Waxa jira xaalado murugsan oo dad badan oo reer Awdali ahi ay ka biyo diidsanyihiin ,ku wasoo khatar galin kara jiritaanka somali land hadii aan xal loo helin.
Arimahaas oo dhakafaar badan ku riday qaar ka mid ah shacabka reer Awdal iyo qaar ka mid bulsho weynta S/land ee jecel horumarka iyo jiritaanka s/land.
Inkastoo haddaba reer Awdal arinkaas mawqif isku mid ah ay ka joogsadeen mucarid iyo muxaafidba.Hadana weli ma hayo bulshoweynta kale ee somaliland gaar ahaan beelaha dhexe wax taageera ah ama garowshii ah kama hayo cabashooyinka xad dhaafka ah ee ka soo yeedhaya Awdal.waan arkay qaar dhaliilaya Awdal oo u arka sad bursi.waxanse filayey inay qaar kalana ay taageero iyo garowshiyo siiyaan cabashooyinkaa reer Awdal.
Haday taasi jiri laheyd dood fiican baa jiri laheyd oo qaladka dhacay lagu sixi kari lahaa.laakiin imika waxay u egtahay in malaha in uun arinku yahay Awdal gool ka dhali oo la isku wada raacsanyahay .si kastaba ha ahaatee hadaan Rayaale oo Awdal udhashayba aan ka diidnay xaq daro Waraabe iyo siilaanyo kii yimaadaba ka ogolaanmeyno xaq daro.Hore ayaan uga diidnay xaq daro isticmaarki cadaa iyo kii madowbaaba. badheedhahayguna wuu cadaa oo kii tobanka oday ay ingiriiska kaga saxeexeen Seylac Heshiiskii taarikhiga ahaa ee loo yaqaanay Anglo-Gadabuursi Treaty of 1884 ee lagu qoray Saanta:
Qodobka ugu muhiimsan ee heshiiskaasi waxa uu dhigayey :In dhulka odayaashan Gadabursiga ee heshiiskan saxeexay ay masuulka ka yihiin aan la googoyn karin,la Rahmi karin,la iibin karin ,cid kalana aan la siin karin,xoogna aan lagu qabsan karin.Igiriiskuna ku ekaado sifo ilaalin ah oo kaliya(undre protectorate clause only). Markii ingiriiskii ku xad gudbay heshiiskaas ee dhulkoodii cadawgii amxaarada iyo Menelik ay soo galeen isagoo og qeylo dhaan may yareysan duqeydii Gadabuursigu si ay u badbadiyaan inta hadhay.Cabashooyinkaas oo ay qoraalo ku mujiyeen odayashii Gadabuursi ee Seylac ee heshiiska la galay ingiriiska .
Cabashooyinkaas ka dib ayaa Xukuumdda ingiriisku 17 Nov.1886 ayey Telegram ku soo weydiisay wakiilkii Cadan ingiriiska u fadhiyey suaashan : Ingiriisku ma ka maarmi karaa baahida xeebaha woqooyiga somaliyeed(s/land coast) mise waa laga maarmaan joogista ingiriiska ee S/Land. Cunningham oo ahaa wakiilkii ingiriiska ufadhiyey ayaa ku jawaabay in xeebaha S/land ee badda cas aad loogu baahanyahay ,ka bixidda xeebahaasina ay cawaaqib xumo ku keeni doonto siyaasadda ingiriiska ee geeska Afrika.
Waxa kaloo isna ka hadlay wakiilkii ingiriiska u fadhiyey S/land isagoo si gaar ah usoo qaatay heshiiskii Gadabuursiga iyo ingiriiska waxana uu yidhi :”Sanadkii 1884 bishii Desember 11keedii waxan heshiis la galay Odayashii gadabuursiga ee deganaa Seylac .heshiskaas oo gudoomiyihii guud ee ingiriiska ufadhiyey Bombay uu qalinka ku duugay bishii Feb1885.Qodobka kowaad ee heshiiskani waxa uu qeexayey in ingiriisku dhulkooda aanu iibin karin,Rahmi karin ,cid kale siin karin,xoogna aan lagu qabsan karin in dhulka ay deganyihiin iyo inta ay xukumaanba ay ku hoos jiraan ilaalinta ingiriiska oo kaliya .in Igiriiskuna uu ku ekaado sifo ilaalin oo kaliya (protectorate clause only)oo aanu madaxbanidooda faragelin.in marka ay ka marmaan ilaalintiisa ay xaq uleeyihiin in ingiisku ka baxo.
Hadaba wakhtigaa aan heshiiska galnay iyo imika waxa udhexeeya 10 sano ,sidaa awgeed ayaanay habooneyn in laga noqdo heshiiskaas ilaalinta inkastoo qeybo ka mid dhulkooda amxaradu soo qabsatay.Markii xukumadda ingiriisku heleen taararkaa iyo warqadaahaas ayaa la soo diray ergay gaar ah oo arintaa lo soo xilsaaray oo la odhan jiray Lord Renel rod oo ahaa qusulkii ingiiriiska u fadhiyey Qahira.Lord Renel Rod waxa uu yimid Seylac ka dibna waxa uu sii gudbay Addisa ababa halkasoo uu wada hadalo la bilaabay Menelik 13 May 1897.Menelik oo sida uu ku sheegay wareegtadiisii (circular lettar of April 1891 )uu u udiray reer yurub ku sheegay in soo tabto xeebta badda cas ee Seylac iyo Berbera ilaa badweynta Hindiya koonfurtana ilaa Harada victoria iyo xaduudka suudaan .
Wadahadaldii waxa lagu soo afjaray in xaduudaha S/land lagu qeexay inkastoo dhul badan oo Soomaliyeed la siiyey hadana heshiiskaas dhex maray Lord renel rod iyo Menelik waxa uu badbadiyey inta hadhay ama khariiradda S/land caalamku aqoosan yahay maanta.Dooda dhulka maqan waxa a lagu saleeyaa heshiiskaas iyo heshiisyadii hore ee ingiriiska iyo S/land.
Qoraalo aan idiin soo gudbin doono oo laga qoray Awbare District oo ah reserve waxa ay ku doodaan inay S/land ka tirsanyihiin sida ku cad heshiiskii 11dec1884.Hadaba waxasoo dhan inan ka hadlo waxa igu kalifaya in idiin cadeeya S/land jititaankeeda in reer Awdal ay ka masuul ahayeen markii uu ingiriisku ku fakaray inu ka baxo oo Amxaaradu dhulka qaadato. Heshiiskaas odayaasha reer Awdal ayaa sariikiishii ingiriisku ku doodeen si loo badbaadiyo Ergeygan gaar ka ahna soo diritaankiisa sababtiisa ayag a lahaa.kuwa maanta sheeganayaa xagay joogeen .Welina Reer AWDAL dusha ayey ku sidaan ka dib markii ay xukuumadii somaliyeed baab,aday . Awdal haday meesha ka baxdo S/ land meesha way ka baxeysaa ninkii jecel iyo kii neceb sidaa nin walba ha ku seexdo.
(source of references British colonial Archives Volume 7)
Mohamed Dhiirane
mohameddrn@yahoo.ca


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Jiritaanka S/land Iyo Kaalinta Reer Awdal "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback