Sagaal Gantaal Waxa Gacanta Ku Haya Itoobiya, 1 Gantaalna Ciidamada S/land, Fuyuusyadiina Waa Lala Baxsaday..”

anti_iarcraf.jpgHargaysa-(Lug)-Wararka naga soo gaadhaya Gantaalahii ay dhawaan Ciidamada Boolisku qabteen ayaa daaha ka rogay in uu muran wayni ka dhex taagan yahay Xukumada Somaliland iyo Masuuliyiinta Dawlada Itoobiya u fadhiya Xafiiskooda Magaalada Hargeysa , taas oo ka dhalatay  markii si badheedh ah ay  Cidamada Itoobiya ku qaateen  9 ka mid ah Qoryahii Gantaalaha Lidka Diyaaradaha ahaa ee dhawaan lagu qabtay Magaalada Hargeysa , Hubkan oo sida uu sheegay Wasiirka arrimaha Guduhu laga keenay Magaalada Dhuuso Mareeb ayaa sida ay sheegayaan  warar lagu  kalsoonyahay  waxay daaha ka qaadayaan in uu Dalka soo galiyay Nin Ganacsade ah oo Qandaraas ku haysta Saadka Ciidamada Amison ee ka hawlgala Magaalada Muqdisho kaasoo la sheegay inuu ka ganacsado hubka.

Xog  aanu ka helnay lahaanshaha Hubkaasi ayaa waxay sheegayaan in Ninka Ganacsadaha ahi Hubkaasi uu u siday isla Xafiiska Hargeysa ee Itoobiya oo Dalabka keenida Hubka lahaa , taas oo ay heshiis ku ahaayeen Qoryahaasi inay ka siistaan lacag dhan boqol kun oo Dollar $ 100’000  balse Mu’aamaraad iyo Wanjal ay u qorsheeyeen darteed loo xidho Nimanka hubka keenay, Hubkiina lala wareego.

Wanjalka iyo Mu’aamaraadka Sababtay in hubkan la qabto ayaa warku sheegayaa inay iska kaashadeen Niman ka tirsan Sirdoonka Somaliland iyo Saraakiil ka tirsan Xafiiska Itoobiya ee Magaalada Hargeysa kuwaas oo si dadban shuraako u ah, waxaanay  Xogaha arrintaasi ku saabsani sheegayaan  in labada Nin ee hubka loo hayo laga soo qabtay Guriga ay degan yihiin Saraakiisha Itoobiya, balse ay baxsadeen oo ay maqan yahiin laba Nin oo kale oo muhiima oo ahaa Nimankii kaalinta ugu muhiimsanayd ku lahaa soo Iib gaynta Hubkan,  kuwaasoo kala ah Ninkii hayay Qarxiyayaashii 10ka Gantaal iyo Macalinkii Farsamada  Gantaalaha garanayay kuwaasoo ka badbaaday Shirqoolka loo dhigay labada Qof ee loo hayo Qorshahaasi.

Ninka Xidhan ee Ganacsadaha Dilaalka ah oo ah Nin Gacmo Fog ku Xidhan awgeed ayaa la sheegay inay Dacwada arrintani noqotay mid gacanta lagaga gubto, taas oo sababtay Khilaafkeedu inuu gaadho madaxda sare ee Dalka , kuwaas oo dalbaday in Qoryaha Gacanta loo soo galiyo, balse ilaa hada ay ka warwareegayaan Masuuliyiinta Saraakiisha Xafiiska Itoobiya ee Hargeysa u fadhiyaa kuwaasoo sida la sheegay ku doodaya Hubkaasi inay iyagu leeyihiin oo aanay soo celinayn.

Waaheen