Hargeysa-(Lug):- Qaar ka tirsan Askarta Ilaalada Madaxtooyada Somaliland ayaa maanta Kamaraddii uu ku shaqaynayay ka jajabiyay Wariye Mustafe Cabdi Maxamed (Mustafe-Jannaale) oo ka tirsan Shabakadda Wararka ee Hadhwanaagnews.com, oo wakhtigaas oo uu Madaxweyne Rayaale ku sugnaa Xaflad uu xadhiga kaga jarayay Warshad cusub oo Barriga Hargeysa laga sameeyay, halkaasoo uu Wariyuhu u tagay gudashada waajibaad shaqo oo la xidhiidhay furusta warshadda Somgas.

“Waar Illaa maanta ayaad nagu wareegaysay, kuma garanayno ee dadka ka dhex bax, is sheeg cidda aad tahay? Waar meeday Askarti, qabta oo ninkan meesha ka saara.” Sidaa waxa yidhi, isla markaana amrkaa bixiyay Taliyaha Ciidanka Illaalada Madaxtooyada Somaliland Abokor Sulub.

Ka dib markii hadalkaasi ka soo yeedhay Taliyaha illaalada Madaxtooyada, ayaa mar qudha Wariyihii ay Askari ku soo xoontay, isla markaana waxa ugu horeyn la jajabiyay Kamaraddii uu ku hawl-galayay.

Iyada oo Askartu Wariye Jannaale intaa ugu dartay tukhaantukho, riixin iyo gujagujayn, waxaanay isku dayeen in ay madashii shaqadu ka socotay dibada uga saaraan. Hase ahaatee iyaga oo aan taa ku guulaysan ayaa dad badan oo isugu jiray Wariyayaal iyo dad kale oo rayid ahi ku qayliyeen.

“Waar sideed Wariyaha leedihiin, miyaydaan garanayn Mustafa-janaale waa Wariyihii Hadhwanaagnews ee sideed ula dhaqmaysaan?” sidaa waxa ku dhawaaqay Kooxo dad ah oo isugu jiray Wariyayaal iyo dad lagu marti-qaaday Xafladda Somgas.

Ma jirin dhibaato uu wariyuhu u geystey ilaalada Madaxweyne Rayaale, hase ahaatee, sabab la’aan waxay u egtahay inay mar kale soo celiyeen dhaqamadii xumaa ee astaanta u ahaa ilaalada hogaamiyayaasha kali-taliska ah.

Xiligaa Kamarada laga jajabiyay Wariyuhu wuxuu ka qaadayay sawiro Madaxweynaha oo markaa dul marayay Roog cas oo loo dhigay barxadda gudaha Gaydhka Warshadda xadhiga laga jarayay.

Tani waa dhaqan jaahilnimo oo aanu lahayn Askariga Anshax ahaan iyo aqoon ahaanba u dhisan ilaalinta xuquuqda dadka. Kani wuxuu garanayaa oo kaliya qofka uu ilaalinayo, xitaa ma garanayo ciqaabta uu ka mudan doono falalka noocan oo kale ah, marka uu caddaalada soo hor-maro.

Maaha Wariyahan Hadhwanaagnews.com kii ugu horeeyay ee ay ilaalada Madaxtooyada Daahir Rayaale qalab ka jajabiyaan, isla markaana meel kaga dhacaan gudashada waajibaadkiisa shaqo, hase ahaatee, boqolaal ka badan Suxufiyiinta ay Askarta Madaxtooyadu garaaceen, sidoo kalena rigaaxeen wixii ay qalab siteen. Taasina waxa ay u muuqataa dhaqan ay ilaaladu kaga soo horjeedo xorriyatul-qawlka.

 

Hadhwanaagnews.com/Office
Hargeysa/Somaliland.