Boorama-(Lug)-Maayarka degmada Garbo-dadar Aadan Xasan Faarax (Aadan Jacayl) oo shabakada wararka ee Lughayanews ugu waramayay qadka teleefanka ayaa u sheegay in ay roobabku xidhiidhsanaayeen mudo todobaado ah, waxa kale oo uu maayarku sheegay in ay roobabkani si ba’an u waxyeeleeyeen wadooyinkii degmada oo markooda horaba ahaa kuwo aanan dayactirnayn waxana uu yidhi maayarku “ waxa ay wax weeleen roobabkani wadooyinkii lafdhabarta u ahaa degmada eek u xidhi jiray Hargasa Boorama, Lughaya iyo Saylac, waxana ay roobabku ka dhigeen degmada mid gari go’an ah”.
Maayarku waxa kale oo uu sheegay in uu shuban ka dhashay roobabkan isla markaana uu ku badan yahay magaalooyinka garbodadar iyo fardalaguxidh, waxana uu yidhi “ Adeega caafimaadka iyo rugaha caafimaad ee laga hawlgalo eek u yaala degmada oo aad u kooban ayaa waxa ay ka dhigayaan xaalada mid sii murgaysa, waxana ugu wacan shubanka waqtigan dilaacay in uu yahay mid ka dhashay miyaha wasaqda leh ee ay dadku cabayaan.
Maayarku waxa kale oo uu xusay in roobabkani ay hakad galiyeen geedi socodkii dhamaytirka diiwaangalinta waxa uu yidhi waxa aan awoodi waynay in aan xarumihii diiwaangalita u rarno gobo kale oo looga baahan yahay waxana ay tahay sababtu wadooyinkii la marin lahaa oo gabi ahaanba burburay iyo roobabka oo aanan kala qaadayn. Waxa kale oo uu maayarku ka dalbaday xukuumada, hayadaha deeqda bixiya iyo gabi ahaanba umada somalilanad in indhaha lagu hayo xaalada ay ku sugan tahay degmada Garbo-dadar maalmahan.
Wariye:-
Abokor Xasan Caafi
Lughayanews-Boorama


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Maayarka Degmada Garbo-dadar oo Xaqiijiyay Inay Roobab Qasaare gaysatay Ka Da’een Degmadaasi "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback