iska-rogo.jpgBorama-(Lug)-Maanta waxaa cirka isku shareeray Cabasho ka imanayso Mulkiilayaasha iyo Iskaashatooyinka Iskarooyinka ee Ciida iyo Dhagaxa Qaada ee Magaalada Borama, kuwaasi oo ka cabanaya in dowlada ay ku soo rogtay Cashuur aanan ku waajibin.

iska-rogo.jpgCabashooyinkan ayay iyaga oo koox ah la hortageen Xafiiska Badhasaabka, Maayarka iyo Wasaarada Maaliyada ee G/Awdal, balse umay suurto galin inay arrinta cabashadooda kala hadlaan Masuuliyiinta Xafiisyadan.

Gudoomiyaha Ururka Iskarogooyinka magaalada Borama Maxamed Carte Cadaawe oo saxaafada la hadlaya ayaa sheegay in Dowladda Hoose ay Kaantarool cusub dhigatay Duleedka magaalada Borama isla markaana ay tidhi in halkii Lowdhba ay ka bixiyaan 3000SL/sh”.

Waxaa kale oo uu xusay Gudoomiyuhu in arrintani ay tahay mid deg deg ah oo aan lagala tashan, isla markaana aanay suurtogal ahayn inay bixiyaan, mar wax laga waydiiyay inay la kulmeen Masuuliyiinta degmada ayaa waxuu yidhi “Ka dib markii ay Ciidamada Booliisku xidhxidheen Baabuurta ayaa cabashadii ula tagtay Maayarka balse nooma jawaabin, waxaana uu hadal noogu gaabiyay Qasab ayaa la idinkaga qaadi Cashuurta, hanjabaad ayuuna nagu dhaqaajiyay”.

Sidaasi oo kale Cabdi Cismaan Dhagawayne oo isaguna ka mid ah Xubnaha Gudiga Iskaragooyinka ayaa tilmaamay waxay ka cabanayaan waxaanuu yidhi “Waxaan bixinaa Afar Cashuurood sanad walba maantana waxa lagu jiraa wakhti adag oo aanan wax ka badan la bixin Karin, mana bixin karayno Cashuurtan Dowladda Hoose waxba nooma qabato, wadooyinkii aan u maraynay Buuraha iyo Dooxyada Ciida laga soo qaado Dad ayaa degay waxaana wakhti badan ku luminaa sidii aan Wadooyin cusub u furan lahayn mana BIxinayno Cashurtan”.

Isagoo Hadalkiisa sii wada ayuu yidhi “Waxaan balan qaadaynaa Saddex biloodna ha noqotee in aan Shaqo Joojin Samaynayno Dowladda Hoosena wayn ogtahay in Dhismaha dhulka ay iyadu Lacag badan ku qabto”.

Maayarka Magaalada Borama C/raxmaan Shide Bile ayaa ku gacan saydhay inuu Saxaafada la hadlo, waxaase ilo xog ogaal ah oo ka tirsan Dowladda hoose ay sheegayaan in Cashuurtan Maalinlaha ah ay dhan tahay 2000Sl/sh isla markaana aanay ahayd Sidan ay ku dacwooyinayaan Madaxda Iska rogooyinku.

Ilaa iyo Hada ma jiraan Calaamado muujinaya in arrintan wada hadal laga galayo inkastoo ay sheegeen Madaxda Iskaragooyinku inay ogol yihiin in wax walba wada hadal lagu dhameeyo.

Wariye:-
Cabdale Cali Yuusuf
Lughayanews-Borama