Wefti ka kooban dhowr wassiir oo ka tirsan xukuumada Somaliland ayaamaanta booqasho shaqo oo gaaban ku tagey Jamhuriyada Jabuuti, Weftigasi oo uu hor-kacayay wasiirka Maaliyada ee Somaliland Mudane Awil Ali duale waxa Dhabaha dayuuradaha ee Jabuuti si diiran ugu soo dhaweeyey Wasiiro ka tirsan Jamhuriyada Jabuuti oo ay ka mid ahaayeen Wasiirka Warfaafinta Mudane Ali Abdi Farah, Wasiirka Maaliyada Ali Farah Casoowe iyo Wasiirka Arimaha Gudaha Yasin Cilmi Buux.
Weftigaasi waxa lagu wadaa inay wada hadalo la yeeshaan madax ka tirsan Jamhuriyada Jabuuti intay ku sugan yahiin Jabuuti Mudane Awil Ali Duale oo warbaahinta u waramay ayaa sheegay in socdaalka weftigaa ka tirsan xukuumada Somaliland uu yahay mid la xidhiidha socdaaladii Madaxweynaha Jamhuriyada Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin uu ku tagey Jamhuriyada Jabuuti.
Wuxuuna sheegey in wadahadaladoodu ay noqon doonaan kuwo sii xoojin doona wax wada qabsiga iyo iskaashiga labada dal ee walaalaha ah.(Somaliland iyo Jabuuti)
Gaar ahaan dhinacyada Dhaqaalaha , Ganacsiga, iyo Nabadgelyada Mandaqada. Weftigaas ka tirsan xukuumada Somaliland waxa ka mid ah Wasiirada Arimaha Gudaha Mudane Abdilahi Ismali Ali , Arimaha Dibeda Mudane Abdilahi Mohamed Duale, wasiir ku xigeenka Warfaafinta Mudane Ali Cilmi Geele, Afhayeenka Madaxweynaha Mudane Said Cadaani Mooge iyo weriye ka tirsan TVga Qaranka Somaliland Weriye Moha Farah Jire.
Allaa Mahad Leh
Siciid Cadaani Mooge
Afhayeenka Madaxtooyada,
Ahna Afhayeenka Wefdiga


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Weftiga Waxa Si Diiran Loogu Qaabiley Dhabaha Dayuuradaha Ee Jabuuti "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback