Saylac-(Lug)-Ciyaar xiiso badan aya amaanta waxa ay dhex martay xulalka degmooyinka Saylac iyo Boon, ciyaartan oo loogu marti ahaa xulka degmada Saylac ayaa waxa ay kadhacday garoonka kubada cagta ee magaalda Saylac.

Ciyaartan oo ahayd mid aad u xiiso badan ayaa waxa daawashadeeda ka soo qayb galay dadwayne aad u tiro badan oo reer Saylac ah waxana uu garoonku ahaa mid la ciirciirayay galabta sawaxan iyo xamaasad aad u heer saraysay.

ciyaartii galabta oo ku dhamaatay si nabad galyo aha ayaa waxa ay guushu ku raacday ciyaaryahanadii ka xocday degmada Boon kadib markii ay shabaga kooxda ka soo horjeday ee ka socotay Saylac ay la hubsadeen 5 gool oo saafi ah, tanina waxa ay sababtay in ay guul taariikhi ah soo hooyaan ciyaaryahanada reer Boon.

Ciyaartii galabta ayaa waxa kale oo ay ahayd tii ugu horaysay ee nooceeda ah ee ka dhacda magaalda Saylac tan iyo intii gobolka Salal la magacaabay, waxana ay ciyaaruhu imi8ka yihiin lafdhabarta koowaad ee is dhexgalka dhalinyarada gobolka Salal, waxana lagu wadaa in ciyaaryahanada degmada Saylac ay iyaguna Booqasho ku yimaadaan magaalad Boon todobaadada soo socda.

Lughayanews-Saylac Office