Borama-(Lug)-Saaka Subax ayaa Gaadiidlayda Magaalada Borama ay la soo tooseen hadalhaynta Kaantaroolka Cusub ee laga sameeyey Bariga Magaalada Borama. aantaroolkan oo uu dhismahiisu socday wax ka yar 12 Saac ,
kuna yaala Duleedka Sare ee Dooxa Qoorgaab ayaa maanta u shaqaynayay si Buuxda, waxaana ay u saamaxday Goobta Istaraatijiyada ah ee Kaantaroolkan lagu sameeyey in aanay Gaadiidley Helin Fursad kale oo Dariiq ah oo ay kaga wareegi karaan Maadama uu Dooxu XIdhay.

Masuuliyiinta Dowlada kama warbixin ujeedada Kaantaroolkan cusub balse waxay warar xog ogaal ahi sheegayaan In ujeedada Kaantaroolkan uu yahay Adkaynta Nabadgalyada Magaalada Borama, waxaase jira Aragtiyo kala duwan oo isasoo taraya oo tilmaamaya in Ujeedada Kaantaroolkan ay intaasi ka badan tahay, Maalintii ugu horeysayba Madaxda Iskarogooyinka Ciida iyo Dhagaxa Dhismaha soo qaada ee Magaalada Borama waxa ay ku tilmaameen Kaantaroolkan goob iyaga loo furtay si looga qaado lacagta Cashuurta ah ee Cusub.

Haddii ay ujeedadu tahay in Kaantaroolkani uu soo hooyo dakhli badan ayaa waxaa hubaal ah in ay dowlada hoose ka macaashi doonto Cashuuraha ku Waajibi doona dad faro badan oo ka ganacsada khudaarta, Dhuxusha iyo Dhagaxa iyo Camuuda iyo Dalagyo kale oo xoog badan uga yimaada dhinaca Bariga isla markaana ku soo qulqula magaalada Borama habeen iyo Maalinba.


Wariye:-
Cabdale Cali Yuusuf
Lughayanews-Borama