacayey Abwaan Maxamuud Xasan Caws iyo Hal abuurka Soomaaliyeed Abwaan Maxamuud C/llaahi Ciise Sangub ayaa ka mid ah hobolada maanta soo bandhigay Ruwaayada Ushii Nabadaan Sidnaa, waxayna codsadeen in Puntland ay ka aqbasho usha Nabadda, Abwaanka Soomaaliyeed ayaa hadal uu halkaasi ka jeediyay waxaa uu sheegay in maadaama lagu guda jiro xili xasaasi ah oo doorasho ay ka dhaceyso Puntland ay muhiim tahay in dadka laga wacyi geliyo xasilooni daro, isla markaana Musharaxiinta reer Puntland ay tahay iney horseedaan nabadda, Abwaan Caws ayaa isna shacabka Puntland gaarsiiyay fariin ay u soo dhiibeen Madaxda Jabuuti taasoo ah salaan iyo hambalyeyn.
Guddoomiyaha G/Nugaal ayaa sheegay inay siiyeen dhul ay dhistaan Fanaaniinta Jabuuti ka socda oo ku yaala gobalka Nugaal, waxaana maanta lagu balansan yahay in Fanaaniinta la geeyo dhulka la siiyay si ay u calaamadeystaan isla markaana ay u dhistaan, iyagoo arrintaasi aad u soo dhaweeyay.
“Hore rag safar ku ah Puntland ayaan aheyn balse maanta waxaan nahay dad degan Puntland oo dhul ku leh, dhawaana hadii Alle idmo dhulka maamulka gobalka Nugaal nagu deeqay weynu dhisan doonaa waana soo dagi doonaa gobalka Nugaal gaar ahaan Garoowe” ayuu yiri Abwaan Sangub oo qadka Telefoonka xalay igula hadlay.
Heeso, ruwaayad ka hadleysay xaalada iminka lagu guda jiro iyo guubaabo kale ayey soo bandhigeen Fanaaniinta Jabuuti oo ay wehliyeen kuwo Soomaaliyeed.
Abdifitahaam Ahmed
Garowe - Puntland
abdifitahaam@gmail.com


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Puntland Oo Fanaaniinta Jabuuti Siisay Dhul Ay Dhistaan "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback