Waxaa xalay ku ekayd xilligii loo cayimay inay hawsha diiwaangelintu ka socoto gobolka Sanaag, taas oo inta badan gobolka ay soo gebogebowday marka laga reebo goobo ku yaalla bariga Sanaag oo Komishanka Doorashooyinku muddada u kordhiyey
ka dib markii dib u dhac ku yimid xilligii loogu talo galay inay ka bilaabanto, goobahan ay hawsha diiwaangelintu ka sii socon doonto ayaa Xasan Looshade oo madaxda komishanka ka mid ahi sheegay isagoo ku sugan gobolkan Sanaag inay gaadhayaan qiyaastii 30 Goobood ayna yihiin deegaanno hoos yimaadda Deegaamada Dhahar iyo Badhan.
Tirada hordhaca ah ee dadka iska diiwaangeliyey gobolka Sanaag ayaa kor u dhaafaya 200,000 oo qof, waxaanu si aannu arrintaa xog dheeraada uga ogaanno la xidhiidhnay Guddidii Komishanka ee Gobolka Sanaag ka hawlgelayey balse iyaga oo safar ugu soo jira dhinaca caasimadda ayaanay noo suuro gelin inaanu helno, waxaanuse khadka Telefoonka ku helnay Guddoomiyaha Guddida Horumarinta Gobolka Sanaag mudane Cabdullaahi Axmed Daamur isaga oo shabakadda Sanaag.org u sheegay “Waxaan ugu horrayn hambalyo ballaadhan u dirayaa dhammaan dadweynaha reer Somaliland gaar ahaan kuwa ku dhaqan ama u dhashay gobolkan Sanaag ee ku kala nool dunida daafaheeda, aniga oo maanta aad ugu faraxsan sida guusha iyo nabadgelyada ah ee hawsha diiwaangelintu ugu soo dhammaatay, waxaan kale oo aad ugu faraxsanahay shacabka reer Sanaagna ugu hambalyaynayaa in gobolkii Sanaag ee la odhan jiray dad kuma noola ee waa dhul qudha uu maanta yahay gobolka kaalinta saddexaad ku jira, iyada oo ay diiwaangelintu ka dhacday oo qudha gobolkan 75% dhulka gobolka, waxaan hubaa haddii ay qaybaha aanay ka qabsoominna ay ka dhici lahayd hawsha diiwaangelintu in gobolku uu kaalinta labaad geli lahaa” Sidaa waxaa Sanaag.org u sheegay Cabdullaahi Axmed Daamur oo ah Guddoomiyaha Guddida Horumarinta kana mid ahaa dadkii ka qayb galay dardar gelinta hawsha diiwaangelinta gobolka.
Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in haddii caqabado badan oo la soo dersay diiwaangelinta gobolka Sanaag haddii aanay dhicin gobolku kaalinta koowaad dhinaca dad badnaanta kula tartami lahaa gobolka Hargeisa “Waxaad ogtihiin Juquraafi ahaan baaxadda gobolkani inta uu le’eg yahay, wadooyinkiisa oo raf miidhan ah, goobaha diiwaangelinta ee gobolka oo marka baaxadda gobolka loo eego oo yar intaas waxaa sii dheer in aan gobolkan hore loo sii shaacin xilliga ay ka bilaabmayso hawsha diiwaangelintu balse taas bedelkeeda uun habeenimadii ay berri subax bilaaban lahayd la shaaciyey taas oo keentay dib u dhac ku yimaadda goobaha diiwaangelinta ee awelba yaraa xilligii loogu talo galay iyo weliba dadka oo maalintaa u sii diyaar ahayn taas oo keentay in ay barqadii goobuhu furmaan, waxaase intaas sii dheeraa in computerada qaar badani fadhiyeen, waxaan leeyahay cilladahani waxay yareeyeen tirada dadka iska diiwaangeliyey gobolkan” ayuu ku Daray Cabdullaahi Axmed Daamur
Maruu Guddoomiyuhu la hadlayay Hay’adaha Caalamiga ah iyo xukuumadda Somaliland wuxuu yidhi “Waxaan Xukuumadda Somaliland iyo hay’adaha kale ee caalamiga ah ugu baaqayaa haddii markii hore la odhan jiray gobolka Sanaag dhul qudha ayaa innaga xiga ee dad innagama xigo maanta indhihiinna ayaad wax ku aragtaan, waxaan idiin sheegayaa gobolkan dadk intaa toban laab ka badan ayaa ku dhaqan, xukuumadda iyo hay’aduhubana way dayaceen, markaa waxaan idin leeyahay u soo jeesta gobolkan, ka sheqeeya horumarkiisa, waxaan kale oo hambalyo u dirayaa gobolladii kale ee diiwaangelintu ka qabsoontay gobolka Soolna ilaahay waxaan ka filayaa inuu si nabadda innoogu soo gebogebeeyo.”
Ugu dambayntii waxaan weydiiyey Tirada illaa hadda iska diiwaangelisay gobolkan Sanaag ogaalkaa wuxuuna yidhi “Horta ugu horrayn waxaan kuu sheegayaa inaanay goobaha diiwaangelinta oo dhan xogtoodii la soo wada xerayn balse ay jiraan qaar illaa hadda maqan ama goob aad u durugsan ha ahaato ama goob ay diiwaangelini ka socoto ha ahaato (Goobaha bariga Sanaag ee mudada loo kordhiyey) balse tirada aan illaa hadda haynaa waxay kor u dhaafaysaa 207,000 (Laba boqol iyo todoba kun oo qof)” ayuu ku soo gebagebeeyey Guddoomiyaha Guddida Horumarinta Gobolka Sanaag.
Ismaaciil Xuseen Farjar
Maamulka Shabakadda www.sanaag.org
ismailhm@hotmail.com


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Tiradii Iska Diiwaangelisay Sanaag + Maxay Ka Yidhaahdeen Guddida Horumarintu Diiwaangelinta "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback