Shir balaadhan oo ay yeesheen duqayda, salaadiinta waxgaradka iyo bahda beesha Xeebjire oo qabsoomay 24kii bishan ayaa beeshu ay ku gacansaydhay musharixiinta beesha ka soo jeeda ee ilaa hada is shaaciyay, nuqul ka mid ah go’aanadii beesha oo soo gaadhay shabakada wararka ee Lughayanews oo ay ku saxeexan yihiin odayaal gaadhayaa 10 qof ayaa u qornaa sidan.
Anagaa tixgalinayna siyaasada maanta joogta isla markaana fulinayna go’aamadii ka soo baxay shirarkii beesha kuwaas oo ku salaysnaa in waxwalba wada tashi iyo is ogaysiin kadib lagu dhaqaaqo, isla markaana ilaa hada aanay jirin Siyaasiyiin dhex-timid beesha oo cadaysay mawqifkooda siyaasadeed iyo damacooda musharxnimo ee ay xaqa u leeyihiin, waxaan anaga oo tixgalina oo raacnayna shuruudaha ay qeexayaan xeerarka hore noogu yaalay aan isku raacsanahay in Ilaa maanta aanu jirin musharax ka soo jeeda Beesha oo aan ognahay isla markaana taageersanahay.
Odayaasha nuqulkan go’aanka ah ku saxeexan ayaa kala ah:
1. Cabdilaahi Diiriye Samatar
2. Faarax Muuse Cige
3. Xasan Habane Miigane
4. Cumar Axmed Faarax
5. Aw-jibriil Aadan Kaahin
6. Muuse Maxamed Yuusuf
7. Muuse Cismaan Dhagawayne
8. Yoonis Daahir Faarax
9. Axmed Riiraash Dharaar
10. Cismaan Sii’arag Cadaawe
Nuqulkan go’aanka ah ee ka soo baxay beesha ayaa ah mid aanan lagu cadayn Magacda siyaasiyiinta Ilaa imika is sharaxday ee beesha ka soo jeeda ee taageerada aanan la siinin


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Beesha Xeeb-jire Ee Beelaha Awdal Oo Diiday In Taageero La Siiyo Musharixiinta Beesha Ah Ee Iskood Isku Shaaciyay "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback