Burco-(Lug)-Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Ahna Gudoomiyaha Xisbiga UDUB Isla Markaana ah Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida  Ahna Hogaanka Sare ee Ciidamada Sirdoonka Qaranka Daahir Riyaale Kaahin

 
Ayaa dhawaan Magacaabay Gudiga qabanqaabda Shirweynaha Labaad ee Xisbigiisa UDUB oo lagu Wado in lagu doorto Musharaxiinta Doorashada Madaxtinimada ee Xisbigaasi soo diran Doono
 
Gudigan oo ka kooban Kow Iyo Toban Xubnood oo Shan ka Mid ahi Yihiin Golaha Wasiirada ee Xukuumada Riyaale Iyo Shan Xubnood oo laga Soo dhex Xulay Muxaafidka Xukuumada ee Xisiga UDUB Ayaa Waxa gudoomiye looga dhigay Madaxweyne Ku Xigeenka oo Hadana ka mid ah Musharaxiinta la Rabo In lagu Kala reebo Shirweynaha ay Gudigani Soo Qaban qaabin doonto ” kkkkkkk” Akhriste Hayaabin ee Qormada Sii Akhriye.
 
Khadka Qalinku Qiimaynta Habka Magacaabista Gudigan Iyo Waxa ka Soo bixi kara Shirweynaha Gudigani Qabanqaabiso akhtibadan ku Bixin maayo balse waxa uu dib u Milicsan doonaa Habkii uu u dhacay Shirweynihii Lagu Doortay Xoghayihii Guud ee Xisbigii Hantiwadaaga Kacaankii Somaliyeed XHKS
 
Shirweynihii Xisbigii HWKS
 
Ka hor intii aanu Qabsoomin Shirkii lagu Aasaasay Misna Lagu Doortay Hogaanka Xisbigii Hanti-wadaaga Kacaanka Somaliyeed ayaa Waxa Madxweynihii Xiligaasi Alle Hawnaxariisto ee Maxamed Siyaad Bare waxa uu Magacaabay Gudi ka Kooban 10 Xubnood
 
Kuwaasi oo ka Koobnaa Shan Wasiir Iyo Shan Sarkaal Kuwaasi oo loo Xulay Qaban Qaabada Shirweynihii Xisbiga Hantiwadaaga Kacaanka ku dhisnaa kuwaasi oo u muuqday kuwao uu Siyaad Bare Si weyn ugu Kalsoonaa
 
1976 dii waxaa la asaasay Xisbiga Hanti-wadaagga Kacanka Soomaaliyeed. Waxaana ka soo qayb-gelay shir-waynihii lagu asaasay xisbiga 3000 qof oo la isugu geeyay meel Xero ciidan ah.
 
Dadkaas waxa baddi laga soo xulay, degmooyinka Dalka, xaafadaha magaalooyinka iyo hay’adaha dawladda meelihii lagu magacaabi jiray Xarumaha Hanuuninta iyo ururada balshada. Dadkaas intooda badan waxay ahaayeen, dad aan aqoon la hayn, oon waxna qorin waxna akhriyin.
 
Waxaana shirkaa asaasidda Xisbiga lagu magacaabay Gole-dhexe oo ka kooban 42 qof, oo bar ka mid ahi yihiin golihii sare ee kacaanka, inta kalana wasiiradii markaa jiray iyo saraakiil ciidamada laga keenay. Waxaa lagu soo daray tiro yar oo la keenay Ururadada Bulshada Iyo Guulawadayaashii Xaafadaha Iyo Miloshiibiyooyinkii Xiligaasi Jiray
 
Waxa Golaha dhexe iyaguna Xubno mihiim ah ka ahaa Qaar ka Mid ah Saraakiishii Nadabsugida ee Xiligaasi Iyo Dadka Dawlada Sida Dadban ula Shaqeeya ” Dhagadhageeye”
 
Goluhu wuxuu u doortay M.S. Bare Xoghayaha Guud ee xisbga, Waxaa la baabi’iyay Golihii Sare ee Kacaanka, Seddexdii Awoodood ee qarank, ayaa mar labadda loo soo raray Golaha Dhexe ee xisbiga Magac ahaan, dhab ahaanna waxay mar kale loo soo raray gacanta Xoghayaha Guud. Oo isku darsaday jagooyonkii Dalk ugu sareeyay dastuuri ahaan oo kala ah

1- Xoghayaha Guud ee XHKS.
2- Madax-waynaha jumhuuriyadda
3- Ra’iisu-wasaaraha Xukuumadda.

Xisbiga waxaa loo dhisay habkii Nidaamyada xisbi-kaliyeedka ah ee ka jiray Waddamada Shuuciga ah One Party system,
 
Waxa Aad u Adkayd in Shirweynaha Xisbiga Gudihiisa Lagula Tartamo Madaxweynaha Awooda Badan Haysta Iyo In la Hungureeyo Xilalka Badan ee uu Isku Hayo Xiligaasi oo uu ahaa      Ahna Ahna
 
     Odhaahda Qalinta
 
Qalinku Khad badan iskaga khasaareyn maayo in uu Hogatusaaleeyn ka Bixiyo Qaabka Iyo Qaban Qaabada Shireynaha Labaad ee Xisbiga UDUB Iyo Waxa ka Soo bixi Doona
 
Hasa yeeshee waxa uu Iftiiminayaa in Ay Suuragal Tahay in Jagada Xoghayaga Guud ee Xisbiga UDUB Lafteedabna Loo Magacaabo Madaxweynaha Laftiisa oo ah Gudoomiyaha Xisbiga Noqona Doona Musharaxa Xisbiga Daahir Riyaale Kaahin,
 
kkkkkkk, Hanbalyo, Madaxweyne,Gudoomiye, Musharax, Taliye, Xoghaye, Iyo Qaar Kale
 
 
Qalinkii
Foosi Saleebaan Aw-Bindhe
foosi36@hotmail.com