Burco-(Lug)-Caaqil Cali Axmed Abees(Cali Bicirif) oo Dhawaan Lagu Soo Caleemo Saaray Hoteel Dalxiis ee Magaalada Hargeysa ayaa Si Heersdare ah Loogu Soo dhaweeyay Magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer

Boqolaal Gaadhi oo ay Wateen dadweyne aad u Fara badan ayaa Galbis ku Soo wareejiyay Wadooyinka Magaalada Burco, ka dibna Waxa uu Caaqilku dadkii Soo dhaweeyay kala Hadlay Meel fagaare ah Isaga oo u Mahad Celiayay

” Aad ayaan idiinka Mahada Celinayaa Sida Diiran ee aad iigu Soo dhaweyseen Magaalada Burco oo ah Si aan idinka Filaayay Runtiina Waa Mid aan Aad ugu Farxay” Ayuu Yidhi Caaqil Cali Axmed Abees
 
Isaga oo shegay in uu Rajaynaayo in ay Sidaasi Diiran oo kale ula Shaqayn Doonaan Dadka uu Caaqilka u Yahay iyo Guud ahaanba Bulshada Reer Togdheer” Waxaan Filayaa in aad iila Shaqayn Doontaan Sidaa Diiran ee aad ii soo dhaweynseen Insha Allaah” Ayuu Yidhi Caaqilku
 
Qaar ka Mid ah Cuqaasha ka Hadashay Madashaasi ayaa Sheegay in ay si weyn ula Shaqayn Doonaan Caaqilkan Da.da yara Isla Markaasina Waxa ay Bulshada ugu Baaqeen Bulshada Reer Togdheer In ay Meel uga Soo wada Jeedaan Xasiloonida Iyo Wax wada Qabsiga Gobolka Togdheer
 
Caaqil Cali Axmed Abees (Cali Bicirif) oo ka Mid noqday Cuqaasha Beelaha Galbeedka Burco Iyo Gobolka Sanaag ayaa Dhawaan Beeshiisu ku Caleemo Saartay Hoteelka Dalxiis ee Magaalada Burco iyaga oo sheegay in Caleemosaarka Caaqilkani ka Dhashay Baahi loo Qabo Dhinaca Adeega Beeshiisa Sida ay Sheegeen
 
Taas badalkeedaan waxa uu Maanta Soo gaadhay Xarunta Gobolka Togdheer ee Burco Iyada oo la Filaayo in uu Caaqilku Booshooyin Noocan oo kale ah ku Tago Deegaanada ay ku Sugantahay Beelaha uu Caaqilka u noqday oo dhan 
 
Wariye:-
Foosi Saleebaan Aw-Bindhe
Burco Togdheer