Garowe-(Lug)-Waxaa maanta lagu qabtay hoolka Baarlamaanka Dawlad Goboleedka Puntland ee Somalia xaflad si wayn loo soo gaasimay taas oo ahayd xaflad xil wareejin oo ay xilka madaxtinimada la kala wareegayeen madaxwaynihii hore ee Puntland iyo kan cusub.
Xafladan ayaa waxaa kasoo qayb galay madaxda sare oo ka tirsan masuuliyiinta cusub ee hadda la magacaabay, masuuliyiintii hore,madaxwaynihii hore ee Somalia iyo Golaha wakiilada ee maamulka Puntland xafladaas oo ahayd mid si aad ah loo soo agaasimay.
Ugu horayn waxaa halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Baarlamaanka dawlada Goboleedka Puntland ee Somalia C/rashiid Cali Xirsi isagoo sheegay inuu maamulka cusub ee hadda xilka la wareegayo uu urajaynayo inay wax badan ka qabato taas oo ah in wax laga qabato dhinacyada nabadgalyada iyo dhaqaalaha.
Sidoo kale waxaa ka hadlay madaxwaynihii hore ee Puntland Cadde Muuse ayaa waxa uu sheegay inuu si wayn ugu faraxsan yahay xilka uu hadda uu wareejinayo taas oo uu ku sheegay inay tahay sidii uu hore uu balan qaaday taas oo ahayd in aan hal mar lagu dari doonin maalinta doorashada Puntland.
Cadde ayaa waxa uu sheegay inuu maamul ahaan ka doonayo maamulka cusub inay wax ka qabtaan xaalada ciidamada Puntland oo uu maamul ahaan iyaga ka kala daadatay taas oo uu sheegay inuu si wayn u rajaynayo inay wax ka qaban doonaan xaalada ciidan.
Hadaba madaxwaynaha cusub ee Puntland ayaa waxa uu baaq u diray Beesha caalamka iyo Soomaalida isagoo sheegay in shacabka Soomaliyeed meel kasta oo ay jogaan in ay ka shaqeeyaan nabadda iyo wada noolaanshaha , sidoo kale wuxuu ugu baaqay beesha caalamka iyo hey’addaha samafalka in ay ka taageeraan maamulkiisa horumarina bulshada, waxbarashada iyo sidii amaanka Puntland ee hadda madaxda uu ka yahay.
Afnugaal News


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Xafladii Xil Wareejinta Madaxtinimada Puntland Oo Maanta Ka Dhacday Garowe "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback