ucid.jpgEng. Faadumo Cali Madar ayaa si toos ah u beeninaysa hadaladii uu ku dooday musharaxii u tar-tamay jagada Madaxweyne –Ku-Xigeenka Xisbiga UCID. Waxay sheegtay in ay jirto hab doorasho oo loo soo xulo musharaxiinta UCID, oo ku fadhida qawaaniinta iyo xeer hoosaadka xisbiga, waxaanay caddeynaysaa in qof kasta oo xubin ka ah UCID uu xaq u leeyahay, in uu codkiisa dhiiban karo, isla markaana isa sharixi karo haddii uu buuxiyo shuruudaha laga rabo. 

Waxa kale oo ay sheegtay in markii la soo xulayey masuuliyiinta isu soo sharaxeysa madaxweyne ku xigeenka, la ogeysiiyey in xubnaha booskaa u tar-tamayaa ku soo gudbinyaan codsigooda iyo CV-gooda saddex bilood ka hor  intaanu dhicin shirka golaha dhexe. Nasiib daro haddaba Cali Caydiid wax CV iyo codsi qoraal ah oo uu soo gudbiyey ma jirto.

Sababtaa darteed, waxan leeyahay waa khalad in isaga oo aan Cali nidaamkii loogu talagalay soo marin ka dhex hambabaro shirka golaha dhexe, isla markaana uu yidhaahdo musharax baan ahay. Taas oo isba uu ogyahay in ay ka soo horjeeda xeerka iyo nidaamka xisbigu u shaqeeyo. 

Waxa kale oo nasiib daro ah in rag masuuliyiin ah, sida Mudane Saleebaan Cawad Cali ay ku taageeraan, khaladka caddaanka ah ee uu Cali Caydiid galay, kuna dhaleeceeyaan Xisbiga Caddaalada iyo Daryeelka waxyaabo aan ka suurtoobin. Taasi waxay ku tusaysaa in ay iska indho tirayaan nidaamka iyo xeerka xisbiga ee ay iyaguba xog-ogaalka u yihiin.

Waxa xisbiga UCID aad uga xun yahay foolxumada iyo sharaf dhaca ay naftooda iyo xisbiga u soo duwayaan. Waxaase nasiib wanaag ah, in bulshada reer Somaliland ee taageersan xisbiga aanay ku marin habaabin karin falalka noocaasa ee la soo abaabulay ee ay ka dambeeyey shakhsiyaadka danta gaarka ah lihi.

Ugu dambeyn waxa aanu hambalyo iyo salaan u diraynaa  mudane Faysal Cali Waraabe iyo Mudane Maxamed-Rashiid Sh. Xassan iyo dhamaan Guddida qaban-qaabada shirweynaha UCID ee sanadka 2009.  

Allaa Mahad Leh  

Eng. Faadumo Cali Madar
Guddoomiye Ku Xigeenka Yurub.