Borama-(Lug)-Xoghaya Xisbiga Udub ee G/Awdal C/raxmaan Maxamed Cumar ayaa ku dhawaaqay in uu Xisbigiisu talada ka qayb galinayo dadka naafada ah sidan waxa uu yidhi mar uu ka hadlayay aqoon iswaydaari maalin socday oo loo qabtay dadka naafada ah isla markaana lagu gorfaynayay sidii loogu doodi lahaa xuquuqda dadka Naafada ah.
Xoghayuhu waxaa kale oo intaasi daba dhigay inay Laba xubnood oo Naafo ah u qorsheeyeen inay ka mid noqdaan Maamulka Gobolka iyo kan degmada ee Xisbiga Udub.
Waxaa kale oo uu sheegay inay dadka Naafada ah u qorsheeyeen inay siiyaan xubno ay kaga Tartamaan doorashooyinka Golaha degaanka ee degmada Borama, waxa kale oo uu sheegay inay dadaal ugu jiraan sidii ay u dalban lahaayeen goobo gaar ah oo ay dadka Naafada ahi iska diiwaangaliyaan marka Diiwaangalinta dib looga bilaabo Awdal.
“Hadaladaydu ma’aha kuwo Olale ah ee waxaan sidan u leeyahay in aan u kor u qaadno dadaalka loogu jiro in dadka Naafada ah la hormariyo.” Ayuu yidhi Xoghayuhu.
Kulankan oo uu goobjoog ka ahaa Maayarka magaalada Borama Md.C/raxmaan Shide Bile ayaa isaguna sheegay in uu kulankani muhiim u yahay labo arrimood oo kala ah , In lagu Cibro qaato in dadka naafada ah isla markaana wax loo taro si ay Aakhiro kuu anfacdo.
Maayarka waxa uu sheegay in uu dowladda Hoose ka howlgalo hal qof oo Naafo ah waxana uu qiray in dadka Naafada ahi ay la kulmaan Cadaadis iyo Faqooqid wakhtiyadda shaqada la qorayo.
Waxaana Bulshada ugu baaqay in la soo afjaro takoorka lagu hayo dadka Naafada ah isla markaana Maanta iyo Bariba wax la taro.
Kulankan ayaa waxa kale oo isaguna Goobjoog ka ahaa Gudoomiyaha Ururka Naafada ee G/Awdal Maxamed Xaashi Maxamuud waxana uu xusay inuu ururkiisu aad u soo dhawaynayo hadalada ka soo yeedhay Xoghayaha Xisbiga Udub waxa kale oo uu ugu baaqay Bulshada reer Awdal inay iyaguna qaadaan talaabooyin noocan oo kale ah.
Sidoo kale waxa uu sheegay inaan la iska indho tiri Karin in dadka Naafada ah eek u dhaqan Gobolka Awdal ay yihiin dad aanay Bulshadu tirsan isla markaana waayay Xuquuqo badan oo aasaasi ah.
Kulankan oo ay soo qaban qaabisay Dallada Guud ee Ururada Dadka Naafada ah ee Somaliland ee loo yaqaan ( SNDS) ayaa gudoomiyaheeda Maxamed Aadan Ducaale oo isaguna kulankaasi ka hadlay waxa uu xusay in bulshada reer Awdal looga baahan yahay inay hormariyaan dadka Naafada ah ee ku dhex Nool waxa kale oo uu ugu baaqay dadka Naafada ah ee ku dhaqan Gobolka inay isku yimaadaan oo ay samaystaan Ururo ku hadla Codkooda isla markaana bulshada u sheegaan in xalkasta oo lagu hormarinayo dadka Naafada ah hadii aan laga soo qayb galin iyaga laf ahaantooda meesha goobta Xalkaasi lagu gaadhayo aanu anfacayn, sababta oo ah dadka Naafada ah iyaga ayaa og dantooda gaarka ah .
Kulankan oo ahaa kii ugu horeeyey ee noociisa ah ayaa waxa lagu gorfeeyey Siyaabaha kala duwan ee dadka Naafada ah ee ku dhaqan Gobolka Awdal loogu raadin lahaa Xuquuq la siman ka dadka Caadiga ah iyada oo loo marayo in Bulshada wacyi galin lagu sameeyo loona ololeeyo sidii wax looga badali lahaa shuruucda dalka oo ah kuwa si ba’an u xakamaynaya dadka Naafada ah.
Wariye:-
Cabdale Cali Yuusuf
Lughayanews-Borama


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Xisbiga Udub Oo Sheegay Inuu Dadka Naafada Ah Ka Qayb Galin Doono Taladda Xisbiga Ee G/Awdal "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback