Hargeysa-(Lug)-Cusbitaalada dhimirka ee dalka, ayaa waxaa ku jira boqolaal qof, oo maskaxda wax ka qaba, kuwaasi oo duruufo nololeed oo adag iyo dawo la’aani ay hayso. Agaasimaha cisbitaalka Dhimirka ee magaalada Berbera, Cali Aadan Wacays(Cali Dheere),
oo ay Mareegta Ramaasnews ka xog waraysatay xaalada cisbitaalkaasi, ayaa sheegay in ay hayaan 52 qof oo maskaxda wax ka qaba oo ay ku daweeyaan kuna xanaaneeyaan cusbitalkooda, waxaana uu tilmaamay in ay dadkaasi ka kooban yihiin 48 rag ah iyo 4 dumar ah.
Agaasimuhu wuxuu sheegay in dadka xanuunsanaya ee ay daweeyaan da’doodu u dhaxayso 25 jir illaa 50 jir, waxaanu xusay inay dadkaasi u badan yihiin dhalinyarada iyo da’da bani’aadmigu ugu xoogga badan yahay ee soddon jirka ilaa konton jirka u dhaxeysa.
Cali Dheere, wuxuu sheegay in ay dawooyinka ka helaan Ha’yadda WHO, halka cuntooyinkana ay ka caawiso Ha’yada WFP, wuxuu intaas ku daray in shaqaalaha shirkada shiidaalka soo dejisa ee Total ay cisbitaalka ka caawiyaan dhinaca dharka ay xidhaan dadka xanuunsanaya ee ku jira cisbitaalku.
“Cisbitaalka Dhimirka ee Berbera, si weyn ayuu isku bedelay una soo kabanayaa tan iyo muddadii la sameeyay guddida caafimaadka gobolka, oo dusha ka maamusha labada cisbitaalada Berbera iyo gobolka Saaxil.”ayuu intaas ku daray Agaasimuhu.
Agaasimahu wuxuu tilmaamay inay daweeyaan 32 qof oo bukaan socod ah oo Guryahooda lagu hayo, balse cisbitaalka si joogto ah uga qaata dawooyinka “Waxaa kale oo aanu daweynaynaa dad qaba xanuunka suuxdinta oo mar mar noo yimaada qaarna ay todobaadkiiba hal mar yimaadaan.”Ayuu intaas ku daray.
Cali Dheere, wuxuu sheegay in shaqaalaha cisbitaalkaasi aymushaharooyinka ka helaan dawladda Hoose Berbera, dekada iyo bulshada gobolka Saaxil.
Agaasimuhu wuxuu ugu baaqay wasaarada caafimaadka in ay shaqaalaha cisbitaalka siiso tababaro, isla markaana ay qorshaha ku darsato sidii ay mushahar iyo guno ugu raadin lahayd.
Cali Aadan wacays wuxuu qurba jooga Somaliland ugu baaqay inay kaalmeeyaan dadka walaalahood ah ee maskaxda wax ka qaba oo u baahan xanaano iyo daweyn joogto ah, isaga oo sheegay in boqolaal muwaadin oo xanuunsanayaa ay ku filiqsan yihiin magaalooyinka waaweyn ee dalka, kuwaasi oo duruufo nololeed oo adag ku nool, oo cisbtaalada dhimirkuna aanay u hayn awood dhaqaale oo ay kaga soo ururiyaan suuqyada iyo jidadka ay ku silcayaan.
Sidoo kale, Madaxa Cusbitaalka dhimirka ee magaalada Boorame, Cabdirashiid Ibraahim Isaaq, ayaa isaguna nooga waramay xaalada dadka ay hayaan, waxaanu tilmaamay in ay hayaan 25 qof oo maskaxda wax ka qaba oo dhammaantood wada rag ah, da’dooduna u dhaxayso 25- illaa 45 jir.
Cabdirashiid wuxuu sheegay in aanay meel u haynin dumarka oo iyaga lagu hayo guryahooda, waxaanu tilmaamay in aanay dadka ay hayaan u hayn wax dawo ah, ka dib markii Ha’yada WHO oo dhinaca dawooyinka ka caawin jirtay ay ka joojisay muddo laba sano laga joogo “Dadkan aanu haynaa way iska duruufaysan yihiin, uma hayno wax dawo ah, cuntadana waxaa looga keenaa guryahooda, dawadana waxaa mar mar ugu deeqa dad muxsiniin ah oo degan magaalada kuwaasi oo illaahay dartii ugu keena.”Ayuu yidhi Agaasimuhu.
Sarkaalkaasi wuxuu sheegay in dhismaha cisbitaalkan ay leeyihiin dad gaar ah, oo ugu tabarucay, loona baahan yahay in shacbiga magaalada Boorame iyo guud ahaanba Somaliland intay isku tashadaan ay sameeyaan meel dadkaas lagu hayo.
Agaasimuhu wuxuu sheegay in dadka ka hawlgala goobta ay dhamaantood si mutadawacnimo ah ugu shaqeeyaan dadka xanuunsanaya.
Madaxa Cusbitaalka Dhimirka ee Borama, wuxuu ha’yadaha dalka ku sugan ku eedeeyay in ay ka gaabiyeen wax u qabashada dadka maskaxda ka xanuunsanaya, waxaanu dawlada ugu baaqay in ay ha’yadaha culays ku saaraan sidii ay cisbitaalada dhimirka uga caawin lahaayeen dawooyinka iyo raashinka oo ah waxyaabaha ugu daran qofka xanuunsaya.
Waxa kale oo uu Cabdirashiid Xukuumada ka dalbaday in ay shaqaalaha ka hawlgala cusbitaalka ay u qoraan mushahar isla markaana ay tababaro kala duwan siiyaan, isaga oo xusay in xanuunka maskaxda dadka wax ka qabaa ay aad ugu soo badanayaan gobolka Awdal iyo guud ahaanba Somaliland, waxaanu taas ku macneeyay Jaadka iyo Shaqo la’aanta baahsan ee dalka kajirta.
Ramaasnews news


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Xanuunka Maskaxda Oo Ku Soo Badanaya Gobolada S/land Iyo Xaalada Cusbitaalada Dhimirka Ee Magaalooyinka Berbera Iyo Boorame. "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback