Hargeysa-(Lug)-Aabbe Yuusuf Jaamac Cismaan, oo siddeed carruur ah oo uu dhalay ay naafo jidheed iyo kuwo maskaxeedba isugu jiraan, ayaa galabta ka guddoomay $300 oo Dollar, wakiilka shabakada wararka ee Ramaasnews ee Somaliland Cumar Maxamed Faarax, lacagtaasi oo ay qoyskan ugu deeqday gabadh ka mid ah jaaliyada Somaalida ee dalka Norway, oo magaceedu yahay Aamina Cabdilaahi Yuusuf. Deeqdaas oo loo soo mariyay maamulka sare ee Shabakada.

Wakiilka Ramaasnews wuxuu sheegay in lacagtaasi oo qadarkeedu $300 yahay, ay ugu deeqday qoyskan Aamina Cabdilaahi Yuusuf, oo isku xil-qaantay inay karaankeeda ay ku taageerto qoyskan tabaalaysan, isla markaana ay ku soo hagaajisay Tafaftiraha guud ee shabakada Ramaasnews, C/Risaaq Cismaan Fadal, oo degan magaalada Oslo ee dalka Norway. “Marka dhinac laga eego duruufaha adag ee ku xeeran qoyskani ma yara, hase ahaatee deeqdan ka timi inanta kheyrka shaqeysatay waa mid meel weyn ka gufayn doonta baahida qoyskan. Waxaanan u mahad naqayaa gabadhaa garashadeeda iyo taageeradeedaas wax ku oolka ah.”Ayuu yidhi Wakiilku.
Aabbe Yuusuf Jaamac Cismaan, oo markii uu Gurigiisa kaga guddoomay lacagtaas wakiilka shabakada Ramaasnews, hadal kooban jeediyay ayaa si weyn ugu mahad celiyay gabadhii lacagta u soo dirtay, waxaanu yidhi “Waad mahadsan tihiin inanta soo dirtayna way mahadsan tahay ilaahay bedelkeeda ha siiyo oo janada ah, ilaahay waxaan uga baryayaa in cidhibteedu liibaanto oo ay aakhiro iyo adduunkaba ku faraxdo, waxaanan uga mahad celinayaa siday iigu soo naxariisatay dadkaa laxaadka leh ee aan hayo, ilaahay ha ka abaal mariyo.”
Aabbo Yuusuf Jaamac, oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “Intiina lagu soo hagaajiyay ee aaminimada igu soo gaadhsiiyayna waad mahadsan tahiin, dad badan ayaa sidaas wax iigu soo wada diray, intaba waan u ducaynayaa.”
Yuusuf, wuxuu shabakada Ramaas News u sheegay in laba ka mid ah carruurtan ay dhawaan ka qaadeen qoys degan Hargeysa oo kafaalo qaaday daryeelkooda.
Ma aha markii u horeysay ee Shabakada ramaasnews ay gaadhsiiso qoyskan lacag deeq ah, iyadoo dhawaana ay Saddex Boqol oo Dollar oo kale ay gaadsiiyeen oo ay ugu deeqeen qaar ka mid ah jaaliyada Somaliland ee degan magaalada Oslo ee Norway.
Fiiro Gaara: Qofkii doonaya inuu toos ula xidhiidho Aabbaha qoyskan dhibaataysan, Fadlan ha kala Xidhiidh Tel.: 00252-2-4145445(Hargeysa).
Ramaasnews Desk


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Wakiilka Shabakada Ramaasnews Oo Deeqdii Labaad Guddoon-Siiyay Qoys Reer Hargeysa Ah Oo Siddeed Carruur Oo Ay Dhaleen Naafo Yihiin. "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback