Hargaysa-(Lug)-Tan iyo intii doraad iilka lagu hubsaday xooghayihii guud ee xisbiga UDUB, marxuun Maxamed Ismaciil Bulaale, waxana soo shaac baxaya rag u loolamaaya sidii ay u noqon lahaayeen badalkii marxuun  Maxamed Ismaciil Bulaale, isla markaasina ay ugu soo bixi lahaayeen  jagadaasi, Bulaale ayaa  ahaa rugcadaa siyaasadeed magac weyna ku kulahaa Somaliland iyo Somaliya.
 
Hadaba inta ayanaan ka hadlin ragani badka iskeenay ayaa xisbiga UDUB, waxa ay rumaysanyihiin in geerida marxuun Bulaale ay timid xili adag oo kala wareeg ah oo ay xisbigu is diyaarinayaan in ay qabsadaan shirweynahoodii, kaasi oo ay arintani ay ku soo biirtay oo ay ka lumin doonto wakhti iyada oo ay xisbiga markale ku furantay hawl kale oo aan loo sii diyaar garoobin oo dhibkeeda leh.
 
Iyada oo loolanka jagadii uu baneeyay Bulaale ay noqon doonto midii ugu adkayd ee soo marta xisbiga gudihiisa ayaa waxa hada badka is keenay oo ilaa hada shaaca ka qaaday in ay hunguraynayaan jagadaasi  Sadx nin oo aynu mid mid u soo qaadan doono magacyadooda iyo siyaasadooda, waa ka koowaad ee badka is keenay oo ah, Ing. Abdiraxmaan Muxumed Ducaale, oo ah nin Ingineer ah,kana soo laabtay qurbaha oo ku noolaan jiray dalka Canada  isla markaasna ahaa asaasayaashii ururkii Sahan ee baabay ee aan ku guulaysan in uu soo baxo, markii uu ururkaasi uu hawada ka baxay ee uu guul daraystay Ing.C/raxmaan waxa uu ku biiray xisbiga Kulmiye, ilaa hadana uu ka midyahay mana jirto meel uu xisbigaasi kaga baxay.
 
Ing. C/raxmaan waxa uu goostay in uu jagdaa uu Bulaale baneeyay uu yahay nin u qalma isla markaasna hagi kara jagadii Xogahayaha guud, inkasta oo todobaad ka hor uu Ing. C/raxmaan uu aaminsanaa in xisbiga UDUB uu yahay mid aan haynin wadada saxda ah isla markaasna dhaliili jiray siyaasada Bulaale iyo ta madaxweyne Rayaaleba.
 
Ninka Labaad ee isna hanqalka la soo kacay ee galka seefta kala baxa ayaa ah. Col, Cirsaaq Axmed Cali  laguna naanayso Ganbayare oo ka mid ahaa ururkii SNM, garabkii hubaysnaa waxa aanu ka soo qayb qaatay dagaalo badan xiligii dalka la xoraynaayay.
 
Markii dalka la xoreeyay waxa uu noqday wasiir ka mid ah wasiiradii xukumadii C/raxmaan Tuur, isaga oo noqday wasiirkii gaadiidka cirka iyo dhulka,  Col. C/risaaq waxa uu ka mid noqday ragii markii danbe ka soo hor jeedsaday gooni isu taaga Somaliland sidaa awgeedna waxa uu ku biiray xukumadii Salbalaadh ee uu hogaamin jiray Gen. Maxamed Faarax Caydiid, isgaa oo taas ka dibna ka qayb galay shirkii Carta ee dalka Jabuuti, markii ay sheekadii Carta iska dhamaatay ee ay socon waydayna waxa uu ka mid noqday oo taageeray xukumada Imbigaati ee C/laahi Yusuf lagu soo doortay isaga oo ka mid noqday khubaradii maxaakiimta aakhiro u dirtay isaga oo ka dagaalamay oo ka qayb qaatay dagaalkii Iidaale ee lagu jabiyay ciidamdii maxaakiimta, waxa la sheegaa in uu lahaa khadkii lagu galay Iidaale ee maxaakiimta ee afka dhulka loogu daray, isga oo adeegsanaayay khibaradihiisii kala gadisnaa ee malatarinimo.
 
Col. Cirizaak mudo gaaban ayuu hada ku sugnaa Somaliland isaga oo dalka ku soo galay cafis ay xukumada SOMALILAND ay u fidisay, kana faa’iidaystay cafiskaasi, lakiin warar hoose oo aan helayno ayaa sheegaaya in uu ninkani u ololaynaayo wasiirka hawlaha guud iyo guryaynta Somaliland mudane Sulub, taasi oo aanu wasiirku ila hada isagu aanu si toos ah aanu shaaca uga qaadin arintaasi.
 
Ninka Sadexaad waa Maxamuud Xirsi Guuleed oo ku magac dheer Qablax, ninkani ma laha wax taariikh siyaasadeed kumana dhex laha  bulshada Somaliland marka aan ka hadlayno siyaasada, waa mid ka mid ah tageeryaasha xisbiga KULMIYE, waana mid ka mid ah shaqaalaha shirkada Dahabshiil, fagaarayaasha lagu kaftamana waxa uu ku dhig dhigaa god daloolada xisbiga UDUB, iyo  xukumada Rayaale.
 
Hadaba iyada oo ay sidaasi tahay waxa laga yaaba in ay jiraan rag kale oo xaga hoose marayaa oo aan wali isi soo shaac saarin lamana oga ilaa hada waxa uu damacsanyahay madaxweyne Rayaale isga oo ay Ateenadiisu ay ilaa shalayba cirka ku laalnayd oo uu gudo iyo dibadba u ritay, waxa hubaal ah in uu isagu leeyahay kala doorashada cidii uu doonaayo ee la shaqayn doonta isga iyo xisbigiisa kadib marka uu wada tashiyo badan oo dhan walba leh uu sameeyo, lamana oga in sadexdan nin ee aynu kor ku xusnay ay Rayaale ay u xariiqsan yihiin iyo in kale  shabkada qarannewsna waxa ay isha ku hayn doontaa dhaq dhaqaaqyada cidii kursigaasi soo hunguraysa anaga oo idinla soo socdsiin doona hadba halka ay wax maryaan si gaar ahana isha ugu hayna arinkaasi.
 
 
Source Qarannews