Hargeysa-(Lug)-Waxa saaka Hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa ka bilowday shirweynihii golaha dhexe ee Xisbiga UCID, shirkaas golaha dhexe oo ay ka soo qeyb galeen ergooyin ka kala yimi gobolada dalka iyo dalka dibadiisa, waxa lagu ansixiyey wax ka bedel iyo kaabis lagu sameeyey xeerka u degsan xisbiga. Wax ka bedelkaas xeerka xisbiga waxa u coddeeyey oo ogolaaday 133 xubnood, halka 16 xubnoodna diidenn.
Intaa ka dib waxa shirguddoonka shirku sheegay in guddida fulinta ee xisbiga wada tashiyo ay shalay yeesheen ay ku go’aamiyeen in Prof. Maxamed Rashiid Sheekh Xassan uu ahaado musharaxa madaweyne ku xigeenka.
Waxa la guddo galay doorashadii masuuliyiintii xisbiga u matali lahayd jagada Madaxweynaha iyo Madaxweyne-Ku-Xigeenka, waxaana ugu horeyn loo coddeeyey jagada madaxweynaha oo uu u taagnaa Eng. Faysal Cali Waraabe oo ah guddoomiyaha xisbiga. Halkaas aqlabiyadii shirka fadhiday u coddeyeen in Faysal u matalo xisbiga jagada madaxweynaha, marka laga reebo dhawr xubnood.
Intaa ka dib guddoomiyaha shirka oo ahaa Maayar ku xigeenka caasimada maxamed Cabdillaahi Uurcade, ayaa sheegay in loo coddeeyo Prof. Maxamed Rashiid Sheekh Xassan oo uu sheegay in uu uga tanaasulay musharax kale oo ka soo jeeda Gobolka Sool oo magaciisa la yidhaahdo Prof. Cali Caydiid Xassan.
Waxa la qaaday cod bixintii loo qaaday Prof. Maxamed Rashiid, ka dibna shir guddoonka shirku wuxu sheegay in aqlabiyadu ogolaadeen musharaxnimada Maxamed Rashiid, hase yeeshee shir guddoonku muu sheegin tirada rasmiga ah ee u coddeysay, halkaa waxa ka dhashay buuq, isla markiiba guddoomiyaha shirku wuxu sheegay in shirku xidhan yahay berina ay sii amba qaadi doonaan arimaha kaleee shirka hor yaala.
Haddaba, xidhitaankii shirka ka dib xildhibaano ka tirsan golaha wakiilada oo ay ka mid yihiin saleebaan Bukhaari, Maxamed Jaamac iyo xubno kale oo uu ka mid yahay musharixii u taagnaa jagada Madaxweyne-Ku-Xigeenka Prof. Cali Caydiid Xassan ayaa cambaareeyey qaabkii coddeyntu u dhacday kuna tilmaamay mid af-duub ahaa……
Ramaasnews Desk


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Shirweynihii Golaha Dhexe Xisbiga UCID Oo Saaka Furmay Laguna Doortay Masuuliyiinta Madaweynaha Iyo Madaxweyne Ku Xigeenka U Sharaxan Iyo Khilaaf Arintaa ka Dhashay "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback