Borama-(Lug)-Wafti heersare ah oo ka socday Xarunta Dhexe ee Hayada SCF-Denmark oo magaalada Copenhagen oo ay wehelinayaan madaxda Xafiisyada Hayadan ee Nairobi iyo Hargeysa ayaa maanta booqasho ku yimid magaalada Borama.
Waftigan ayaa ujeedada safarkoodu waxay ahayd sidii ay hubin lahaayeen meelaha ay ku baxday Lacag ay ku maalgaliyeen mashaariicda loo yaqaan ABE oo ay wada Wasaarada Waxbarashadu, Scoth-ka oo ay hirgalisay Jaamacada Camuud iyo Mashruuca PET.
Waftigan oo uu wehelinayay Gudoomiyaha waxbarashada G/Awdal Prof.Daahir Maxamuud Xadi ayaa soo kormeeray goobo dhowr ah oo xudub u ah Mashaariicdan ay maalgalisay Hayadani, waxana ka mid ahaa Xarunta Jaamacada Camuud, Goobta Dhismaha ee Daldhis ee uu ka socdo PET-ka iyo Dugsiga waxbarashada ABE ee Hayayaabe ku yaala, intii ay ku sugnaayeen Dugsigan oo ay gacanta ku hayso Hayada SCF-Denmarka ayaa waxaa wareejiyay gacanta Wasaarada Waxbarashada sanadkan oo Ardaydu galayaan Fasalka 8-aad. Prof Daahir Maxamuud Xadi oo ka hadlay halkaasi ayaa talaabadan ay SCF-Denmark qaaday ku tilmaamay mid Taariikhi ah waxaana uu sheegay in ay lagama maarmaan tahay xoojinta xidhiidhka ka dhexeeya Wasaaradda iyo Hayada SCF-Denmark.
Madaxda Masuuliyiinta Waftigan oo kormeerkoodani uu qaatay Dhowr saac ayaa ka mabsuuday waxyaabihii ay indhahoodu arkeen isla markaana ku tilmaamay Mashaariicda Goobahaasi ka socday kuwo waxtar leh waxaana ay balan qaadeen inay kordhin doonaan Lacagaha deeqaha ah ee ay ku bixiyaan Mashaariicda noocan oo kale ah, waana markii ugu horeysay ee wafti ka socda magaalada Copenhagen uu booqasho ku yimaado Magaalada Borama.
Wariye:-
Abokor Hassan Affi
Lughayanews-Borama


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Wafti Ka Socday SCF-Denmark Oo Maanta Soo Booqday Magaalada Borama "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback