“Ma-nihin Siyaasiyiin Waanan ka digaynaa …..Sul. Ibraahim Jaamac Samatar
“Candho Geel Ninba Inta Uu Gashaduu Ka Maalaa …………… Suldaan Dhawal
“Waar Beenaaloow Hadaad Wax sheegayso Runuun …………. Suldaan  Baade

Boorama-(Lug)-Salaadiinta gobolka Awdal qaar ka mid ah oo ay ka dhex muuqdeen Sul. Ibraahin Jaamac Samatar, Sul. Cabiraxmaan Jaamac Dhawal iyo Suldaan Xasan Xadi Baade oo ay waheliyaan Xil. Suleed Madar Xoosh iyo afayeenka aqoonyahanka iyo odoyaash reer Awdal Maxamed Xasan Axmed ayaa manta qabtay shir jaraa’id oo ay si kulul ugaga jawaabeyeen hadalo ay dhawaan ka qortay jariirada Haatuf ee ka soo baxda magaalda hargaysa, waxa kale oo ay salaadiintui ka warameen hawlihii udambeeyay ee diiwaangalinta iyo halka ay marayaan

 

Sul. Ibraahim Jaamac Samatar oo hadalka bilaabay ayaa  xusay in ay salaadiinta reer Awdal ahaayeen kuwa iska xilsaaray sidii loo dabooli lahaa qabashooyinkii ka soo yeedhay gobolka eek u aadanaa diiwaangalinta waxana uu xusay in ay hawshaas kala hadleen masuuliyiinta kumishanka is afgarad kadibna hawshii dhamaystirka diiwaangalintu ay gobolka oo dhan ka bilaabatay 14kii bishan. Sul Ibraahimisaga oo sharaxaya kaalinta ay ka qaateen salaadiintu hawshan ayuu yidhi, maadaama oo uu komishanku dhaqaale ahaan gabaabsi yahay waxa aan qaadnay masuuliyada ah in ay dhaqaale ahaan taageeraan hawsha isla markaana ay u guntadeen sidii ay umada reer Awdal iga gudhi lahaayeen qadhaan lagu wajoho hawsha taasi oo uu tilmaamay in ay si fiican u socoto, Suldaanku waxa kale oo uu si kulul uga jawaabay hadalo ay ka qortay jatiirada Haatuf kuwaas oo sheegayay in salaadiintu ay uruurinayeen lacago qaadhaan ah oo lagu kabayo xisbiga talada haye ee UDUB waxana uu yidhi “ Kuwa warkaas qoray been ayay ka sheegeen hawsha aan umada u hayno, ka salaadiin ahaan anagu bulshada waxa aa aan nahay kuwo u dhex ah oo aanay ka suurtoobin hawshu, waxa an saxaafda leenahay runta wax ka qora kana waantooba ujeedeeyinka qaladan iyo qaabka xun ee aad wax u wadaan, hadii ay mar labaad dhacdo wxa aan ka digaynaa cawaasibka ay yeelan karto sababta oo ah anagu manihin siyaasiyiinta ay saxaafadu kolba dhinac ka gasho waxaanse nahay oday dhaqameedyo umada ka wakiil ah. Sul Ibraahim Haamaxc Samatar waxa uu umada ku dardaaray in ay wax badannabadgalyada ilaaliyaan.

 

Sul. Cabdiraxmaan Jaamac Dhawal oo isaguna ka hadlay madashan ayaa u mahadnaqay gabi ahaanba umada reer Awdal iyo inta ka qayb qaadatay diiwaangalinta, waxana uu xusay in ay hawshasi si guul ah ku soo dhamaan doonto. Sul. Cabdiraxmaan waxa uu yidhi “ wxa ay indhuhu ku jeedaan komishanka waxana la sugayaa bal in lamaqlo natiijoojinkii ka dhashay hawshii diiwaangalinta ee ay umada u hayeen, waxaanan leenahay noqda kuwo cadaalad fala kana dhabeeya hadaladoodii cadaalada ka waramayay” Sul. Ibraahim waxa kale oo uu isaguna ka waramay hawsha lacagahii qaadhaanka ahaa ee ay gacanta ku hayeen iyo wararka ay qortay jariirada Haatuf waxana uu yidhi “ anagu waxa aan wax u guraynay mahayn xisbi iyo shaqsiyad caawiya, waxaanan wax la rabnay waa mustaqbalka bulshadeen ee barito UDUB manta wax agar ah lamaanaan rabin lakiin ogaada waxa ka soo baxa dadka isdiiwaangaliyay ayuun bay axsaabtu wax ku leeyihiin soomaaliduna waxay ku maahmaahdaa”Candho Geel Ninba Intuu Gashaduu Ka Maalaa” waana muhiim in ay umadu manta iswada diiwaan galiso. Waxase iga yaabiyay wariyayaasha iyo joornaalada qoray wararka beenta ah ee aanay waxba ka jirin, waxana haboon in uu wariyuhu sheego waxa jira iyo xaqiiqda lawada ogyahay ee jirta.

 

Sul. Xasan xadi Baadi oo isaguna si kooban uga hadlay halka ayaa hadalkiisa ku bilaabay “ waar beenaaloow run naga sheeg, abwaanka iyo suxufigana looma baahna in ay been sheegaan sababta oo ah waxa ay nasiib uyeesheen in ay umadu dhagaysato hadiise ay beentaadu badato waxa kuu xigta in lagu wada barto oo la yidhaa bari ha noogu yeedhina beenaalaha, waxa an leeeyahay saxaafadaay anshaxa suuban ku dhawrsad. Hawshii diiwaangalinta iyo hawshii aan galnay ee dhaqaale ururinta ahaydna si fiican ayay u socotaa”

 

Xilibaan Suleex Madar Xoosh ayaa ka waramay in ay ahaayeen gudi bulshada u dhex ah oo loo doortay diirigalinta hawsha diiwaangalinta waxana uu xusay in ay aad uga xun yihiin waxa ay Haatuf qortay waxana uu yidhi hadii aydaan beensheegayn waad ogtihiin in aysan jirin cid laqasbayaa hawshan odayaal umada u dhex ah ayaa gacanta ku haya.

 

Afayeenka aqoonyahanka iyo odoyaasha reer Awdal Maxamed Xasan Axmed ayaa isaguna xusay in laga midho dhaliyay ujeedadii diiwaangalinta waxana uu ku celiyay in hawshan qaadhaan ururinta ahi ay ahayd hawl ay odayaasha dhaqanku u ahaayeen lafdhabar isla markaana la go’aansaday in dhaqaleha laga ururiyo ganacsatada iyo dhamaans shaqaalaha reer Aewdal ee dalka ku sugan, waxana uu yidhi “ kadib go’aankii odayaasha ee ahaa in cidwalba oo awooda liis lagu qoro lagana qaado qaadhaankan, waxa hawsha laga bilaabay Hargaysa waxana laga qaaday dhamaan xilibaanada iyo inta kale ee halkaas ku sugan, ujeedada qaadhaankan ayaana ahaa si loogu  dardar galiyo dhjamaystirka diiwaangalinta Awdal hawsheeda

Wariye:-
Abokor Xasan Caafi
Lughayanews-Boorama