Shir lagaga hadlayay sidii loo daryeeli lahaa dadka naafada aha eek u dhaqan gobolka Awdal ayaa manta lagu qabtay xafiiska ururka SAYS ee magaalada Boorama, shirkan oo uu soo qabanqaabiyay ururka ku hadlka codka haweenka laga tirada badan tahay ee uu fadhigiisu yahay magaalada Hargaysa ee marka lasoo gaabiyo magaciisa loo yaqaan VOSOMWO. Kulnkan ayaa waxa ka soo qayb galay 25 qof oo isugu jira salaadiin oday dhaqameedyo, golaha degaanka ee Boorama iyo ururada naafada ah ee ka jira magaalada Boorama.

Agaasimaha fulinta ee ururka VOSOMWO Abdilahi  Ismaaciil Jaamac ayaa ka waramay in uu ururkiisu ku hawlan yahay sidii loo daryeeli lahaa dadka naafada ah waxana ay sheegeen in uu yahay dadka dhibatada naafada ahi ay haysato kuwo qayb muhuum ah ka ah bulshada.waxa kale oo uu intaasi daba dhigay in dadka laga tirade badan yahay iyo dadka naafada ihi ay wadaagaan duruufo isku mid ah waxana uu sheegay in uu ururkani u tafo xaytay wax ka qabashada dhinacyada waxbarashada, ka qaybgalka taladaiyo sinaanta guud, waxana uu sheegay in uu gundhiga kulankani yahay sidii xog arintana looga heli lahaa waxana uu yidhi “Marka xig la helaa talo la helaa”.

Agaasimaha fulinta ee ururka SAYS maxamed axmed askar oo uu ururkiisu marti galiyay shirkan maalinlaha ah ayaa waxa uu qiray in ay magaalda Boorama dadka naafada ahi qabaan faqooq badan oo aad u sareeyay waxana uu sheegay in uu ururkiisu wax badan isku hawlay sidii loo kaabi lahaa dadka naafada ah iyo dadka kale ee laga tirade badan yahay. Waxa kale oo uu agaasimuhu sheegay in ay lagama maarmaantahay in dadka naafada ahi ay iyagu qayb ka noqdaan hawlaha lagu badbaadinayo dadka naafada ah isla markaana ay qayb ka noqdaan wax walba oo loo qabanayo.

Gudoomiye ku xigeenka kumishanka xuquuqul insaanka dalka Luul Xasan Axmed ayaa sheegatay in hawsha faqooqa ah ee haysata dadka naafada ahi aanay ku ekayn oo kaliya Boorama balse ay tahay mid dalka oo dhan kajirta waxana ay ku tilmaantay hawlaha horyaala dadka naafada ah kuwo aadu sareeyay oo u baahan in meel looga soo wada jeesto.

Shirkan oo socday mudo dhawr saac ah ayaa waxa la isla meel dhigay siyaabaha kala duwan ee la iskaga kaashan karayo wax walba oo looqaban lahaa dadka naafada ah.

Abokor Xasan Caafi
Lughayanews-Boorama