wado1.jpgHargeysa-(Lug)-Dawlada Hoose ee Hargeysa, ayaa saaka si rasmi ah u furtay waddada hormarta Madaxtooyada Somaliland, wadadaas oo xidhnayd tan iyo 29-kii October, markii qaraxyadii argagisixo lala beegsaday Madaxtooyada, Safaarada Itoobiya iyo xarunta Ha’ayada UNDP, qaraxyadaasi oo ay ku dhinteen 23 Qof halka ay soddameeye kalena ku dhaawacmeen.

Waddadan saaka dib loo furay ayaa la xidhay isla maalintii qaraxyadaasi ay gil gileen Magaalada Hargeysa, dawlada hoose ayaa saaka jidkaasi ka nadiifisay ciid badan oo  taalay waxaana laga qaaday ciidan iyo baabuur tikniko ah oo lagu jaray.

Gaadiidka dadweynaha ayaa saaka bilaabay inay waddada dib u maraan “Waan ku faraxsan nahay in wadadii caadiga ahayd ee aan u mari jiray xaafada Jig-jiga yar dib naloogu furay, mudadii jidku xidhnaa waxaan ka soo wareegi jiray waddo fog oo wareeg ah, taasi oo aniga iyo rakaabkaba dhibaato nagu haysay,”Sidaa waxaa yidhi Maxamuud Cabdi, oo ah nin baabuur bus ah wadde ka ah.

“Waanu uga mahad celinaynaa dawlada Hoose iyo xukuumada Somaliland ee dib u furay wadadii xidhnayd, taas oo sababo nabad gelyo u xidhnayd,”ayuu yidhi C/Laahi Nuur oo ah shacbiga baabuurtoodu marto jidkaasi.

Ramaasnews