Hargeysa-(Lug)-Ciidammada booliiska Somaliland ayaa hawlgal ay shalay subaxdii fuliyeen ku soo qabqabtay afar nin oo dhallinyaro ah oo sida la sheegay ka yimi dalka Maraykanka iyo haweenay iyadu ka timi magaalada Muqdisho
ee koonfurta Somaliya, Ku waasi oo dhammaantood ka soo jeeda Koonfurta Somaliya.
Sida ay dad goob-joogayaal ahi noo xaqiijiyeen ayaa waxa nimankan laga soo qabtay guri ku yaala xaafada badhka ee degmada Axmed Dhagax.
Aroor yadii hore ee shalay ayey koox ka mid ah booliiska oo u muuqday in ay warbixin buuxa ka haysteen aqalka iyo cida ku jirta hareereeyeen guriga ay nimankaasi ku jireen oo sida la sheegay ahaa aqal weyn oo ganjeel ah oo leh saddex albaab. Iyaga oo markii dambena inta ay u dhaceen ka soo qabtay nimankan iyo haweenayda wehelinaysay.
Raggan la qabtay oo sida la sheegay dhawaan dalka yimi, ayaa waxa iyadu ka soo horaysay haweenayda lala xidhay oo iyadu guriga ay ku soo degeen u sii kiraysay, arintaasi oo dareen shaki leh ku abuurtay booliiska hawlgalka sameeyey.
Taliyaha booliiska Somaliland Maxamed Saqadhi Dubad oo aanu xalay la xidhiidhnay si aanu sababta loo qabqabtay raggan wax uga weydiino ayaa tibaaaxay in ay baadhisi socoto, sidaa darteedna aanu wax faalo ah ka bixinayn raggan iyo sababta loo qabtayba.
Todobaadkan ayey ahayd markii ay booliisku toban dhalinyaro reer koonfureed ah ka qabteen madaarka Cigaal ee magaalada Hargeysa, kuwaasi oo lagu hayo baadhis la xidhiidha tuhunada loo qabtay, waxaanad moodaa in ciidammada ammaanka Somaliland ay feejignaan dheeraad ah galeen tan iyo wixii ka dambeeyey 29 October 2008 ee ay kooxaha argagixisadu soo weerareen dalka.
Jamhuuriya Online


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Afar Nin Iyo Haweenay Looga Shakiyey Argagixiso Oo Lagu Qabtay Hargeysa "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback