love.jpgHargeysa-(Lug)-Jacaylka ayaa ah dareen rabitaan oo aad u xoog badan isla markaana nafta cadaadis ku saara inay hesho wax ay u baahan tahay nooc kasta oo uu yahayba, isagoo waa jacayalku aan u aabe yeelin  qof walba waxa uu kala kulmaa dhib iyo walbahaar aad u xoogan mararka qaaran naftaada hali galin kara , dhanka kale waxa jirta wakhtiga aad dhex dabaalanayso hirarka iyo mawjadaha caashaq in aad dareemi karto macaankiisa tusaale ahaan hees ayaa ahayd “Kolna Waa Macaan Kolna Waa Qadhaadh Hadba Waa Siduu Kugu Soo Mare”.

Akhristayaal si kale hadii aan u dhigno jacaylku waa nooc doonis ama xiise ay ku lamaan tahay rabitaan in laga salgaadho la rabo, kaasi oo ku danbeeya guul ama guul daro waxaan taas uga jeedaa waa hadii uu wax jecluhu helo ama waayo kan la jecel yahay. akhristayaal waxa marag madoon marka aad maqashaan hadal qaadka jacaylka inay maskaxdiina ku soo dhacayso in laga hadlayo Wiil, Gabadh jeclaaday ama Gabadh, Wiil jeclaatahy dabcan waxaa laysku raacay in jacaylka ka dhexeeya bini-aadamka ama Raga iyo haweenku uu yahay kan ugu faca wayn ee ka jira aduunka aan ku noolnahay iyadoo ay jiraan qaybo kala duduwan oo uu qof kastaa ku cabiri karo sida ama qaabka uu leeyahay shayga ama qofka qalbigiisa hantiyey.

Akhristayaal waxaa mahadi u sugnaatay Allaha inaga dhigay kan ugu quruxsan waxkasta oo uu uumay isla markaana caqli iyo maskax aynu ku kala saaro xumaha iyo samaha inagu sidkay halkaasna uu wax ka fahmi karo iimaan caqiido sani ka dhax guxayso. dabcan sida nooc kasta oo ka mid ahi naftayda ay qoys uga kooban yihiin ayaa jacaylkuna u leeyahay qoys isaga u gaar oo ku faraxsan jiritaankaasi isla markaana hadii uu ka dhax baxo qoyskiisa uu halis u galayo inu lumo hadhowna ay helistiisu adkaan doonto waa hadii la arko ama meel uu jooga la sheegaba,

Akhistayaal waxaa dhici karta marka aan wax nool ka hadlo hadana aan jacaylka lagu arkin tilaamo muujinaya inuu noolyahay maadaamo aanu lahayn sifooyinkii noolaha ay idinku adkaato fahankeedu laakiin taas waxaan idinkaagaga dawaynayaa jacaylka oo aan ku soo sheegnay dareen rabitaan oo ka unkama aragti qof ay indhahaagu la dhaceen ama maqal cod ay naftu ku nasteexaysanayso iyo waliba in qof lagaga sheekeeyo akhlaaqdiisa iyo habdhaqanka wanaagsan ee uu leeyahay isla markaana uu dareen aadan cabiri karini ku galo halkaasna aad ka calmatid ayaa waxuu mar walba ku lamaan yahay qof nool maadaama aanu qof dhintay iyo mid aan caqli lahayn toona raaci karayn ayaa ku daray noolaha is calmaday iyo dhigooda caashaqay inuu hogaamiye u noqdo.

Hadaba akhrisyaal sida qofkasta oo madax ah ama taajir ahi u leeyahay dad ku faraxsan horumarkiisa iyo nooc ka soo horjeeda labadaba ayaa jacayalkuna u leeyahay cadow aad u xoog badan oo hadii aan laga gaashaaman keeni kara dhib aad u xoog badan dabcan waxa laysu raacay

1=Aabaha Jacayalku Waa Kalsoonida
2=Hooyadiina Waa Daacadanimada
3=Walaalkii Ama Walaashiina Waa Dulqaadka
4= Halka Uu Cadawgiisuna Ka Yahay Beenta

Akhrisyaal waxaa hubaal ah in jacaylka laba qof oo kasta dhexyaal uu ku dhax ababo kalsooni iyo ixtiraam halka ay koriso ama koolkooliso daacadnimadu oo ah tiir aad u buuran oo dhicistiisu halis tahay sababtaasna loogu doortay inay hooyo u noqoto maadaama aan hooyada nolosha looga maarmin.

Isla markaana uu dulqaadku yahay hogaanka muuqaalka bilicsanee ay ku riyoonayaan lamaanaha iscaashaqsani inuu yahay habka qudha ee ay kaga midho dhalin karaan hadafkooda hadii rabbi idmo, maaha dadka iscaashaqsan oo qudha kuwa caleemaha qoyan u ruxayaa ee iyana waxaan niyadooda ka bixin dadka ka soo waaya arkay ee hada guranay dhirtii ay waayo-hore beereen midhihii ka soo baxay taasi ay astaan u tahay isgaashaanbuuraysiga qoyska jacaylka oo ka awood batay cadowgiisa.

Akhristayaal guntii iyo gunaanadkii waxaan haboon inaad kalsooni buuxda iyo dadaal badan la timaadid si aad hadafkaaga ugu gaadhid dariiqa ugu sahlan

 

Wariye:-
Sucaad Ismaaciil Maxamed (Sucaad Sharaf)
Lughayanews-Hargeysa