Boorama-(Lug)-Daqiiqado yar kadib markii uu telefishanka ETN baahiyay barnaamij uu isukeenay saaxiibadii wafbaahinta Soomaaliyeed, ayaa waxa dadwayne tiro badan oo ah dadka reer Boorama ay ku soo urureen goobaha tetefishanada ah, waxa ay wax badan indhaha ka bogteen, wariyayaal caalami ah oo Soomaali ah oo ay inta badan ka maqlaan warbaahinta oo ay kamid ahaayeen, Wariye Axmed Xasan Cawke, Maxamed Faarax Cali Idaajaa, Maxamed Aaadan Xirsi Teeraa, Khadiija Mayoow Abuukar, Yaasiin Ciise Wardheere, oo uu waraysanayay Wariye Axmed Taajir . Waxa markiiba ii muuqday xiisaha ay leedahay suxufinimadu iyo sida ay saaxiibo waawayn oo saxaafada ku walaalo ahaa ay u kala baaheen.

Waxa aan wax yar kadib garaacay teleefanka saaxiibo kale oo ku sugan magaalada Boorama, waxa ay ahaayeen Wariyayaashii hore ee Radio Muqdisho eek u sugan Boorama Abokor Xasan Caafi iyo Daahir Maxamuud Xaddi, waxa ay ii sheegeen in ay daawanayaan barnaamijkan isla markaana aanay waqtigan awood u lahayn in ay ka war bixiyaan shucuurtooda, waxase ay hadal iigu soo koobeen bari ayaan kuu warami doonaa.

Subaxnimadii Isniineed ee manta ma ahayn Wariyayaasha Shabakada wararka ee Lughayanews oo kaliya inta qof ee la kulantay Wariye caafi iyo Saaxiibkii Xaddi, waxase jiray dadwayne aad u tiro badan oo iyagu ku soo xoomay goobaha ay joogeen si ay uga waraystaan saaxiibadoodii hore iyo xiisaha barnaamijkii xalay. Waxa wariyayaashani ii sheeegeen in ay aad u adagtahay in saaxiibadoodii warfaafinta la isugu keeno meel sababtuna ay tahay iyaga oo dunida ku baahay maantana kala noqday qabiilo iyo shaqsiyaad kala dan ah, halka ay markii hore ka ahaayeen saaxiibo ku bahoobay warfaafinta. Waxa kale oo ay xuseen in ay tacsi u dirayaan eheladii iyo qaraabadii ay ka geeriyoodeen saaxiibadoodii warfaafinta oo qaar badan ka mid ahi ay geeriyoodeen.

Wariye Abokor Xasan Caafi ayaan waydiinay waxa uu dareemayo manta waxana uu yidhi waxaa maalin qaali ah waxa aan xasuustay saaxiibadaydii warbaahinta iyo qaaamaha warbaahintu ay lahayd, waxa kale oo uu ii sheegay in ay saaxiibadan la xusayaan maalintan qaaliga ah waxana uu yidhi “ waxa ay xusayaan saaxiibaday maalintii warfaafinta Soomaaliyeed oo ku began 21 January, waxana uu xusay in ay saaxiibadooda manta Nairobi ka xusay munaasabadan ay mutaysteen in loo mahadnaqo.
Waxa kale oo aan wax ka waydiiyay markii ugu dambaysay ee isugu dambaysay saaxiibadiisan uu caawa la kulmay waxana uu ii sheegay in ay ahay sanadihii sagaashamaadkii bilawgiisii waxase jirtay in aan cawke iyo Teeraa ku kulanay Boorama iyo Hargaysa, waxanan rajaynayaa in in sidaasi oo kole u kulmi doono Axmed taajir Idaajaa iyo Saaxiibo kale oo saxaafada ah oo aan kala baahnay ayuu daba digay Wariye Caafi waxa kale oo aan waydiiyay saaxiibadan uu xalay daawaday midka ahaa saaxiibka ugu dhow ee uu sida gaarka ah u xasuustay waxana uu yidhi “ waxa uu ahaa Wariye Yaasiin Ciise Wardheere, waxa iigu dambaysay sanadkii1991kii, waxa aan ahayn saaxiibo isku ladhan oo mataano lamoodo balse waxa iigu dambaysay waqti hore. Wariye Abokor Xasan Caafi marka loo noqdo saxaafadii Soomaaliya ee Hore waxa uu ku can ahaa barnaamijyadii IIDHEH-da ahaa ee soo gali jiray galabkasta.

Marka loo noo soo noqdo waraysiga kale ee Shabakada Wararka ee Lughayanews la yeelatay Prof. Xaddi oo waqti ahaan jiray madaxii wararka ee radio Muqdisho ayaa yidhi waxa ay ii ahayd habeen  aan wax badan dib u xasuustay waxa kale oo intaasi ii dheeraa oo aan caawa wax badan tabayaaa  waayihii aan la soo qaatay saaxiibadaydii saxaafada, waxa uu intaasi raaciyay waan salaamayaa markale dhamaantood, gaar ahaan Yaasiin, Cawke Teeraa iyo Idaajaa, waxa kale oo uu yidhi saxaafada bilowgii waxa aan ku kulanay anaga oo aanan aqoon u lahayn waxase aan ku dhex barbaarnay gudaha radio Muqdisho anaga oo noqonay saaxiibo iyo waayo aragyo dunida oo dhan ka can ah.

Prof. Xaddi waxa kale oo uu xusay in uu ka dhexbaxay saxaafada waqti xaadirkan bals uu xidhiidh gaar ah oo qoto dheer la leeyahay saaxiibadiisii saxaafada inta dalka ku sugan oo kala ah, Caafi, Axmed Siciid Cige, Xagar, Maxamed Siciid, Saaxiibkay Waji, Cismaan Xandule, waxana uu hadalka sii raaciyay hambalyo meelkasata oo aad joogtaan.

Saxaafada manta ayaa ah mid aad uga gun iyo sal balaadhan tan ay mudada dheer ilaa manta sii xasuusan yihiin Prof. Xadi iyo saaxiibkii Caafi waxana ay suxufiyiinta tirade badan ee  manta dalka kusugan ay yihiin kuwo aanan wax badan ku soo hano qaadin anshaxa xushmada iyo qiimaha suxufiga taasi oo dhaxalsiisay in ay jiri waayaaan suxufiyiin wadaaga qiimaha magaca sixufi.

Waxa ay si isku mid ah iyaga oo uu dareen qoto dheeri ka muuqdo Prof. Xadi iyo Saaxiibkii Caafi ay ii yidhaaheen “ Qiimaha saxaafadu waa Xornimo iyo Masuuliyad, manta saxaafadu xariyad way haysaa balse masuuliyadii dhabta ahayd ayay lumisay”

Wariye:-
Cabdale Cali Yuusuf
Lugahaynews-Boorama