Boorama-(Lug)-Olole hor leh oo lagu diiwaangalinayo hubka fudud ee wali ku jira gacanta dadwaynaha aya ka bilaabmay magaalada Boorama, maanta waxa hoolka xarunta badhasaabka gfobolka Awdal ku kulmay 35 qof oo isugu jira saraakiisa booliska iyo milatariga maamulka degmada, salaadin iyo wax garad kale waxana ay u balansanaayeen in la wada gorfeeyo sidii hawshan loo waajihi lahaa 

Madaxa xafiiska sharciyaynta hubka fudud ee gobolka Awdal Cabdiraxmaan Axmed Cilmi iyo Isuduwaha Diiwaangalinta hubka fudud eeWasaarada Arimaha Dibada ayaa ka faalooday ahmiyada xafiiskani leeyahay waxana ay sheegeen in xafiiskan la furay sanadii 2005tii waqtigaas oo la isku raacay in la diiwaan galiyo hubka wali ku jira gacanta dadwaynaha ee reer Awdal, waxana ay intaasi daba dhigeen in ay hawshan oo kale ka qabsoontay gobolada dalka kale isla markaana uu xafiisku laamo ku leeyahay 13 degmo oo dalka oo dhan ah. Iyaga oo masuuliyiintani ka waramaya hawsha xafiiska iyo sida loo uruurinayo hubka loona diiwaan galinayo ayay yidhaaheen” waxwalba waa tabaruc majirto cid la qsbayaa, waxa la samayn doonaa wacyigalin kuwaajahan hawshan, waxana loo sheegayaa bulshada in uu xafiiskan u shaqaynayo qayb ka mid ah sugida aminiga umada Somaliland.

 

Maayarka magaalada Boorama Cabriraxmaan shide mile oo isaguna ka hadlay madashan ayaa ugu baaqay umada reer Boorama in ay hubklooda diiwaan galiyaan lana shaqeeyaan xafiiskan cusub, maayarku waxa uu sheegay in ay hawshu tahay mid tabaruc ah oo aanan idna xoriyada lagaga qaadayn waxana uu yidh “ Ma aha hubkadhigis, wax qasab ahina ma jiraan waxaase haboon in aan hubka gacanta dadawaynaha ku jira sharciyayno  si loogu xisaabtamo, maayarku waxa uu masuuliyiintii meesha fadhiday ku dardaaray in ay iyagu gorfeyaan qaabka ugu macquulsan ee hawshan loo wajihi karo

 

Wariye:-
Cabdale Cali Yuusuf

Lughayanews-Boorama