15.JPGKontomeeye xubnood oo xul ah, iskuguna jira Rag iyo Dumar, oo leh tayo (quality),isla mar ahaantaana matalaya jaalliyaddaha Awdal, Salal iyo Gabiley.  Ayaa iskugu soo xoomeen goob ka tirsan xaafadda Wembley ee galbeedka magaalada London, si ay ula kulmaan Murashaxa Madaxwayne ku xigeenka Engineer Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) .
 
15.JPG

Kulankani oo si habsimi leh ay usoo qaban qaabiyeen jaaliyadda goboladaasi ee gaar ahaan ku nool galbeedka London. Wuxu ahaa kulan iskugu jira xog warran, wax is weydiin iyo war celin xubanahani is dhaafsadeen.  Mudane Saylici ayaana wuxu jaalliyaddan ugu xog warrammay xaallada siyaasadeed, dhaqan-dhaqaale iyo Ijtimaaci ee geyiga Somaliland, gaar ahaanna gobolada Awdal/Salal/Gabiley.
2.JPG
 
Engineer Saylici, wuxu u sheegay jaalliyadani iyaga ah, in goboladani ay xuquuqdooda ku waayeen mansabka magaca madaxweyne ee ay dalka ka hayaan.  Wuxuna si weyn ugu tiiq-tiiqsaday in loo baahanyahay midnimo lagu raadsado xuquuqdii goboladan.

4.JPG
 
Mudane Saylici wuxu si weyn ugu digay in  hadal qaadida magaca madaxwenuhu aanay caqabad ku noqon raadinta xuquuqdeena oo an loo arag in looga dan leeyahay reero gaar ah.  Bulshoweyntii halkaas iskugu timidayna wuxu u sheegay inuu ka filayo taageero siyaasadeed oo hiil iyo hooba leh. Taasi oo haddii ay siiyaan iyo hadii ay siin waayaanba uu kolleyba yahay nin mar walba u heelanaan doona dayac tirka gobolka uu ka soo jeedo.
31.JPG
 
Xubnaha kale ee halkaas sida diirran ugu soo dhaweeyay una taageeray Mudane saylici waxa ka mid ahaa; mudane Axmad-wali Sh. Cumar Good. Axmad-weli wuxu ku ammaanay Saylici daacadnimadiisa, hawlkaraanimadiisa iyo dhiirranida iyo yidiidalada uu u hayo hogaaminta dalka. Wuxuna ku daray inaynu taariikhdiisa wada qori doonno, hiil iyo hoona is garab taagi doonno.
51.JPG
 
Suldaan Yuusuf Suldaan Cali Cilmi ayaa isaguna ku dheeraaday sida loogu baahan yahay midnimada goboladan  inay noqoto mid muqaddas ah oo ka weyn xusbi iyo reero labadaba.
61.JPG
 
Reer Jabiuuti; Reer Saylac; Reer Xariirad; Reer Boon; Reer Quljeed, Reer Boorama, Reer Dila; Reer Baki, Reer  Lughaya, iyo Reer Gabiley.  Guud ahaan kulankan looma kala hadhin. Shirkaasina wuxu ku dhammaaday jawi guul, farxad iyo is af-garasho.

71.JPG

81.JPG
Somaliland Guul
 
HiilDanYare