sheekh-shariif.jpgDjibouti-(Lug)-200 oo xildhibaan oo ka socda Isbaheysiga mucaaradka ah ayaa maanta la dhaarinayaa, kaddibna baarlamaanka dhan ayaa Jimcaha lagu wadaa inuu doorto madaxweyne cusub

Inkastoo aan la hubin in dhamaan xubnaha cusub ee baarlamaanka ay wada joogaan Jamhuuriyadda Djibouti, haddana dhaarintoodu waxay dhameystireysaa heshiiskii ay Djibouti kal hore ku kala saxiixdeen dowladda KMG iyo Isbaheysiga Dibu-Xoreynta Somalia

Xubnaha maanta la dhaarinayo waxaa hoggaaminaya Sh. Shariif Sh. Axmed, guddoomiyaha Isbaheysiga mucaaradka ah. Sh. Shariif ayaa sidoo kale ah musharraxa Isbaheysiga ay u xusheen inuu uga qeyb galo doorashada madaxweynaha, ee dhici doonta maalinta Jimcaha ah.

Inkastoo uu heshiiska Djiouti qorayey in 275 xubnood oo cusub oo ka socda mucaaradka ay ku biiraan Golaha Baarlamaanka, haddana waxaa la isku af-gartay in 75 xubnood dib loo dhigo, xubnahaas oo loo qoondeeyey bulshada rayidka ah, ganacsatada, iyo shakhsiyaad caan ah.

Bbcsomali