untitled.JPGBoorama-(Lug)-Xidhiidhiyaha jaalyadaha dibada iyo masuuliyiinta gudaha ee dismaha madarasada Imaamu Shaadhibi eemagaalda Boorama Md. Cabdiqaadir Aadan Nuur ayaa maanta kulansiiyay Md. Cabdiqaadir Maxamed Barkhadle oo ka socday jaaliyada reer Awdal ee magaalada Stockholm dalka Sweden isla markaana degen magaalada Boorama iyo madaxa madarasada Imaamu-Shaadhibi ee magaalda Boorama Sh Sh. Xuseen Sh. Nuur Qalinle  si ay ula kala wareegaan deeq lacageed oo ay jaaliyadu ugu talo gashay in lagu dardar galiyo dhismaha madarasadan oo imika socda.

untitled.JPG

Deeqdan lacageed oo dhan Lix Boqol iyo Tobon  Doolar ayaa waxa Sh. Xuseen Gudoondiiyay Masuulkan ka socday jaaliyada reer Awdal ee Stockholm, Md. Cabdiqaadir Maxamed Barkhadle. Mar Md. Cabdiqaadir Xuseen ka waramayay sababata ku dhalisay qaar ka mid ah jaaliyada Awdal ee Stockholm, Sweden in ay lacagtan deeqda ah soo ururiyaan isla markaana soo diraan ayaa waxa uu yidhi “ Waxaan garawsanay in ay haboontahay in diinta la koryeelo, waxa aan ugu talo galnay in aan kow ama lafdhabar u noqono cid walba oo taageero ka gaysan karta sidii loo dhamaytiri lahaamadarasan oo ah how anfac wayn u leh ilmaha Soomaaliyeed ee qurbaha jooga iyo kan dalka joogaba”, isaga oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu yidhi “ waxaan umada islaamka ah iyo jaaliyada reer Awdal ee dibadahaba waxa aan ugu baaqayaa in ay ku soo biiraan kana qayb qaataan taabo galinta dhamaystirka madarasadan oo wax wayn ka taraysa koryeelida diinta eebe, waxa aan rajaynayaa in ay dhawaan taabo gasho.

untitled2.JPG

Markale oo uu ka waramayay mucaawinadan ayaa waxa uu yidhi ma aha tii ugu dambaysay waxana aan rajaynaynaa in aan wadi doono inta ay dhamaanayso madarasadu, waxana aan jecelnahay in ay dadka gudaha jooga oo dhani ay nagala qayb qaataan waananw adi doonaa anagu, waxa jira dadbadan oo raba in ay madarasadan caawiyaan waanan la xidhiidhaynaa waanan soo dhawaynaynaa si aan isku kaashano una meel marino hadafkayaga ah in uu eebe kor yeelo diintiisa, barashada quraankana ka dhigo mid awlaadayadu ay ku barbaarto.

Madaxa iyo Macalinka  madarasadan Imaamu Shaadhibi Sh. Xuseen Sh. Nuur Qalinle  ayaa oo isagu deeqdan gudoomay ayaa si wayn ugu mahadnaqay jaaliyada reer Awdal ee Stockholm, Sweden, waxana uu xusay in talaabadan deeqda ah ee ay soo gaadhsiiyeen madarasada  jaaliyadani ay tahay mid taariikh ah oo ay dadbadani ku dayan doonaan. Sh Xuseen waxa kale oo uu ka waramay in madarasadan ujeedadii ay ugu fikireen ay ahayd in ay aasaasaan goob aad loo ku haboon oo lagu maamuuso laguna barto quraanka kariimka ah, waxana uu xusay una majadnaqay in jaaliyadaha Somaliyeed ee dibaduhu ay yihiin kuwa lafdhabarta u ah dhismahan madarasada Imaamu Shaadhibi.
 Sh. Xuseen waxa kale oo uu xusay in ay u qorshaysan tahay in madarasadan laga dhigo goob Boodhin ah oo aydayda baranaysa quraanku ay dagan yihiin si ay waqti ugu helaan barshada quraanka eebe.

untitled1.JPG

Mudane Cabdiqaadir Aadan Nuur oo isagu goob jog ka ahaa madashan ayaa isaguna u mahadnaqay Jaaliyada reer Awdal ee Stockholm waxana uu ku tilmaamay talaabadan ay qaadeen mid wado cusub u furi doonta dhimaha dhamaystirka Madarasadan, waxa kale oo Md. Cabdiqaadir aad u xusay in Dhismahan Madarasadan ee noqondoona Boodhinku uu yahay mid si wayn wax uga tari doonra kobcinta Akhlaaqda iyo barida quraanka ee Awlaada Qurbaha iyo kuwa gudaha dalkaba, waxa uu sheegay in magaalooyinka waawayn ee dalku ay leeyihiin madarasado diini ah oo boodhin ah isla markaana ay dadka qurbo jooga ah ee reer Awdal waqti ku lumiyaan sidii ay Awlaadooda u gayn lahaayeem madarasadahaas boodhinka ah, isaga oo hadalka sii wata waxa uu yidhi waxa ay madarsadani anfici doontaa qof walba oo raba in uu ilmihiisa keeno dalka oo uu kaga tago meel uu ka barto tarbiyada wanaagsan iyo quraanka eebe.

Dhismaha marasadan Imaamu Shaadhibi ee magaalada Boorama ayaa maraya waqti xaadirkan Seeska hoose waxana lagu wadaa in la dardargaliyo iyada oo loogu baaqayo bulshada islaamka ah eek u dhaqan dalka iyo dibadaba in ay gacan ka gaystaan, sidoo kale Masuulka deeqdan manta gudoonsiiyay madarasadan Md. Cabdiqaadir Maxamed Barkhadle oo ka mid ah jaaliyada reer Awdal ee Stockholm dalka Sweden degena magaalda Boorama ayaa waxa uu yahay qof si wayn xil isaga saaray in uu meel mariyo isla markaana  u guntado sidii deeqahu ay u soo gaadhi lahaayeen madarasada isaga oo waqti badan u huray sidii loo gaadhi lahaa ujeedada loo aasaasay madarsadan.


Wariye:-
Cabdale Cali Yuusuf
Lugahaynews-Boorama