Waxa habeenkii xalayto ahaa (12/01/09) kasoo degay dhabaha diyaaradaha Caalamiga ah ee London Heathrow, musharaxa madaxweyne xigeenka xusbiga KULMIYE, Eng.C/raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Eng.Saylici)., Eng.Saylici waxa halkaasi si diirran ugu soo dhaweeyay , taageerayaasha isbadal doonka ah ee xusbiga KULMIYE UK, madax ka tirsan isla xusbigan iyo dadweyne fara badan. Quraba jooga Somaliland ee London UK uma kala hadhin soo dhaweynta Eng.Saylici.
Dadyowga sida diirran u qaabilay Eng.Saylici ayaa waxay kala ahaayeen:Dr Maxamad Cabdilaahi Cumar-Xoghayaha Arrimaha dibada ee xusbiga KULMIYE; Mudane Ibraahim Xuseen - Guddoomiyaha Xusbiga KULMIYE ee UK/Europe; Cabdi Daahir Cabdi Bacaw- Guddoomiye Xigeenka Xusbiga KULMIYE ee UK/Europe; Cabdi Cali Mahdi - Guddoomiyaha KULMIYE (West London); Mudane Maxamad Casayr- Guddoomiyaha KULMIYE (South East London); Axmad Caddare - Xubin KULMIYE UK. Iyo xubno kale oo tiradoodu kor u dhaaftay soddomeeye qofood. Iyo dadyoow kale oo aad u tiro badan oo ilaa iyo imika ku soo qulqulaya guriga lagu soo dhaweeyay Mudane Saylici ee ku yaalla xaafadda Neesden ee galbeedka magaalada London.
Xubnaha KULMIYE ee Awdal/Salal UK ee sida habsamida leh u qaabilay una soo qaban-qaabiyay soo dhaweynta Eng.Saylici, waxa hormood ka ahaa mudane Cali Xaamud Jibriil, waxa kale oo ku jiray salaadiin cuqaal, dhalinyaro iyo waxgarad kasoo jeeda Awdal/Salal. Kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen Suldaan Xaaji Maxamad Xuseen Siciid; Suldaan Yuusuf Suldaan Cali Cilmi; Ibraahim Daahir Cilmi; C/Jibbaar Maxamad Rabiile Good, Cabdi Cumar Barre (oo ka socda Xariirad/Salal); Axmed-Wali Sh Cumar Good; HiilDanYare (Boon/Salal); Ojor Daahir Ojor; Liibaan Jaamac Rabiile Good. Iyo xubno kale oo tiro badan oo magacdooda an halkan lagu soo wada koobi karin.
Eng.Saylici muddo gaaban ayuu joogi doonaa London UK , isagoo ka qayb qaadan doona shirweyne ballaadhan oo laamaha xisbiga KULMIYE iskugu iman doonaan London UK. Iyo kulamo kale oo la xidhiidha baaraarujin iyo wacyi galin ku wajahan Isbadal doonka Somaliland ee ku nool qurbaha.
Wararkayaga danbeeto ayaynu idinkula Socodsiin doonnaa, dhaq-dhaqaaqyada iyo soo dhawaynta Mudane Saylici iyo wixii kale ee macluumaad ah ee la xidhiidha safarkan taariikhiga ah ee Mudane Saylici markii ugu horreysay ugu soo kicitimay UK.
HiilDanYare


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Musharaxa Madaxwayne Ku Xigeenka X/Kulmiye Eng.Saylici Oo Si Wayn Loogu Soo Dhaweeyey London (Heathrow Airport). "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback