London-(Lug)-Waxa noo suura gashay in aan waraysi xiiso badan oo dhinacyo badan ah la yeelano Wasiir ku xigeenka  Wasaaradda Qorshaynta Qaranka, Isuduwidda iyo Xidhiidhka Caalamiga ah oo fasax gaaban ku yimid London. Wareysigiina waxa uu u dhacay sidatan:

Su’aal: Wasiir, waxa aad nooga warrantaa waxyaabihii idiinku muhiimsanaa ee idiin qabsoomay wasaarad ahaan sannadkii la soo dhaafay?

Jawaab:  Runtii sannadkii tegay waxa uu ahaa mid xasuustiisa leh wanaag iyo xumaanba, Ilaahay waxan ka beryayaa inuu sannadkan innooga dhigo mid fiican oo horumar leh. Haddaan si kooban u xuso waxyaabihii wasaaradda u qabsoomay waxa ugu waaweynaa, Barnaamijkii Dib-Udhiska ioyo Horumarinta ee aan ku heshiinay hirgelintiisa Beesha Caalamka, kaas oo loogu talo galay inuu bilaabmo sanadkii 2008.Runtii inkastoo aanu wada hirgelin haddana waxbaa ka qabsoomay.

Su’aal: Wasiir, maxaa la taaban karaa ee ka qabsoomay baa la odhan karaa barnaamijkaas?

Jawaab: Runtii sida ay caadadu tahay ama ka dhacda waddamada barnaamijkan oo kale laga hirgeliyey sida Liberia, Ciraaq iyo Afgaanistaan sannadka ugu horreeya waxa wakhti badan qaata ururinta lacagta oo wax badani ma qabsoomaan, Somalilandna kama duwana dalalkaas. Haddaan wax ka yara taabto waxa ka mid ah Dhismayaal loo samaynayo Wasaaradaha Qorshaynta, Caafimaadka, Hayadda Shaqaalaha. Waxa kale oo ka mid ah Gaadiid iyo qalabka isgaasiinta oo la siiyey Ciidanka Booliska, waxa kaloo la bixiyey qandaraasyada dhismayaal Dugsiyo Hoose/Dhexe, Dugsiyo Sare iyo  Xarumaha xannaada Hooyooyinka iyo Dhallaanka, tabobarka iyo tayeynta Macallimiinta Dugsiyada dawladda. Sidoo kale waxa la sameeyey siminaaro badan oo lagu tayeynayo laguna dardar gelinayo shaqaalaha wasaaradaha iyo hayadaha Dawladda. Waxa kale oo ka mid ah lacagta hadda lagu hirgeliyey mashruuca mihiimaka ee diiwaangelinta Cod-bixiyayaasha
 
Waxa intaas dheer in Wasaaraddu qabatay shirar taxane ah oo lagula xiaabtamayey Hayadaha Qaramada Midoobay iyo kuwa caalamiga ahba, iyadoo laga rabay inay soo bandhigaan wixii lacag soo gashay , meelaha ay ka shaqeeyaan, wasaaradaha ay la shaqeeyaan, wixii lacag la isticmaalay ilaa hadda iyo turun turrooyinka hortaagan ee u baahan in wax laga qabto. Taas oo runtii ahayd guulweyn oo ay gaadhay xukuumaddu sababtoo  ah hore  umay dhicin in sidaas loola xisaabtamo.

Waxa  kale oo ka mid ah waxqabadkii wasaaradda ee sannadka furintaanka  xafiiska  Maareynta dhaqaalaha Guud oo la qoray ilaa toddoba aqoon yahanno reer Somaliland ah, si ay uga taliyaan horumarinta Dhaqaalaha iyo Bulshada ee dalk u baahan yahay, Taas oo sannadkanna la sii kordhinayo, aqoonyahannadii  loo baahnaana lagu xayeysiiyey, SomalilandNation.com. Waxa aan ku boorrinayaa dadka qurba joogga ah inay ka soo qayb galaan tartanka jagooyinkaas bannaan
 
Waxa kale oo ay wasaaraddu kaalin muhiim ah oo hoggaamineed ka qaadatay gurmadkii Abaaraha iyo cunta yaraanta taas oo hoggaaminaysay iskuna duwaysay gargaarkii ay bixiyeen xukuumadda, Hayadaha Qaramada midoobay iyo kuwa caalamiga ahba taas oo lagu gaadhsiiyey biyo iyo cuntaba Gobollada Somaliland gaar ahaan kuwa Bariga.
 
Ugu danbayntii Wasaaraddu waxa ay samaysay oo hadda Baarlamaanka hor yaala xeerka ururrada aan dawliga ahayn kaas oo ahaa wax runtii aad loogu baahan yahay si loo helo xeer lagu hago ururradaas lagulana xisaabtamo.
 
S: Axmed waxa aad ka mid ahayd xubnaha  Firfircoon ee xisbiga talada haya ee UDUB, xisbiguna ilaa hadda ma qaban shiweynihisii, markaas wax ma nooga sheegi kartaa ku tala galka xisbiga?

J: Waxan doonaya marka ugu horreysa inaan fursaddan uga faaiideysto inaan tacsi u diro dhammaanba bahweynta UDUB gaar ahaan eheladii , Axsaabtii iyo Qaraabadii uu ka geeriyooday marxuum Maxamed Ismaaciil Bullaale oo runtii aad loo xasuusto waxyaabihii uu ku soo kordhiyey intii uu ahaa xoghayaha Guud. Haddii aan u soo laabto su’aasha ku talgalka xisbiga, runtii waxa weeye in uu xisbigu qabsado Shirweynihiisii labaad, taas oo uu hadda xisbigu galay wakhtigii diyaar garawga maddaama ay dhammaatay Diiwaangelintii codbixiyayaasha taas oo xukuumadda iyo xisbigu muhiimad siiyey maddaama ay ahayd hawl qaran kuna dhammaatay guul u soo hoyatey Somaliland.
 
S: Waxa soo Baxaya maalmahan shakhsiyaad sheegay inay isu sharraxayaan jagooyinka musharraxa Madaxweynaha iyo ku xigeenka ee xisbiga UDUB, sidaad u aragtaa?
 
J:  Runtii wax lala yaabo maaha in la maqlo dad sheegay inay isu sharraxayaan jagooyinkaas, sabatoo ah Xisbiga UDUB waa xisbiga ugu weyn xisbiyada uguna taageerada badan Somaliland, kuna guuleystay saddexdii doorasho ee hore. Waa xisbi aan ku dhisnayn Qabiil, reernimo, gobol, koox, ama shakhsiyaad, waa xisbi loo siman yahay ka qayb galkiisa, dimoqraadiyad dhab ahna ka jirto dhexdiisa. Sidaas awgeed xisbiga sidaas ah way jeceshahay cidkastaa in lagu xidhiidhiyo musharraxnimadiisa. Laakiin cidda ay dhab ka tahay waa in ay taqaan isla markaana raacdaa Xeerkiisa, Shuruucdiisa islamarkaana ay la yimaadaan wakhtigeeda iyo goobteeda ee maaha website ama jaraaid la isku soo qoro. Taasi waxa ay ku tusaysaa cidda aad sheegaysaa inay ka leexsantahay xeerkaas iyo shuruudaha oo aad mooddo inay dano kale ka leeyihiin ama cid kale dabada ka waddo.
 
S: Su’aasha kale ee aan kuwaeydiinayaa waxa ay atahy sided u aragtaa doorashadan soo socota?
 
Jawaab: Xaqiiqdii waxa aan u arkaa mid ka duwaanaan doonta Doorashadii hore ee Madaxweynaha oo xisbiga UDUB ku badain doono tiro aad u badan. Sabatoo taageerada xisbiga UDUB , aad bay u korodhay marka loo eego Doorashadii hore, dadka is diiwaan gelieyna aad bay u tior badan yihiin. Waxa kaliya ee ay Xisbiyada mucaaridka ahi ku faani jireen inay UDUB kaga horreeyaan taageerada dadka Dibadda ama Qurba Joogga ah. Taasina Hadda way isbaddeshay muddooyinkiik u danbeeyey  oo dad aad u tiro badan oo Qurbo Joog ah ayaa ku soo biirayey Xisbiga, ilaa haddana aad ugu soo qolqulaya ka mid noqoshadiisa kuwaas oo taageeradoodii kal noqday Xisbiga Kulmiye.

Su’aal; Maxaa ugu wacan in Qurba joogu hadda ku soo biiraan xisbiga UDUB, haddise aanay dalka joogin oo aanay codaynayn maxay u soo kordhinayaan UDUB?
 
J:  Waxa ugu muhiimsan dadkaas oo aad uga cadhooday habkii fashilnaa ee loo maamulay shirweynihiim labaad ee xisbiga  iyo iyagoo u arkay siyaasadda Xisbiga Kulmiye mid ku salaysan shakhsi jeclaysi, ku jigsii iyo mid aan hour socod lahayn.
 
Waxa kale oo ay ku qanceen siyaasadda qunyar socodka ah  iyo horumarka joogtada ah ku salaysan isla markaana nabad kuwada noolaansha iyo wax wada qabsiga waddamada deriska ahi  iyo mideynta shacabka reer Somaliland ay saldhiga u tahay . Taas oo ay u arkeen in wakhtigan xaadirka ay Somaliland u baahan atahy in wax lagu sii kordhiyo waxa u qabsoomay Somaliland ilaa hadda , isla markaana la taageero xisbiga talada haya si ay u dhammaystiraan inta u dhiman.

Source Qarannews