Weli lama arag lamana maqal, macallimiin inta ay imtixaan ka qaadeen arday, haddana natiijadii u sheegay iyaga oo aan sixin warqadihii ay ardaydu kaga shaqayeen imtixaanka.
Waxase ka sii caqli xun kuwa rumaystay ee garan waayey, in ay marka isweydiiyaan, in macallimiintu malaha sakhraansanaayeen oo aanay fayoobayba markii ay sixitaanka hortiiba la soo boodeen natiijadii.
 
Sidaa waxa misaalkeeda leh, guddiga Komishanka ee aan weli la daaha laga faydin khaladdaadkii ay sameeyeen. Diiwaangelinta beenta ah ee ay sharciyeynayaan iyo sharciga dawliga ah ee ay ku tumanayaanna maaha mid uu waxgaradka iyo waddanigu arki la’yahay. Waxanay caadaysteen in aanay ka gabbanin ku xad gudubka sharciga ummadda u yaalla. Si badheedh ahna waxa ay ka sheegaan idaacadaha, hadallo aan miisaannayn, oo lala yaabay. Hadalladoodaasi kuma ega uun shaqada loo igmaday ee ay ku galgasheen, ee waxa ay ku darsadeen, in ay wadaan shaqooyin kale oo aanay qabashadooda xaq u lahayn. Tusaalena waxan u soo qaadan karraa, mas’uulkii ka tirsanaa madaxda Komishanka ee dhawaan waraysiga siiyey BBC-da laanta afka Somaliga, ee sheegay in ay kaadhka diiwaangelinta iyo warqadaha dhalashadaba dadka siinayaan.
 
Haddaba akhristow, nidaamka dawladnimo ee aan doonaynaa ma ka salkiisu musuqmaasuqaa yahaybaa, mise waa ku caddaali ah oo soo socda, oo ay ka reebbantahay been iyo sadbursi. Maamullada gobolladuse maxay u dhiirri gelinayaan, in diiwaan gelin been ah la sameeyo. Oo beenta run laga dhigo. Mise waxa dhib ah, in runta la wajaho, oo sida ay xaqiiqadu tahay lagu meel maro……..Wallee, inta been iyo huuhaa run laga dhigayo ayaan wax innoo hagaagin.
 
Akhristow, aaway mas’uuliyiintii mucaarid iyo muxaafidba lahaa ee Kitaabka ku dhaaratay, ee u dhaaratay in ay caddaaladda wax ku maamuli doonaan, ummaddana caddaalad ugu adeegi doonaan. Ma waxa ay garteen in ay taageeraan beenta, sharci darrada. Miyaanay arkaynin fawdada, Musuqa iyo maasuqa, xatooyada xoolaha dadweynaha. Ma waxan aamminnaa nin u ordaya kursi uu ku lacagaysto, oo aan dan u soo wadin dadka iyo dalka. Bal u fiirso baahida shacabka, baylahda dalka taalla iyo guud ahaanba daranyada ay qabaan inta badani. Ma waxa aan u xidhnaannaa shakhsiyaad dheregsan oo hebel iyo hebel ah.
 
Waxba yaan dadka been loo sheegin, waxba yaan qabiil lagu awro kacsan, waxba yaan kolba gobol la kicin, waxba ayaan kursi doonku lacago innaga urursan. Haddii runta la doonayo, weli waan lunsannahay, gudcur ayaan gudaynaa. Siyaasaddiina waa ay inna sakhraamisay, oo hadal hayteedii ayaa innagu badan, runtana kama sheegeyno, ee dib aan u xisaabtanno, oo aan saxa iyo qaladka kala garanno. Oday baclaha, biidhi qaataha magac odaynimo sheeganayaana yaanu inna hodin. Runtuna iyada ayaa horteenna iman doonta.
 

Ahmedweli Goth
UK
shueebi@hotmail.com